Qarrax Waxyeello Geystay oo Maanta Muqdisho ka Dhacay

qar_1Muqdisho, Julay 05, 2014 (WDN)- Warar kala duwan ayaa  ka soo baxaya qarrax ismiidaamin ah oo maanta barqadii ka dhacay bannaanka hore ee xarrunta Baarlamaanka, gaar ahaan agagaarka Taallada Sayidka, halkaasoo ciiddamo ka tirsan boolisku ay ka ilaalinayeen irrika laga galo xarrunta golaha Shacabka .

Sida uu sheegay qof goobta ka agdhawaa xiliga weerarka uu dhacayay waxa uu tilmaamay in qarraxa loo adeegsaday gaari noociisu uu ahaa noha kaasi oo markii hore ka yimid dhanka Isgooyska dabka ee waddada Maka Almukarrama.

Qarraxa ayaa waxaa ku geeriyooday inta la xaqiijiyay 4 ruux oo laba ka miid ah ay tahay Ciiddanka Booliska, halka ay Labada kalena tahay rayid ,waxaana sidoo kale dhaawac ka soo gaaray 5 qof oo kale oo u badan ciidanka ammaanka.

Afhayeenka ciiddamada Booliska Col. Qaasim Axmed Rooble, ayaa sheegay in weerarkaas ay fashiliyeen, isla markaana gaarigu uu isku qarxiyay meel dibadda ka ah baarlamaanka, Waxaa uu intaa ku daray in labo askari ku dhinteen, halka afar askari oo kalena kaga dhaawacmeen qarraxaas.

Dhanka kale urrurka Shabaab ayaa sheegtay mus’uuliyadda weerarka maanta ka dhacay afaafka hore ee xarrunta barlamanka Soomaaliya, waxa ayna sheegtay in ay qasaara kala duwani gaarsiisay ciiddanka Dowladda iyo mudanayaasha barlamaanka Soomaaliya .

Qaraxan ayaa hakad giliyay howlihii barlamaanka Soomaaliya, waxaana Muqdisho hadda ka Muuqanaaayo amni darro aan la isku halayn lahayn.

Weerrarkan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad ee bilo guddaheed ay urrurka Al shabaab ku qaadaan xarrunta baarlamaanka soomaaliya iyadoo maalintii shalayna toogasho lagu khaarajiyay xildhibaan ka tirsan baarlamaanka fededraalka soomaaliya.

Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.