Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqdey gargaar degdeg ah la gaarsiinaayo dadka abaartu saamaysay Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo ku dhawaaqdey gargaar degdeg ah la gaarsiinaayo dadka abaartu saamaysay Soomaaliya

Muqdisho, Hay’adaha gargaarka Qaramada Midoobay ayaa ku dhawaaqay fulinta mashruuc loogu magac darey ka jawaabista degdega ah ee gurmadka abaaraha Soomaaliya (MRP) kaasi oo gurmad loogu fidinaayo kumanaan Soomaali ah oo ku barakacay abaaraha daran ee dalka ka jira.

Mashruucaan ayaa waxaa si wadajir ah u fulinaya hay’adaha kala hay’adda cuntada adduunka (WFP), hay’adda daryeelka carruurta (UNICEF) iyo hay’adda IMO.

El-Khidir Doulom oo ah madaxa WFP Soomaaliya ayaa sheegay in mashruucaan ay ka faa’ideysan doonaan 100,000 ( boqol kun oo Soomaali ), oo ah kuwo aad u nugul saamaynta abaaraha, waxa uuna tilmaamay in hay’adahaan si wadajir ah isaga kaashanayaan fulinta gargaarkaan degdega ah ee loogu gurmanayo dadka abaaruhu dhibaatada xoogga leh u geysteen.

Ku dhawaad 7 milaan oo Soomaali ah ayaa wajahaya khatarta abaaraha dalka ka jira ayadoo deegaanada qaar laga baqayo in xaaladaha ka jiraa macluul isu baddasho, waxaana dadaalada Qaramada Midoobey dhinac socda dadaalo kale oo ay waddo dawladda federaalka Soomaaliya oo lagag jawaabaayo dhibaatada abaarta.


Maxamed Cumar Aadan

Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.