Muqdishu (WDN) Faahfaahin dheeraad ah ayaa ka soo baxaysa qaraxii saaka ka dhacay xarunta Ciidamadda Ilaaladda Wadooyinka Soomaaliya ee Fiisha Taraafiko.
Weerarka ayaa ku bilowday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay oo is niidaamin ah, kaas oo ku qarxiyay afaafka hore ee xarunta.
Qaraxa kadib ayaa qof hubeysan oo doonayay inuu gudaha u galo xarunta, ayaa waxaa toogtay ilaaladii ku sugneyd xarunta Taraafikada ee degmada Shingaani. Kaasi
Inta la og yahay waxaa ku dhintay ilaa 8 ruux, iyadoo ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 13 kale oo Shacab u badnaa, sida ay sheegeen dad goobtaasi gaaray.
Dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ayaa la sheegay in ay u badan yihiin Shacab ku sugnaa maqaaxi u dhaw xarunta Ciidamada Ilaalada wadooyinka Soomaaliya.
Gaadiidka gurmadka deg dega ah ayaa halkaa ka qaaday dadkii ku naf waayay qaraxaasi iyo dhaawaca ku waxyeeloobay qaraxa.
Dhanka kale Al shabaab ayaa sheegtay ma’suuliyadda weerarkaa, waxa ayna sheegeen in ay ku dileen sagaal (9) ka mid ah Ciidanka iIaalada Wadooyinka ee Taraafikada.
Maxamed Nuur Amiin
Wardheernews Muqdisho