Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho (WDN)- Laba Qarax oo ismiidaamin ah ayaa maanta ka dhacay Hoteelka Dayax ee magaalada Muqdisho, kaasi oo la sheegay in loo adeegsaday gawaari  laga soo buuxiyey walxaha qarxa.

Qaraxyo ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel Dayax, Muqdisho

Qaraxa 1 waad ayaa waxaa xigay dabley guidaha u galay hoteelka  Ciidamada dawladda oo gaarey goobta iyo sidoo kale kuwa dableyda weerartay hoteelka, ayaa rasaas is weydaarsaday, iyada oo uu dhex maray dagaal socday in muddo ah, kaasi oo markii dambe ay ciidamadu soo af jareen.

Maleeshiyadii weerarka soo qaaday ayaa la sheegay in ay gaareysay ilaa iyo afar, kuwaasi oo ku dhintay dagaalka ay la galeen ciidamada amniga, inti ay ku guda jireen howlgalkii Hoteelka.

Wasiirka Amniga ee Xukuumadda Soomaaliya, ayaa sheegay in weerarkii maanta ay ku dhinteen 10 qof halka ay ku dhaawacmeen 51 qof. Waxaa ku jira dadka dhintay laba oday dhaqameed oo caan ka ah maamul goboleedka Koonfur Galbeed.

Dadka ku dhaacwamay weerarkaasi ayaa waxa ka mid ah suxufiyiin  ay waxylo ka soo gaadhay  qaraxa labaad.

Waxaa dadka dhaawaca ah ka mid ah saddex sawir-qaadayaal oo u kala shaqeeya warbaahinta caalamiga ah ee Aljazeera, AP iyo AFP.

Maxamed Amiin
WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.