Qarax Muqdisho ka Dhacay

Muqdishu (WDN) Weerar ismiidamin ah oo loo adeegsaday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa ka dhacay nawaaxiga Hotelka Wehliye ee magaalada Muqdisho

weerarka ayaa keenay  qarax xooggan oo laga Maqlay qaybo badan oo ka mid ah magalada  Muqdisho iyadoo ciiddama badan oo ka mid ah kuwa  amaanka ay soo gaareen  waddada Maka Al-Mukarama,oo ah halka uu qaraxa ka dhacay

Wararka ayaa waxay intaa ku darayaan inuu jiro khasaare ka dhashay, qaraxa balse si dhab ah looma ogo waxyeelada dhabta ah ee uu geystay qaraxani.

Wixii kusoo kordha kula soco wararka danbe ee Wardheernews

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.