Muqdishu (WDN)- Wararka naga soo gaadhaya weerarkii ismiidaaminta ah oo saaka lagu qaaday dugsiga Tababarka Booliska ee Jeneraal Kaahiye ee magaalada Muqdisho, ayaa sheegaya in qof labisnaa dharka ciidanka Booliska, oo xirnaa jaakadaha qarxa, uu isku qarxiyay goob ay ku sugnaayeen Ciidamada Booliska, gaar ahaan barxada Ciidanka ku gaardiyaan.
Waxaa xilliga qaraxu dhacay ciidamada Boolisku ay isku diyaarinayeen maalinta Ciidanka Booliska Soomaaliya oo ku beegan 20 bishan.
Warar horudhac ah ayaa sheegaya in dhimashada ay gaadahyso 18 ruux, halka dhaawacuna uu gaarayo 20 ruux. Warar aan la xaqiijin ayaa sheegaya in qofka qaraxa ismiidaaminta fuliyay uu ka mid ahaa Ciidan dhawaan la qoray in ay ka mid noqdaan Booliska Soomaaliya.
Dhanka kale Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka is qarxinta oo lala beegsaday ciidanka Booliska ee isku diyaarinayay Damaashaadka maalinta Booliska .
Afhayeenka howl galada Al-Shabaab C/casiis Abuu Muscab, ayaa sheegay in weerarkaas uu fuliyay qof xirnaa jaakadaha qarxa isaga oo la hadlayay wakaalada wararka ee Reuters ayuu sheegay in weerarkaas ku dileen illaa 27 ruux oo isugu jiray askar iyo saraakiil.
Wararka soo gaadahaya Wardheernews ayaa waxa ay sheegayaan in dhimashada ay tahay mid aad u badan, in kasta oo aan la helin tirada rasmiga ah ee waxyeelada soo gaartay.
Maxamed Nuur Amiin
WardheerNews Muqdisho
Leave a Reply