Qarax ka dhacay Kismaayo

Qarax ka dhacay Kismaayo

Muqdisho (WDN)- Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose, ayaa ku waramaya in qarax uu ka dhacay agagaarka xerada Koongo, taasi oo uu fuliyay qof is midaamiyay oo soo xirtay Suunka qarxa.

Saraakiil ka tirsan ciidamada Jubbaland ayaa warbaahinta u sheegay in ciidan ka mida kuwa Jubbaland ay ka shakiyeen ninka oo ay ku amreen inuu Istaago, balse uu diiday amarka ciidamada, sidaana uu ku qarxay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ee dowladda Federaalka Soomaaliya Axmed Carab ayaa VOA u sheegay qaraxan in ay ku dhinteen saddex qof oo labo ka mid ah ay ahaayeen haween, halka midka kalena uu ahaa Ismiidaamiyihii qaraxa fuliyay, kaasi oo xirnaa Jaakad waxyaabaha qarxa lagu soo xiray waxa uu intaasi ku daray in Askarigii markii hore ka shakiyay ninkaasi in uu isagana dhaawac soogaaray.

Kismaayo sidaan oo kale waxaa ka dhacday Bilo ka hor  qarax uu geystay nin isku soo xiray waxyaabaha qarxa,balse ma geysan wax Khasaaro ah.

Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho