Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Puntland: Kalluumaysatada gobolada Sanaag iyo Bari oo labadii bil ee u danbeeyay aan badda ka jillaaban cabsi soo wajahday darteed

 by Jibril Osman

Kaydka Ergo

kumanaan qof oo ka kaluumaysanayay gobolada Sanaag iyo Bari ayaa wajahaya shaqo la’aan saamaysay nolosha qoysaskooda, markii maraakiib si sharci darro ah u kalluumaysanaya ay u diideen in ay badda ka jillaabtaan.

Waxay bannaan joog ka yihiin shaqadooda tan iyo bishii August ee sanadkan, markaas oo bad furan la galay. Intaas waxaa u dheer in ay ka burburiyeen qalabkii ay badda ku galayeen.

Maxamed Maxamuud Maxamed wuxuu maarayn la’yahay nolosha qoyskiisa tan iyo markii uu shaqada joojiyay. Waxaa ku adkaatay in hal waqti uu u helo waxay cunaan carruurtiisa oo sagaal ah. Ninkan oo aan lahayn xirfad kale oo uu ku shaqaysto ayaa sheegay in uu noqday guri-joog. Wuxuu ku tiirsanaa lacag uu si joogta uga helayay kalluumeysiga

“Dadka deegaanku wax kale kuma noola wuxuu nagu riday dhaqaale burbur oo kalluunkii aan kala soo bixi jirnay waa la jariifay waana xaalufay deegaankiina waa ka guuray.”

Maxamed wuxuu hadda uu ku qasbanaaday in uu ku maareeyo qoyskiisa dayn uu ka soo qaaday ganacsato deggan degmada Caluula ee gobolka Bari oo uu ku nool yahay. Waxaa lagu leeyahay lacag dhan $450 oo uu qaatay tan iyo intii baddu xirneed. Wuxuu ka walaacsan yahay sida uu ku gudi doono qarashkaas.

Wuxuu isbuucii heli jiray $30 ama wax ka badan. Wuxuu la qabsan la yahay xaaladdaan ku soo korodhay.

“Waxaa ku go’aya kiradii iyo shidaalkii iyo saxiimada. Waxaas dhibaato ah oo aad u daran buu nagu hayaa oo dhaqaale burbur ah. Awood aan iskaga qabanana ma lihin dawladduna waxba kama qaban.”

Maxamed oo muddo 12 sano ah ka shaqaysanayay badda ayaa 15 August iskaga baxay markii ay maraakiibtan qalab tireen. Waxa uu sheegay in uu ku waayay xilli habeen ah 15 Jilbo, iyo Ilyar ah iyo 20 shamaaggood oo ay ku jillaabanayeen isaga iyo labo nin oo la shaqaynaysay.

Kalluumaysatada ay qalab-la’aantu ku dhacday ma aha kuwo awooda in ay qalab kale iibsadaan duruufaha dhaqaale ee ku gadaaman dartood, sida uu xusay Maxamed oo aan hayn qorshe kale oo uu ku helo il-dhaqaale. Wuxuu tilmaamay in qalabka uu badda ku waayeen isaga iyo saaxiibadiis uu joogo lacag gaaraysa $1,900 taas oo aysan heli karin haddii ay dib u soo iibsan lahaayeen.

Maxmuud Saalax Cismaan oo ku nool degmada Laas-qoray ee gobolka Sanaag ayaa ka mid ah kalluumeysatada ay maraakiibtu shaqo-la’aanta ku ridday. Waa aabbaha qoys toban qof ah wuxuu sheegay in markii sii horaba uusan lahayn doon, balse uu ku jillaaban jiray shamaago iyo qalabkooda uu ku iibsaday $1,500, taas oo jariifku ka gacan marsheen.

Si uu u maareeyo nolosha qoyskiisa oo kaligiis ku tiirsan wuxuu mararka qaar isku dayaa in uu badda la galo doon iyo shamaag uu ka qaato dad kiraysta isaga oo u sheega u uu siin doono qarashka kirada markii uu soo jilaabto, balse wuxuu rasasayn kala kulmaa maraakiibta.

“Mararka qaar badda ayaan aadaa waana soo waayaa marka qoyska dhaqaalo ahaan way usaamaysay haddii kalluunkii aan waayo adeegii guriga waxbaa iska dhimaya oo maalintaas waxaa laga yaabaa in xaafadda waxba laga karin waayo kalluunkii aan Quudanaynay oo xoolaha noo ahaa anaga.”

Qoyskiisa ayuu sheegay in markan ay ku tiirsan yihiin raashin walaashiis oo  deggen Boosaaso  ay u soo dhiivtay shantii bishan. Raashinka oo iskugu jira bur, bariis iyo sonkor min 10 kiilo ah waxay karsadaan hal mar oo ah habeenkii. Lacag keyd ah oo meel u taallay ma jirin maaddaama dhaqaalaha uu ka helo jillaabashada badda aysan soo dhaafi jirin raashinka qoyska.

Maxamed wuxuu sheegay in xilligan uu rajo beel ka yahay nacfigii badda maadaama maraakiibta shisheeye u diideen xitaa in uu badda gudaha u galo.

Wuxuu tilmaamay in intaas ay u dheer tahay in jariifku ay dabanayaan badda qaar kalluunka ka mid ah oo ay mamnuuc tahay in la kalluumaysto. Ninkan oo ah 65 jir labaatan sano ku soo shaqaynayay kalluumaysiga wuxuu sheegay in arrintaas ay keeni karto xaaluf ku yimaada jiritaanka kalluunka.

“Hoos-u-dhac kalluun ayaa jira saddexdii sano ee la soo dhaafay taas oo aan is leenahay waxaa sababa u ah jariifka oo wax yeeleeyaay dhulkii kalluunku uu ku dhali jiray oo uu baabi’iyay dhulkii deegaanka u ahaa. Mararka qaar waxaa dhacda in dhulkii uu isagu rarto oo badahooda ay ku beertaan.”

Guddoomiyaha degmada Laas-qoray Cabdikariin Yuusuf Jaamac ayaa sheegay in maamulkiisu ay ku dedaalaan in ay wax ka qabtaan jariifka iyaga oo kaashanaya wasaaradda kalluumaysiga Puntland, balse aysan awood u lahayn in ay dhamaan xakameeyaan jariifka.

Wuxuu xusay in ay qorshaynayaan sidii guud ahaan loo joojin lahaa maraakiibtaas sharrci-darra ku soo gala badda Soomaaliya.

“Sidii looga hortagi lahaa iyo diyaar garow ayaan wadnaa. Jariifka baaqyo badan ayaan u jeedinay haddana waan u jeedinaynaa in dadka Soomaaliyeed iyo deegaanada reer Puntland ay nabad galiyaan ayaan ku qargalinaynaa.”

Dhanka kale wuxuu Raadiyo Ergo u sheegay in aanay weli xisaabin khasaaraha maaliyadeed ee ka soo gaaray dadkan jariifka, balse kalluumaysatada ku nool Bari iyo Sanaag ee arrintaan saamaysay ay gaarayaan inta la hubo toban kun oo qof.

Wuxuu sheegay in maraakiibtan ay ku soo dhex dhuuntaan kuwo ay Puntland siisay sharciyo ay badda uga kalluumaysan karaan balse aysan dadka wax yeelayn. Taas oo uu sheegay in wasaarada kalluumaysiga ay ka dalbadeen in ay samayso hanaan lagu kalo saaro.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.