Qarax xooggan oo dhimasho iyo dhaawac leh oo ka dhacay Muqdisho

Muqdishu (WDN) – Qarax xooggan ayaa ka dhacay abaare galabtii hoteelka Ambaasador oo u dhaw isgoyska KM-4 ee magaalada Muqdishu.

Warar kala duwan ayaa waxa ay ka soo baxayaan weerarkii lagu qaaday hotelka Ambaasador, oo ka mid ah kuwa aadka loo deggo.

Mugadishu_Hotel Ambassador
Hoteelka Ambaasador (AFP Photo/Mohamed Abdiwahab

Weerarka ayaa ka bilowday gaari lagu qarxiyay goobtaa, iyadoo ay xigay in sadex nin oo dabley ah oo la sheegay in ay Al shabaab ahaayeen ay gudaha u galeen hoteelka, iyada oo mid ka mid ahaa ay toogasho ku dileen ilaaladii hoteelka.

Ciidanka Amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa ka bilaabay hoteelka howgalo laga badbaadinayo dadka ku Jira gudaha hoteelka, waxaana ciidanka dowladdu ay xireen wadooyinka soo galo hoteelkaas weerarku ka dhacay fiidkii maanta.

Inta la shaaciyay ilaa hada dadka dhintay ayaa lagu sheegay 8 ruux, halka dhaawacyada ay gaarayaan 20, waxaana wali socda tira koobka lagu hayo dadkii wax yeelada ka soo gaartay weerarkaas. Dad ay ka mid yhiin gudoomiyaha Maxkamadda Banaadir  Md. Xaashi Cilmi iyo xildhibaano uu dhaawac ka soo gaadhay ayaa la sheegya in ay ka mid yihiin dadka laga soo badbaadiyay hoteelka.

Qaraxa lagu weeraray hoteelka Ambassador ayaa saameeyay dhismayaal ganacsi oo ku yaallay wadada Maka Al-Mukarama, waxaana ka mid ahaa daarta dheer ee Dahabshiil.

Gawaari dhowr ah oo wadada laamiga taalay ayaa bur buray, waxaana qaraxu ahaa mid aad u xooggan oo magaalada oo dhan laga maqlay.

Hoteelka Ambassador ayaa ku yaalla dhanka bari ee Isgoyska KM-4, iyadoo uu u dhaw yahay daarta la yiraado Tree Biyaano iyo xarunta labaad ee ugu weyn shirkada Dahabshiil waxaana sodoo kale uu ku dhagan yahay Isbitaalka Daarul Shifaa.

Maxamed Amiin
WardheerNews, Muqdishu