Saturday, April 20, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Puntland: Macallimiin colaadda Laascaanood ay shaqo la’aan dhigtay oo wajahaya cunno yari

W/Q Axmed Maxamed,

Boqollaal macallimiin ah oo ku shaqo waayay colaadda Laascaanood ayaa deegaannadii ay u barakaceen ku wajahaya hubanti la’aan cunno iyaga iyo qoysaskooda. Qaarkood waxay dul-saar ku yihiin qoysas kale.

Kaydka Ergo

Aadan Maxamuud Olol isaga iyo qoyskiisa waxay xaalad adag ku kala wajahayaan labo deegaan oo ay u kala barakaceen. Aadan tan iyo bishii Abriil wuxuu shaqo ka raadinayaa Garowe halka qoyskiisu ay ku dhibaataysan yihiin xero ku taallla deegaan Boocame ee gobolka Sool.

Waxay ku tiirsan yihiin caawimaad aan joogto aheyn oo ay ka helaan dad ay ehello yihiin yihiin, maaddama uusan isagu wax shaqo ah heyn.

“Waxaan oran karaa waxay ku sugan yihiin (qoyska) duruufaha ugu daran ee bani’aadanimo, maaddama aysan helin hoy iyo cid taakulaysa oo caalamka ah. Runtii waad garan kartaa qoys qaxay oo deegaankiisii ka qaxay.”

Aadan wuxuu maamule iyo macalin ka ahaa muddo 8 sano ah dugsiga Alwaxyeyn oo ku yaala magaalada Laascaanood, balse colaadda ayaa u horseeday inuu waayo shaqadiisii u aheyd isha dhaqaale. Wuxuu isku dayay in xirfaddiisa macallinmo in uu shaqo ku helo, balse weli uma suurta galin.

“Codsiyo waan gudbinay oo qofku waa ku khasbanyahay in uu wax uun isku day ah sameeyo, hase ahaatee, wali hadafkaasi iima rumoobin. Wax shaqo ah oo toosna ma helin.”

Aadan ayaa sheegay in barayaashii ka soo cararay Laascaanood ay la daalaadhacayaan duruuf adag oo dhinaca nolosha ah. Wuxuu xusay in macallin walba deegaankii uu tagay ay ku haysato dhibaato nololeed.

“Macallinmiinta waxay ka mid yihiin bulshada jilicsan. Waxay dareemayaan rafaad, nolol xumada leh ee qaxa leh. Hadda Garowe oo kale boqollay aad u badan ayaa u soo barakacday. Inta hadda shaqo  heshay kama badana afar, shan, ilaa lix.”

Aadan Maxamuud wuxuu ka soo barakacay magaaladii uu ku dhashay kuna barbaaray isla markaana uu ka shaqaysanayay. Qoyskiisa waxay ku noolaayeen nolol aysan ka walwal qabin helidda cunnada, balse maanta waa barakac fara maran.

“Dugsiga aan maamulaha ka ahaa wuxuu lahaa saddex farac. Basas buu lahaa. Dhowr iyo toban fasal ayuu ka koobnaa. Arday aad u badan ayaa dhigay jiray. Macallimiin ku dhaw soddon ayaan ka shaqaynayay. Dhaqaale qoyskayga iyo noloshayda ku filan ayaa iga soo gali jiray.”

Ninkan ayaa ku hanweyn inay colaadda magaalada joogsan doonto bilaha soo socda si uu shaqadiisii dib ugu laabto.

Barayaasha soo barakacay badankood waxay joogaan deegaanadda Puntland. Waa shaqo la’aan marka laga reebo tiro kooban oo shaqooyin ku meel gaar ah ka helay isluulada qaar.

Macallin Axmed Aadan wuxuu shaqo la’aan ku yahay Garowe.  Isaga iyo qoyskiisu waxay wajahayaan cunno yari, balse wuxuu xusay in awal uu shaqadiisa macallinimo ka heli jiray dhaqaale ku filan baahiyadooda guud.

Ka hor inta uusan soo barakicin wuxuu barre ka ahaa dugsiga sare ee Muuse Yuusuf ee magaalada Laascaanood. Dagaalka weli taagan ayaa sababay inuu xirmo iskuulkii uu mushaar ka heli jiray.

Wuxuu ku jiraa dedaal shaqo goobid ah. Maalin walba wuxuu tagaa xarumaha waxbarashada. Wuxuu dareensan yahay inay jiraan boqollaal barre oo ku sugan xaaladdiisa oo kale.

Barayaashan la halgamaya nolosha ee ka soo cararay colaadda ayaa wax ka dhigayay intooda badan iskuulada hoose, dhexe iyo sare balse dagaalka dartii waxaa xirmay dhammaan iskuuladii ay noloshoodu ku tiirsanayd.

Cabdinaasir Maxamed Xassan isaga iyo qoyskiisa waxay ku sugan yahay magaalada Burtinle ee gobolka Nugaal. wuxuu la kacaa-kufayaa maaraynta nolosha qoyskiisa oo uusan u awoodin inuu u gado cunno ku filan.

“Wax shaqo ah kama hayo meesha aan joogo, halkaas baan iska jooga maba jirto macalimiintii intay soo qaxeen shaqeeya.”

Cabdinaasir oo ah guddoomiyaha macalimiinta  ayaa sheegay in xaalada macalimiinta soo barakacay ee uu isagu ka mid yahay inay wajahayaan xaalado adag oo dhanka nolosha. Wuxuu intaas raaciyay inay  jiraaan kuwo dhaqaale la’aanta ay u dheer tahay culeysyo kale.

“Iyadoo macalimiin layahay baa lasii kala daciifsanyahay, lasii kala xaaladeysanyahay, lasii kala lasii kala duruufay. Waxaan ka warhayaa macalimiin dhaawac ah iyo maamulayal dhaawac ah oo cisbitaalada jiifa.”

Ninkan oo ah gudgoomiyaha macalimiinta magaalada Laascaanood wuxuu ahaa maamule iyo macallin ka ahaa iskuulka Gateway oo ku xirmay colaadda.

Guud ahaan dadka ka soo barakacay Laascaanood ayaa ka siman duruufaha nololeed, maaddama ay ka soo tageen guryahoodii iyo shaqooyinkoodii. Filashadooda ayaa ah inay colaaddda nabad beddesho isla markaana dib loo furo iskuuladdii ay ku tiirsanaayeen.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.