Puntland iyo Jubbaland oo dhamaystiray saami qeybsiga beelaha Aqalka Sare

WardheerNews (WDN) – Wararka naga soo gaadhaya Garowe iyo Kismaayo, ayaa sheegaya in maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ay dhamaystireen saami qeybsiga  beelaha uga qeyby galaya Aqalka Sare. Wararkan oo aanay wali si rasmi ah u xaqiijin labada maamul, ayaa intaas ku daraya in ay wali socdaan wada hadalo ku aadan saami qeybsiga iyada oo ay jiraan beelo ka tabanaya saami qeybsiga, halka kuwa kaleetana sad bursi loo sameeyay.

gaas-madoobe
Md. Axmed Madoobe iyo Md. Cabdiwali

Ilaa iyo hadda waxay u eeg tahay in liiska Aqalka Sare u ekaado sida hoos ku xusan:

Saami Qeybisga Beelaha Puntland- Wadar 11

Beesha Majeerteen: 6 xubnood ama  55%
Beesha Dhulbahante: 2 xubnood ama 18%
Beesha Warsangeli: 1 xubin ama 9%
Beesha Leelkase: 1 xubin ama 9%
Beesha Dashiishle: 1 xubin ama 9%
Beesha Meheri: 0
Beesha Awrtable: 0
Beesha Madhibaan: 0

Saami Qaysiga Beelaha ee Jubbaland: Wadar 8

Beesha Kumade (Absame) : 2 xubnood ama 25%
Beesha Mareexaan: 2 xubnood ama 25%
Beesha Koombe ( Harti+ Geri): 1 xubin ama 12.5%
Beesha Cawramale: 1 xubin ama 12.5%
Beesha Hawiye:1 xubin ama 12.5%
Beesha Digil & Mirifle: 1 xubin ama 12.5%

Soo gudbinta liiska magacyada maamul goboleedyada uga qeyb galaya Aqalka Sare, ayaa dib u dhac ku yimid, iyada oo wakhtigu kaga ekaa Oktoober 5 dii.

Wixii warar ah ee ku soo kordha fadlan kala socda wararka dambe.
WardheerNews

Leave a Reply

Your email address will not be published.