Muqdisho, Qarax loo adeegsaday gaari laga soo buuxuyay waxyaabaha qarxa ayaa ka dhacay irridka hore ee Hotelka Nasahablood 2 ee Magaalada Muqdisho.
Wariye ka tirsan Warbaahinta Muqdisho oo la hadlay WardheerNews ayaa waxa uu sheegay in uu arkay 3 qof maydkooda ah oo mid ka mid ah uu ahaa askari Boolis ah, iyadoo wararka hordhaca ah ee ka soo baxaya qaraxani ay sheegayaan in dhimashadu ay gaadhayso ilaa 10 qof.
Sidoo kale Gadiidka gurmadka musuul u hadlay ayaa sheegay shegay in ay 7 Ruux oo dhaawac ah geeyeen isbitaalada Muqdisho walina ay wadaan raadinta dad kale uu saameeyay qaraxu iyadoo weli Hotelka laga maqlayo rasaas ka dhaceysa,i Ciiddamada Ammaanka ayaa la sheegayaa xireen goobta uu qaraxu ka dhacay.
Hotelka Naasahablood 2 waxaa uu ku dhow Xarunta Nabadsugida Gobolka Banaadir ee loo yaqaanay Godka Jilacow, waxaana uu sidoo kale kaabiga ku hayaa Xarunta Tiyaatarka Qaranka, halkaasoo uu yaalo Koontaroolka laga ilaaliyo Madaxtooyada.
Qaraxani ayaa imanaya iyadoo weli aan laga bogsan argagixii ka dhashay qaraxii ay dadka badani ku le’deen ee bishan 14keedii ka dhacay isgoyska Zoobe ee Muqdisho.
Wixii ku soo kordha kula soco wararka danbe ee Wardheernews.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews., Muqdisho,