Wasiir Jubbaland ah oo ku dhintay qarax ka dhacay Muqdisho

Muqdishu (WDN)- Qarax  maanta ka dhacay saldhigga degmada Waabari ee magaalada Muqdisho, ayaa waxaa ka mid ahaa dadkii ku dhintay Wasiir ka tirsanaa Dowlad Goboleedka Jubbaland. Marxuumka oo ahaa Wasiirkii Dhalinyarada iyo Cayaaraha.

Qaraxa ayaa la sheegay in uu geystay dhimashada 7 qof iyo dhaawac gaadhaya ilaa 12 qof.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegaya in Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa lala beegsaday Saldhigga degmada Waabari.

Qaraxyo isdaba joog ah oo ay sheegatay Al Shabaab ayaa dhawaanahan ka dhacay Muqdisho, iyada oo ay Al Shabaab kordhsay weerarada ismaadaamin-ta ah.

WardheerNews