Qarax miino ka dhacay Muqdisho oo lala beegtay siyaasi 

Qarax miino ka dhacay Muqdisho oo lala beegtay siyaasi 

Muqdisho (WDN)- Waxaa maanta degmada Wadajir ee gobolka Banaadir lagula eegtay qarax miino dhulka lagu aasey siyaasiga Cabdullahi Sheekh Xasan, waxaana lagu soo waramayaa in dhaawac  culus halkaas uu kasoo gaarey.

Qaraxaan oo ahaa mid aad u culus oo dhawaaqiisa magaalada oo idil laga maqlay, ayaa siyaasiga lala beegsadey mar uu kasoo baxay Salaadda Jimcaha waxaana dhaawaciisa la dhigey isbitaalka Digfeer oo lagula tacaalayo.

Goobjoogayaal war fidiyeenada la hadley ayaa sheegay in qaraxu geystey tiro dhaawac ah oo rayidkii goobta ka ag dhawaa ah iyo burbur soo gaarey dhismooyin goobta ku yaaley.

Siyaasiga Cabdullaaho Sheekh Xasan ayaa ka mid ahaa siyaasiyiinta Muqdisho ee aadka u taageersanaa Md. Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee taladda dalka looga adkaadey doorashadii dalka ka dhacdey 15kii bishaan May.

Maxamed Cumar Aaden.
Wardheernews, Muqdisho