
Muqdisho, Maamula deegaanka Baxdo ee gobolka Galgaduud ayaa maanta goob fagaare ah oo deegaankaas ka tirsan ku soo bandhigey hub ay sheegeen in ay ku qabsadeen dagaalkii shalay Kooxda Alshabaab Baxdo ku soo qaadaay iyo meydadkooda.
Saraakiisha ciidamada xoogga dalka iyo maamulka deegaanka ayaa sheegay in meydadka ay soo bandhigeen ay ku jiraan 3 ajaanib ah, tirada guud ee Kooxda Alshabaab dagaalka kaga dileenna ay gaareyso 70.
Sidoo kale waxa ay soo bandhigeen mid ka mid ah kooxda Al Shabaab oo ay nolosha ku qabteen, kaasi oo ay ku sheegeen wadaha gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyey oo la doonayey in weerarka loo adeegsado balse iniia uusan qarxin ay fashiliyeen ciidamada Galmudug.

Kooxda Alshabaab ayaa sheegtey dhankooda in ay dagaalka ku dileen 27 askari oo ciidamada Galmudug ka tirsan halka dhaawacuna intaa ka badanyahay, laakiin wararka deegaanka laga helaayo ayaa sheegaya in kooxda weerarkii shalay ay soo qaadey dharbaaxo adag in lagu gaarsiiyey oo 30 ka mid ah xubnaha kooxda dagaalka lagaga dilay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo dagaalka Baxdo war ka soo saarey ayaa ku amaaney ciidamada Galmudug sida geesinimada leh ay isaga caabbiyeen weerarka kooxdu kusoo qaadday deegaankaas, wuxuuna alle uga baryey naxariis geesiyaashii halkaasi uga dhintey ciidamada xoogga dalka, kuwa dhaawaca ahna rabbi caafmaad degdeg ah inuu siiyo.
Maxamed Cumar Aadan
Wardheernews, Muqdisho
Leave a Reply