Qarax xooggan oo goor dhaw Muqdisho ka dhacey

Qarax xooggan oo goor dhaw Muqdisho ka dhacey

Muqdisho (WDn)- Qarax xooggan oo jugtiisa meelo badan oo Muqdisho laga maqlay ayaa goor dhaw waxa uu ka dhacey wadada Maka Almukaramah gaar ahaan agagaarka ThreePiano.  Waxaa goobta qaraxu ka dhacey isku geedaamay ciidamada amaanka dawladda federaalka Soomaaliya.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxaasi, balse goobjoogayaal ayaa xaqiijinaya in qaraxu ka dhashay gaari nooca raaxada ah ee goobta la dhigey.

Khasaaraha qaraxani uu ka dhashay ayaan la xaqiijin karin,  waxaa goobta uu qaraxa ka dhacey ka muuqdo burbur xoogan .

Ma jirto illaa iyo hadda cid sheegatey masuuliyadda qaraxan, iyada oo aalaaba magaalada Muqdisho qaraxyada noocaan oo kale ah ay ka fuliyaan kooxda Alshabaab oo dagaal kula jirta dawladda federaalka Soomaaliya.

Maxamed Cumar
WardheerNews, Muqdisho