Qarax ka dhacay Kismaayo goob ganacsi

Qarax ka dhacay Kismaayo goob ganacsi

Kismaayo (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya magaalada Kismaayo, ayaa sheegaya in caawa fiidkii abaara 08:15 pm, miino lagu xiray mid ka mid albaabada dabaqa Goose (ground floor), oo ah dhisme cusub oo uu leeyahay mid ka mid ah ganacsadayaasha waaweyn ee Kismaayo oo lagu magacaabo Cabdullaahi Geri.

Qaraxa miinada sida wararka naga soo gaadhaya ciidamada nabadgelyadu sheegayaan, ayaan khasaare weyn gaysan. Dhismaha oo ah mid aan weli la degin, balse dhawaan laga kireeyay, ayaa lagu soo warramayaa in albaabka miinada lagu xidhay iyo muraayadihii dhismuhu jajabeen, balse aan khasaare weyn u geysan dhismaha iyo guryaha ku dhaw toona.

Ciidamada nabadgelyada ayaa hadda ku hawlan baadhitaanka qaraxa ay dhalisay miinada lagu xidhay dhismahaas.

wardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.