Garowe, Sida lagu xusay wareegto maalintii shalay ee ay taariikhdu ku beegnayd 21ka Juun 2021, ka soo baxday xafiiska madaxweynaha dawlad goboleedka Puntland Md. Saciid Cabdullaahi Deni, waxa dhammaan qaybaha kala duwan ee dawladda Puntland lagu faray in ay si buuxda ugu dhaqmaan adeegsiga af Soomaaliga.
Wareegtadan oo ku socotay dhammaan wasaaradaha, Hay’adaha madaxa bannaan iyo guddoomiyeyaasha gobollada iyo degmooyinka ayaa lafaray in ay af Soomaaliga u adeegsadaan qoraallada xafiisyada, boorarka shirarka iyo farriimaha loo gudbinayo bulshada.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale wareeegtada ku sheegay in ay waajib tahay dhaqangelinta sharciga ilaalinta afka Soomaaliga.
Waxii ka dambeeyay burburkii dawladdii dhexe ee Soomaaliya ayaa waxa meesha ka baxay adeegsigii af Soomaaliga ee dhinaca maamulka iyo waxbarashada iyadoo ay kaalintaasi buuxiyeen afafka Ingiriiga iyo Carabidu.
Af soomaaliga meesha ka baxay ayaa dhaliyay warwar laga muujiyay in af Soomaaliga ay ku soo wajahantahay halis keeni karta in uu dabago’o haddii aan loo guntan ka hortagga arrintaas .
Haddaba tallaabadan ay qaadday dawlad goboleedka Puntland ayaa noqon doonta mid yaraynaysa ama meesha ka saari karta halistaas ku soo fool leh af Soomaaliga.
Dawlad Deegaanka Soomaalida ayaa iyadu hore ugu dhawaaqday amar ay mudnaanta koowaad ku siinayso afka Soomaaliga marka ay noqoto dhanka boodhadhka hay’adaha dawladda, hoteelada iyo meheradah kala duwan iyadoo af Soomaaligu noqonayo afka ugu korreeya boodhadhka hay’adahaas iyo meheradahaas kala geddisan.
Waxaa lagamamaarmaan ah in dhammaan maamullada kale ee ka jira Soomaaliya iyo deegaannada kale ee Soomaalida ay kaga daydaan Puntland tallabadan wax-ku-oolka ah ee loogu hiilinayo afkeenna hooyo.
WardheerNews, Garowe
Leave a Reply