Muqdisho (WDN) – Faahfahinno dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qaraxyo waa weyn oo saaka gilgiley magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan, halkaasi oo ay ku dhinteen kuna dhaawacmeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Hirshabeelle iyo dad shacab ah oo tardoodu gadahyso 20 qof.

Wararka aynu helayno ayaa tilmaamaya in qaraxyadaasi ay ku dhinteen masuuliyiin kala duwan oo ay ku jiraan wasiir iyo madax kale oo ka tirsan maamulka Hirshabeelle.
Dadka ku geeridooda qaxyadaani ismiidaaminta ah waxaa ka mid ah gudoomiye ku xigeenkii gobalka Hiiraan Abuukar Maadeey iyo wasiirkii caafimaadka Hirshabeelle Dr. Sakariye Hurre.
Si rasmi ah looma xaqiijin karo illaa iyo iminka qasaaraha qaraxyadaani ay geysteen kuwaasi oo loo adeegsadey 2 gaari oo kuwa xamuulka ah, oo laga soo buuxiyey walxaga qarxa. Waxaa qaraxaaasi lala beegsadey xerada weyn ee Lama Galaay ee magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.
Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply