Qarax Ismiidaamin ah oo ka Dhacay Baledweyn iyo Alshabaab oo Sheegtay in ay Iyagu Fuliyeen

Wararka ka imanaya magaalada Baledweyn ee xarunta gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in maaanta barqadii uu qof  isku dhex qarxiyay meel makhaayad ah oo la sheegay in ay inta badan ka cunteeyaan askarta Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida ah ee magaaladaasi jooga.

Warka ayaa waxa uu intaa ku darayaa in ilaa 12 qof ay ku geeriyoodeen qaraxaasi halka ay tiro kale 00 tobaneeye ahina ku dhaawacantay.

Urur diineedka xagjika ah ee Alshabaab oo isagu dagaal hubaysan ka wada Soomaaliya ayaa sheegtay in ay igau geysteen qaraxaasi.

War ay faafisay wakaaladda waraka ee Reuters ayaa lagu sheegay in qaraxaas bartilmaameedkiisu ahaa ciiddamada Itoobiyaanka iyo kuw Jabuuti ee ku soo duulaya Soomaaliya, waa sida  uu hadalka u dhigay afhayeenka hawlgallada ee ururka Alshabaab Sh. Cabdicasiis Abu Muscab.

Afhayeenka ayaa tirada dhimashada dadka ay qaraxaas ku dileen gaadhsiiyay ilaa 25 qof oo ay ku jiraan askar u dhalatay Itoobiya, Jabuuti iyo kuwo Soomali ah intaba.

Shir ay yeesheen weerarkaas ka dib guddida maamulka gobolka Hiiraan ayaa la sheegay in ay ku codsadeen in dawladda federaalku ay u soo dirto diyaarad lagu soo daadgureeyo dadkii uu dhaawacu ka soo gaadhay qaraxaas.

Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sh. Maxamuud iyo Ra’iisalwaaarihiisa Md. Cabdi Faarax Shirdoon ayaa labadooduba wax ay cambaareeyeen weererkaasi ismiidaaminta ah ee ka dhacay magaalada Baledweyn.

Ururka Alshabaab ayaa waayadan dambe kordhiyay weerarradooda iyadoo dhwaanna ay sheegteen in iyagu ay ka dambeeyeen weerekii loo geystay suuqa Westgate ee magaalada Nairobi, halkaas oo dad lixdan ka badani ay ku nafwaayeen.

WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.