Friday, April 19, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku dhawaaqay in dawladiisu xoogga saari doonto shaqo abuurka dhalinyarada

Muqdisho (WDN)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa kulan uu la qaatey qeyb kamid ah dhalinyarada Soomaaliyeed ku sheegay qorshaha dawladiisa ee horumarinta dhalinyarada iyo abuurista fursado shaqo ay helaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Md. Xasan Sheekh ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya hawlaha diiradda ay saari doonto ay ugu muhiimsantahay abuuridda fursado shaqo qaran oo la siinayo dhalinyarada, maadaama ay laf dhabarta bulshada yihiin. Waxa uu sidoo kale xusey in sare loo qaadi doono xiriirka dawladda iyo dhalinyarada.

Madaxweyne Xasan ayaa xusey si horumar loo gaaro ay waajib tahay in dawladda muhiimad gaar ah siiso dhalinyarada waxa uuna yiri ” Dhallinyarada Soomaaliyeed waxa ay shacabka ka yihiin in ka badan 70%. Waxa ay aasaas u yihiin dowladnimada, dhaqaalaha dalka iyo horumarinta arrimaha bulshada. Si aan u gaarno isku filnaansho buuxa, waxaan ku dhawaaqayaa madal ay dhalinyarada Soomaaliyeed ku wadaagaan hal abuurkooda iyo horumarinta dowladdooda.”

Madaxweynuhu waxa uu ku booriyey dhalinyarada in ay kaalinkooda kasoo muuqdaan oo ay qeyb ka noqdaan dadaalada dawladiisu ee ku aadan samata bixinta dalka, kulanka uu madaxweynahu la qaatey dhalinyarada ayaa ah midkii ugu horeeyey uu la qaato qeyb muhiim ah oo bulshada ka tirsan tan iyo markii la doortey 15-kii May.

Maxamed Cumar Aadan


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.