Saturday, April 27, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Puntland: Ma ka Badbaadi Kartaa Baraarugga Bulshada

W/Q Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad)

Ilaa iyo intii la dhaariyay Baarlamaanka cusub ee Puntland (Pl), January 2019, Xildhibaano badan ayay ka go’nayd in la joojiyo dhiig-baxa silciyay Puntland 20-kii sano ee la soo dhaafay.  Puntland waxaa dhaqan u ahayd in waaxda fulinta ee dawladdu (waa Madaxweynaha) uu isku koobo awoodda dawladnimo iyo adeegsiga dhammaan hantida dalka, xisaab la’aan, iyada oo loo adeegsanayo dano gaar ah.

Madaxtooyada Puntland, Garoowe

Dhaqankan wuxuu si toos ah uga hor imanaya Dastuurka Puntland Qodobkiisa 3 (2): Ma jiri karo qof, koox ama qayb ka mid ah bulshada oo awoodda dawladnimo u adeegsan kara si gaar ah.  Haddaba, qoraaga oo ah Xildhibaan Puntland ayaa sahminaya in Puntland ay ka kaban karto maamul xumida soo jireenka ah iyo ku gaboodfalka awoodda dawladnimo.

Soo Jireenka Puntland

Maamulka Puntland ee Soomaaliya waxaa la asaasay ka dib markii ergooyin ka kala yimid dhammaan gobolada Puntland ay muddo saddex bilood ka badan fadhiyeen kuna heshiiyeen in la yagleelo dawlad loo dhanyahay.  Kowdii Agoosto 1998, ayaa la dhaariyay 66 xildhibaan, Madaxweyne iyo Madaxweyne ku-xigeen. 

Ergooyinku waa ogaayeen in 66-ka xildhibaan aysan ku dhammayn bulshada Puntland iyo in aysan ahayn saami qaybsi buuxa, balse waxaa ujeeddadu ahayd in la yagleelo dawlad ku meelgaar ah oo iyadu muddo saddex sannadood gudahood ah ay bulshada ugu soo diyaariso dastuur una hagto Puntland doorasho ah hal qof hal cod intaan saddexda sano dhammaan, markaas oo waqtigoodu ku ekaa.  Haseyeeshee, dawladdu waxba ma diyaarin markii waqtigeedi dhammaadayna waxay damacday in ay waqtiga kordhisato, taas oo sababtay dagaal sokeeye (2001-2003). Dagaalkaas sukeeye waxaa ku guulaystay Madaxweynihii xukuumadda hoggaaminaayay sidaas ayuuna ku noqday kali-talis aan cidi dooran, waxaana meesha ka baxay waaxyihii kale ee dawladda iyo tubtii ay ergooyinku ugu talagaleen in Puntland qaado.  

Hase yeeshee, Abriil 2012, 480 ergay oo Puntland oo dhan laga soo xulay ayaa waxay isku raaceen Dastuur, kaas oo mar labaad xukuumadda faray in hal sano gudaheed lagu qabto doorasho ah hal qof iyo hal cod si Puntland wadada loogu soo celiyo. Wali Puntland kama dhicin doorasho ah hal qof iyo hal cod. 

Sidaas darteed, ayaa Puntland u hoos joogtaa raxmadda Madaxweynaha iyo inta la hal maasha.

Waxyaabaha Dhacay Dhowaan

Kalfadhigii Juun/Juulay ee 2019, ayaa Baarlamaanku wuxuu bilaabay in uu guto shaqadiisa ah la xisaabtanka xukuumadda sida ku cad Qodobka 64aad ee Dastuurka.  Haddaba, wuxuu bilaabay in uu baaritaan ku sameeyoo xisaab-xirka sannad-maaliyadeedki 2018.

Md. Cabdixakiim Maxamed (Dhoobo), Guddoomiyhii hore ee Baarlamaanka Puntland

Natiijadii waxaa ka soo baxay in xad-gudubyo badan lagu sameeyay madaxyada (line items) miisaaniyadii 2018.  Xisaabaadka qaldan waxaa ka mid ahaa iyadoo madaxyada qaarkood aan loo isticmaalin sidii loogu talagalay.  Sida ku qoran warbixinta Hantidhawrka Guud ee 30/6/2019 bogga 7aad qodobka 7aad: “Waxaa xadgudub weyn lagu sameeyay Madaxa horumarinta mashaariicda 10012/26401 ee W/waxbarashada iyo Tacliinta Sare oo laga saaray lacag sharci darro ah, ahna kharashyo ka baxsan ku talagalka madaxaas oo wadartoodu tahay $1,761,127.29.”

Xisaab hubintaas ka dib, Baarlamaanku waa diidday xisaab-xirka sannad-maaliyadeedki 2018. Sida uu qabo Qodobka 137 (2) ee Dastuurku, waxaa loo gudbiyay xisaab-xirkaas Xeer-Ilaalinta Guud si baaritaan loo sameeyo, ka dibna dacwad loogu soo oogto cidda wax qaladay.

Falalkaas dhammaantood, oo ku cusbaa Puntland, waxay keeneen in bulshadu aragto xaaladda ay Puntland ku sugan tahay.  Waxay suurtagal bulshada  uga dhigtay in la xakamayn karo musuqmaasuqa baahay iyo ku gaboodfalka aawoodda dawladnimo.  Nasiib-darro, in Baarlamaanku shaqadiisa guto waxay ka caraysiisay waaxda fulinta. 

Arbaca 6/11/2019 Baarlamaanku wuxuu galay saddex maalmood oo nasasho ah ka dib markii la magacaabay guddi soo mideeya warbixinadii ay keeneen guddiyada kala duwan ee Baarlamaanku,  iyadoo la filayay in ay soo warceliyaan Isniinta.  Fiidkaas unugyo ka tirsan ciidanka Puntland ayaa weeraray ilaaladii joogtay Baarlamaanka halkaas oo labo la dilay xaruntana lagala wareegay.

Barqadii 7/11/2019 waxaa xarunta Baarlamaanka galay aqlabiyadda golaha xildhibaanada iyada oo uu ka maqan yahay Guddoomiyaha Baarlamaanku, halkaas oo lagu afgembiyay. Marka hoos loo eego sababta, inqilaabka waxaa keenay in Guddoomiyuhu uu u hogaaminaayay Baarlamaanka in uu yahay hay’ad dawladdeed oo madaxbanaan, shaqadiisana ay ka mid tahay daba-galka iyo la xisaabtanka xukuumadda.  Waxaa dad badan oo reer Puntland ah aysan ogayn in Baarlamaanka Puntland uusan waligiis madaxbanaanayn, balse, uu ahaa taageere jilicsan ee xukuumadda.

Xukuumaddu ma ku noqon kartaa shalay sidii xaaladdu ahaan jirtay intaan shacabku baraarugin?  Uma eka in inta xaaladdu sidaas tahay uu jiri doono Baarlamaan madaxbanaan oo gudan kara shaqadiisa ah la xisaabtanka iyo daba-galka xukuumadda, sida maahmaahda Soomaaliyeed ay tiraahdo: Dayoy yaa qaybteer ku baray? Ishii Caaloo gebi kalulata.  Hoggaan kasta oo uu Baarlamaanku yeesho wuxuu ogyahay wixiii ku dhacay hoggaankii ka horeeyay.  Hase yeeshee, aragaane!

Waxaa kaloo dhacay, 13-kii November 2019, in qiyaastii laba horimood oo aad u hubaysan oo ka tirsan ciidanka  Puntland (Pl) ayna weheliyaan ciidan beeleedyo ay gadoodeen xoogna ku galeen Bosaso oo ah magaalada ugu weyn isla markaana ah magaalada ganacsiga Puntland.  Cabashooyin kooda gaarka ah markaad ka reebto, gadoodku waa mirihii kacdoon shacab ee Gobolka Bari oo muddo jiray kaas oo xukuumaddu aysan u arag wax macna leh dhegna aysan u raaricin.

Madaxweynaha

Dagaalkii sukeeye ee gaabnaa (2001-2003) ka dib, Madaxweynaha Puntland wuxuu xoojiyay gacan ku haynta awoodda dawladnimo ee aan ka daba hadalka lahayn.  Caabiga kaliya ee bulshada kaga imanayayna wuxuu ku koobnaa waxyaabo lagu qoro internetka, marka laga reebo kacdoonadii Gobolka Bari ee 2017 iyo kii hadda (13-16 November 2019).

Sababaha u suurageliyay in madaxweynaha Puntland noqdo kali talis waa:

  1. Ergooyinkii bud-dhigay Dawladda Puntland waxay siiyeen dawladdii ku meelgaarka ahayd awood ay dalka ku gaarsiiso dawlad la soo doorto muddo saddex sano gudaheed ah.  Taasi ma dhicin dawladdii jirtayna waxay dishay ujeeddadii ergooyinkii Puntland aasaasay lahaayeen.  Tan ayaana keentay in madaxweynaha Puntland uu yeesho awood aan ka daba hadal lahayn.
  2. Fahamka dawladnimada ee guud ahaan dadka Soomaalidu wuxuu ku salaysan yahay: Geel xeraduu ku jiraa laga leeyahay.  Sidaas darteed, ayaa madaxweynuhu leeyahay dalka, dadka iyo hantidaba.

Ku Gaboodfalka Hantida Dalka

Sida ku cad Qodobada Dastuurka 64 (7) iyo 136 (2), waajibaadka Baarlamaanka Puntland waxaa ka mid ah ka baaraan-degga, ansixinta iyo daba-galka miisaaniyadda dawladda.  Haseyeeshee, Puntland waxaa dhaqan u ah in hantida dalku gaar u tahay madaxeynaha oo isagu uu go’aan ka gaaro.  Arrintani waxay ka soo bilaabatay in iyada oo aan Baarlamaanku ansixin dhaqaale Puntland leedahay loo adeegsaday raadintii iyo dhismihii dawladdii Soomaaliya.  Inkastoo soo celinta dawlad Soomaaliyeed muhiim ahayd, haddana xigmaddu waxay tahay, hantidaasi ma ahayn mid martay habraac uu baarlamaanku ogolaaday.

Dhacdada jirtaa waxay tahay in hantida Puntland ay ahayd jeebka Madaxweynaha oo Ilaah barakeeyay.  Tusaale ku haboon: Dawladda Puntland 21 sano ka dib ma laha ciidan joogto ah inkasoo miisaaniyadihii xukuumadihii Puntland soo maray kharashka ugu badan uu ku baxay ciidamo amni iyo qalabkooda.  Haddaba sidee u dhacday?  Madaxweyne kasta oo hore wuxuu hantida Puntland ka dhisay ciidan iyo agab, haseyeeshee, markuu xafiiska ka tegayay waxay noqdeen ciidan beeleed.

Maadaama uu madaxweynuhu yahay qofka kaligiis bixiya maammulana hantida dawladda, wuxuu sababay in ay daciifaan waaxyaha kale ee dawladda, oo waliba ay u dhacday si aan qurux badnayn.  Sidee bay arrimahani u suurtagaleen?

  1. Marna Puntland kama dhaqan gelin nidaam wanaagsan oo lagu maamulo hantida bulshada.  Bilawgii horeba Puntland dhaqaalaheeda waxaa si gaar ah u maamulan jiray madaxweynaha iyo inta la hal maasha.  Marna ma jirin Xisaabiye Guud iyo Hanti-dhawr Guud oo shaqadooda u madax banan baarlamaankuna la xisaabtami karo.  Waxay ahaayeen kuwa uu madaxweynahu isagu magacawdo isagana hoos taga.
  2. Illaa markii Puntland ay dawlad noqotay waaxda fulintu si firfircoon ayay u hortaagnayd xisaab wanaag, daahfurnaan iyo in la dhaqan geliyo nidaamka ah IFMIS.  Bogga 6aad ee daraasadda:
     A Case of Garowe City, by  Faduma Hassan Mohamud oo ku saabsanaa nidaamka casriga ah ee dhaqaalaha lagu maamulo (Factors Influencing Implementation of Integrated Financial Management Information System (IFMIS)) in Puntland’s Public Institutions, waxay ku caddaysay: “Ma aha oo kaliya in Dawladda Maamul-goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay ku adkaatay  in ay siiso nidaam sax ah, dhammaystiran, daahfuran oo ka turjumaaya xaaladdeeda dhaqaale, baarlamaanka ama ciddii kale ee danaynaysa sida deeq-bixiyayaasha iyo guud ahaan bulshada oo loola jeedo dhaqan-gelin la’aanta IFMIS, balse, waxay caqabad ku noqotay daahfurnaanta iyo la xisaabtanka dawladda, arrintaas oo sare u qaaday maamul-xumida laga rumaysnaa Dawladda Puntland.”  

Awood Qaybsiga Dawladda Puntland Dheexdeeda

Maadaama ay xubin ka tahay Dawladda Federaalka, Puntland waxay mar walba ka cabataa in Dawladda Federaalku soo fara gashato xuquuqda ay u leedahay in ay maammusho shacabkeeda, xudduudaheeda iyo khayraadkeedaba. Waxay ku doodaa in aysan rabin in ay dib u dhacdo wixii ku dhacday dawladdii Soomaaliyeed ee xoogga lahayd fadhigeeduna ahaa Xamar, sababtuna ay ahayd in ay awooddii dalka kaligeed maroorsatay.  Puntland mar walba waxay ku adkaysataa awood qaybsi in ay la yeelato Federaalka.

Haseyeeshee, Puntland oo talagalkeedu ahaa in ay tahay qiyaastii saddex meelood meel dalka Soomaaliya ma laha nidaam awood qaybsi dhexdeeda ah.  Dhinac markaad ka eegto, awood qaybsiga gudubka ah ee u dhexeeya waaxda fulinta, garsoorka iyo xeer-dejinta, labada dambe awoodoodu waa mid aad u liidata oo aysan adeegsan awoodda Dastuurku siiyay. Dhinaca kale ee ah awood qaybsiga kala sareeya Madaxweynuhu guddoomiyayaasha gobolada isagaa magacaaba eryana markuu doono.  Golaha deegaanada iyo guddoomiyayaasha degmooyinkuna kama ood sukeeyaan, inkastoo kala dirkoodu sharci darro yahay.  In aysan jirin dawlada kala sareeya waxaa kuu cadaynaya in dhammaan shaqaalaha bulshada ee Puntland ay yihiin shaqaale Dawladda Puntland.

Waa wax iska cad, in Madaxweynaha Pl mar walba uu ka cawdo wixii faragelin ah ee ka timaadda Federaalka inkastoo uu isagu isku koobo awoodda dawladnimo ee Puntland.  Awoodda dawladnimo ee Puntland ma qaybsana ha ahaato midda gudubka ah ama midda kala saraysa waxayna ku urursan tahay gacanta Madaxtooyada. Maamul-goboleed leh baaxadda Pl ma ka badbaadi karaa kali talisnimo iyo si xun u maamulka khayraadka dalka.  Taariikhdu waxay ina bartay dawladihii kali taliska ahaa hantida umaddana ku takrifalay in ay dabargo’een.

Wax ka Sheegga Puntland Reeban

Inkastoo Dastuurka Puntland uu dhawro xuquuqda hadalka iyo fekerka qofka, haddana Pl uma dulqaadan karto wax ka sheeg nooc uu yahayba.  Waxaa jira nabadoono iyo aqoon-yahano badan oo loo xiray in ay xukuumadda ku dhaliileen waxyaabo ay ku kacday.  Nabadoon Xarago iyo siyaasi Muse Ali Jama ee Gobolka Bari ayaa ka mid ah.  Waxa kaliya oo ay xariga ku mutaysteen waa in ay dhaliileen in dekedda Bosaso laga kireeyo ajnebi.

Maadaama nidaamka Puntland lagu dhisay uu beelo ku salaysnaa walina aysan ka korin, wax alaale iyo wixii qalad ah oo laga sheego nidaamka ama dawladdu wuxuu noqonayaa in wax laga sheegay Madaxweynaha ama beeshiisa.  Sidaan horay u sheegnayba, waaxda fulinta ee dawladda Pl waa kali-talis maadaama waaxyaha kale aysan awood u lahayn in ay xakameeyaan ama xakumaan.  Puntland gudaheeda in wax laga sheeggo xukuumaddu waa dembi ciqaabtiisu tahay, ugu yaraan, handadaad ama xarig, inkastoo dembigaasi uusan sharci ahayn.  Sidaas darteed, shacabku waa: afkaygow usHaddaba, aamuskaasu wuxuu dilay in wax la saxo, waayo ma jirto cid qaladaadka xukuumadda tilmaami karta.  Haddaan qalad jirina wax la saxaa ma jiraan.

Ku Gaboodfalka Dastuurka 

Puntland waxay sheegataa Dastuur sharci ka dhiga jiritaanka dawladda.  Haseyeeshee, jiritaankeedu waa mid qardajeex ah oo aan ku salaysnayn dastuurkaa ay ku doodayso in uu sharciyadda dawladnimo siiyay.  Jiritaanka Dawladda Pl wuxuu ku salaysan yahay lifaaq laalaya qodobka furaha u ah shaqaynta Dastuurka, Qodobka 60 (2).

Aan eegno Qodobka 60 (2) kaas oo si cad u qeexaya: “Inta laga helayo tiro koob sugan, Golaha Wakiiladu waxa uu ka koobnaanayaa 66 Xildhibaan oo dadweynuhu ku soo doorto codbixin guud oo toos ah.” Qodobkani uma baahna maxkamad dastuur oo macnaysa, waayo waa cad yahay.  Maadaama xildhibaanadu ay madaxweynaha doortaan, xildhibaanada waa in dadweynuhu ku soo doorto codbixin guud oo toos ah.  Wali Puntland kama dhicin codbixin guud oo toos ah, sidaas darteed, waxaa la oran karaa Dawladda Puntand waa wirwir meel fog ka muuqda.

Gunaanad iyo Talo Soo Jeedin

Marka aynu eegno waxa ilaa iyo hadda aynu ka ognahay Puntland, cidna la yaabi mayso haddii la yiraahdo waa khiyaano waaxda fulintu ku moora-duugayso bulshada Puntland. Intaa waxaa dheer, in bulshada baraarugtay oo ay ogtahay in jiritaanka dawladda, oo ay u jirto sida ay hadda tahay, ay sii nuglaynayso bulshada iyo hantida Puntland iyo guud ahaan Soomaalidaba.

Sidaas darteed, si aan dawladdu u burbururin waa in waaxda fulinta ee awoodda badan lihi qaaddaa isbeddeladan soo socda iyada oo si wadajir ah ula shaqaynaysa waaxyaha kale ee dawladda: 

  1. Dhammaan saddexda waaxyood ee dawladda waa in bulshadu la xisaabtami kartaa iyaguna isula xisaabtami karaan iyagoo kala madaxbanaan, waana in waxqabadkoodu daahfuran yahay.
  2. Waa in hadda la hirgeliyaa nidaamka casriga ah ee dhaqaalaha lagu maamulo (Integrated Financial Management Information System (IFMIS)). Puntland ma awooddo waaxda fulinta oo awoodda dhaqaale kaligeed yeelata. 
  3. Waa in doorasho ah hal qof hal cod sida ugu dhakhsaha badan loo qabtaa si loo soo doorto golayaasha deegaanada iyo guddoomiyayaasha degmooyinka, taasoo gogol-xaar u noqonaysa doorashooyinka dambe ee baarlamaanka iyo madaxweynaha. 
  4. Caddaalad u qaybinta hantida dadweynaha iyo deeqaha caalamiga ah.  Ilaa iyo hadda qayb weyn oo ah dakhliga Puntland waxaa la geeyaa laguna isticmaalaa meelo gaar ah.  Sidoo kale, deeqaha caalamiga ah, oo 2019 lagu qiyaasay $50 milyan, waligeed ma gaarin 80% bulshada Puntland.  Si loo helo qayb loo siman yahay ee khayraadka dalka lacag iyo dadba, wasaarad kasta Xarunta ay ka hawlgasho waa in la geeyaa gobol si dadka gobolkaas deggani ay qayb uga helaan canshuurta laga qaado.  Tusaale: Magaalada Caluula ay noqoto Xarunta ay ka hawlgasho Wasaaradda Kaluumaysigu.  Tan macnaheedu waa in dhammaan shaqaalaha Wasaaradda marka laga reebo siyaasiyiinta ay xarun u noqoto Caluula.  Taalaabadani waxay awood siinaysaa bulshada deggan Caluula waxaana suurtagal noqonaysa in dadka waxbartay aan laga xaalufin deegaankaas, oo shaqaale xirfadlayaal ahi ay ku negaadaan Caluula.  Sidoo kale, dhammaan Xarumaha ay ka hawlgalaan wasaaraduhu waa in ay ahaadaan gobolada iyo degmooyinka Puntland.  Wax kale ma aha ee waa in si dheelitiran oo hufan leggu dhammaan u gaaro, taas oo xoojinaysa wadajirka Puntland.
  5. Haddii aan sida ugu dhakhsaha badan loo hirgelin talooyinkaan kor ku qoran, cidda ay khusaysaa ha isu diyaariso in ay dib u fadhiistaan Ergooyinkii Pl aasaasay si Puntland loo casriyeeyo oo Dawladdu shacabka u soo gaarto.

Maxamed Ismaaciil Maxamed (Siibad)
Email: [email protected]

_____________

Xildhibaan Maxamad Ismaaciil Maxamad waa qoraa, macallim, iyo diblomaasi hore ee Soomaaliya.  Wuxuu xilal kala duwan ka soo qabtay Maamul Goboleedka Puntland, haddana waa Xildhibaan Golaha Wakiilada Puntland.


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.