Qarax xooggan oo dhaliyey qasaaro baaxad leh oo ka dhacey magaalada Jowhar

Muqdisho(WDN), Qarax aad u xooggan oo loo adeegsadey gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey ayaa lagu weerarey goob ay ku yaalaan hoteelo ay degaan inta badan mas’uuliyiinta maamulka HirShabeelle ee magaalada Jowhar ee xarunta KMG ee maamulkaasi.

Warar kala duwan ayaa laga helayaa goobta weerarku ka dhacey oo ay ku yaalaan hoteelo dhawr ah sida Hotel Shabeelle, Hotel Nuur Doob iyo  Hoteel Beder, waxaana lagu soo waramayaa in qaraxu buburiyay dhismooyinkii ku dhawaa goobta weerarku ka dhacey.

Qasaaro nafeed iyo mid hantiyeed oo baaxad leh ayay wararku sheegayaan in qaraxaasi uu dhaliyey illaa iminkana lama qiyaasi karo qasaaraha dhabta ah weerarkaasi ka dhashay.

Wararka qaar aynu helayno ayaa sheegayaa in masuuliyiin uu ka mid yahay wasiirka caafmaadka maamulka Hirshabelle uu dhaawac ka soo gaarey qaraxa.

Qaraxa ka dib ayey wararku sheegayaan in la maqlayo rasaas ay furayaan ciidamada amaanka maadaama goobta la weerarey ay ahayd goob ay adeegsadaan inta badan masuuliyiinta maamulka Hirshabelle.

Kala soco wixii kusoo kordha weerarkaan wararkeena danbe.

Maxamed Cumar Sh. Adan

WardheerNews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.