Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho

Qarax Ismiidaamin ah oo ka dhacay Magaalada Muqdisho
Jen. Jumcaale Cirfiid

Taliyaha cusub ee XDS Jen. Maxamed Axmed Jimcaale Cirfiid ayaa ka badbaaday isku day dil, kaddib markii weerrar ismiidaamin ah lagu qaadday kolonyo uu la socday oo k a soo baxday Xarrunta wasaaradda Gashaandhiga oo ay maanta ka dhacday munaasabadda Xilwareejinta taliyaha iyo abaanduulaha.

Sida ay sheegayaan wararka helayso WDN gaari waxyaabaha qarxa laga soo buuxiyay oo uu waday qof naftii haliga ah ayaa ku dhuftay gaariga uu saarnaa taliyaha oo ahaa kuwa aan rasaastu karin.

Saraakiil ka tirsan ciiddanka xoogga dalka ayaa sidoo kale u sheegay Wardheernews inuu kabadbaaday taliyaha ciiddamada xoogga dalkaweererkaas, isla markaana aanay waxba soo gaarin.

Wararka ayaa waxay intaaskudarayaan in qaar ka mid ah Ilaalada tailyah ay wxyeelo ka soo gaartay qaraxa, waxaana jira dad kale oo rayid ah oo waddada marayay oo iyana dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay qaraxaas.

Dadka naftooda ku waayay qaraxa maanta lala beegsaday taliyaha ciiddanka XDS ayaa la shegayaa in tiradoodu cagacagaynayso ilaa 15 qof sida aya booliskuxaqiijiyeen.

Dhanka kale maleeshiyaadka AlShabaab ayaa sheegtay masuuliyadda weerrarka lagu qaaday gaadiidka uu la socday taliyaha Ciiddanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jen. Jimcaale Cirfiid, waxa ayna shegeen in qasaara uu ka soo gaaray ciiddankii la socday.

Qaraxaan ayaa imanaya laba maalmood kadib markii madaxweynaha Soomaaliya Md. Maxamed Cabdulaahi Farmaajo uu ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Al Shabaab.

Maxamed Nur Amiin
Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.