W/Q: Cabdullaahi Janno
Waa kuma Maxamed Jeylaani?
Waa 10 jir deggan Xamar. Gaari ayaa lugta ka jiiray saddex sano ka hor. Ma uusan tegin dhaqtar – saboolnimo awgeed. Aakhirkii waxaa dhibtiisa warbixin ka diyaarshay Universal TV. Waxaa u gurmaday shacabka Soomaaliyeed. Waxaana wiilka la geeyay Malaysiya. Hayeeshee dhibku halkaas kuma harin. Axmed Jeylaani oo ah aabbaha Maxamed Yare wuxuu bartiisa Facebook soo geliyay farriin maqal iyo muuqal ah – farriin cabasho ah. Farriin qeylo-dhaan ah. Farriin mudan gurmad cusub. Gurmad DEG DEG ah.

Axmed iyo wiilkiisuba waa sabool. Misana kooyto ku yihiin dhul aysan aqoon. Waxaa dhacday inay mar mar qadaan, oo ay heli waayaan quud. Taariikhdu markay aheyd September 20 waxaa uu aabbaha wiilka soo diray qaylo-dhaan qalbiga gilgileyso. Biyo-dhaca qaylo-dhaantiisuna waa in wiilku xanuunsan yahay – gurmadna u baahan yahay.
Yaa gurman karo?
Runtii Maxamed Yare dhul fog oo fog ayuu go’doon ku yahay, sariirna ku dul urursan yahay. Diif iyo il-darro ayaana ka muuqato. Waxaana talo iga ah in qolyaha hoos ku xusan ay wiilka Ciid Mubaarak uga dhigaan gurmad uusan filaneyn – oo ay dhabarka u ritaan daaweyntiisa.
1. Dawladda Federaalka Soomaaliya
2. Maamul goboleedyada
3. Xawilaadaha Soomaaliya iyo ganacsatada waaweyn
4. Masaajidda ku yaallo Yurub iyo Mareykanka
5. iyo shacabka Soomaaliyeed.
Maxamed Yare wuxuu weliba mudan yahay in laga saaro cisbitaalka uu haatan ku jiro. Oo la geeyo cisbitaal casri ah oo ay qalabkiisu u dhan yihiin. Haddii aad isha la raacdid muuqaalka cisbitaalka uu haatan wiilku jiifo, waxaad dareemaysaa in cisbitaalku ka arradan yahay qalabyada casriga ah.
Sidee ula xiriiri kartaa Maxamed Yare aabbihiis?
Waa kan teleefankiisa: 00601137030170. Wuxuuna sheegay in isaga si toos ah wax loogu diri karo xawilaadda Dahabshiil.
Waxaa baraarujin iga ah in mar kale loo gurmado Maxamed Yare. Cisbitaal tayo sare leh ha loo qaado. Ha la daaweeyo. Ha la baanto. Hana laga warqabo illaa inta uu waddankiisa ku soo noqonayo isagoo qoslayo, Alle idinki.
Wabillaahi Towfiiq
Cabdullaahi Janno
