Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

ONLF: TANAASUL MISE TAAKTIKO CUSUB?

W.Q. Cabdulqaadir Jaamac Xuseen

Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya [JWXO] waxa la aas-aasay sannadkii 1984-kii. Hal qarni kadib kolkii la qaybsaday dhulkeenna ayaa ay kowsatay. Waxay kii afraad ka noqotay dhaqdhaqaaqyo xornimo udirir waddaniyiin ah oo ka dagaallamay dhaxal-wareegga Ogaadeenya [Daraawiish, OLF-Nasrullaah, WSLF iyo ONLF], waxayna noqotay tii ugu cimriga dheerayd [34 gu’ jir].

Sooyaalka Itoobiyada cusub waxa ay hadba yeelataa socod qowmiyadaysan, iyada oo kolba qowmiyadda xukunka qabsata ay ka dhereg-dhacsato, quruumaha kalena dhuuniga u diiddo. ONLF waxay jirtey laba isbeddel oo ka dhacay Itoobiya: Dhergigii Xayle Maariyam iyo Tigree; Tigreegii iyo Aby Axmedkan hadda. Isbeddelkii hore kolkii uu dhacay waxa la masawiray “Itoobiya la wada leeyahay”. ONLF waxay ka qaybgashay Shirweynihii Nabadda iyo Dimuquraadiyadda [Adis ababa, 1991] ee lagu dhisay dowladda ku meelgaarka ah, waxayna go’aansatay inay qayb ka noqoto “Itoobiya la wada leeyahay”.

Intii aanay dhammaan xil-hayntii maamulkii cusbaa ee Itoobiya, waxa ONLF u caddaatay tubta aan la wada lahayn ee ay ku socoto Xukuumaddii TPLF. Markii ugu horreysay uguna dambeysay waxay Shacabka Ogaadeenya doorasho xor iyo xalaal ah kusoo doorteen metelayaashooda siyaasadeed.Doorashadaas oo ay ka qaybgaleen 14 urur siyaasadeed waxaa 80% kuraasta ku guulaystay ONLF .

Markii la gaaray wakhtigii loo asteeyey dowladdii kalaguurka ahayd, waxay ONLF abaabushay inay aragtideeda siyaasadeed u gudbiso baarlamankii dowladda dhexe. Febraayo 1994-kii ayaa baarlamaankii Ogaadeenya waxa ay u codeeyeen in afti dadweyne laga qaado gobolka; si ay aayahooda aragti uga dhiibtaan, waxayna u gudbiyeen baarlamaankii dowladda dhexe. TPLF waxay ka hortag wayn ku samaysay qorshahaas, iyadoo durba abaabushay weeraro lagu qaaday madaxdii iyo xarumihii ONLF. Waxay xilkii ka qaadeen madaxweynihii Maxamed Cabdullaahi Sacdi; madaxweyne kuxigeenkii: Siyaad Badri; iyo guddoomihii baarlamaanka. Weeraradii lagu qaaday ONLF maalintaa ayaa ay duurka ugashay, waxayna qoriga teebkiisa hayeen muddo 24 sano ah.

12-kii Ogosto 2018 ayay si iskeed ah ugu dhawaaqday inay xabaddii joojisay. Oktoobar, 2018 ayaa Itoobiya iyo ONLF gaareen heshiis aan rasmi ahayn oo qeexaya in: ONLF howlaheeda si nabdoon uga fushan karto gobolka iyo in la sii wado wadahadallada. Mar kale 1-dii Jannaayo 2019 ayay ONLF ku dhawaaqday inay deeganka ka noqonayso xisbi siyaasadeed, isla markaana ay ka qaybgeli doonto doorashada 2020-ka iyadoo xisbi siyaasadeed ah. 

Shalay iyo maanta isu ekaa: 1991-kii ONLF iyada oo xisbi ah ayay doorashadii ka qaybgashay, waxayna ku guulaysatay aqlabiyadda kalsoonidii deegaanka. Saddex sano kadib waxa xabbad looga saaray xafiisyadii dowladda iyadoo duurka u carartay.

Haddaba 24 gu’ kadib ma helnay khibrad nagu filan? Ma yaqiinsannay xabashigu in aanu aaminaad lahayn? ONLF ma sidii kal hore ayay mar labaad luqunta dhiibatay, oo waxa socda “RUN” moodday mise miciyaheedu waa u aasanyihiin? Ciidanka badan ee la soo xareeyey ma xargahaa loo sii daayay mise xogo hoose ayaa lagu ballamay? Xaggee siiriiga looga yeerin karaa haddii nafta loo yaabo?

Aragtidii 24-ka sano duurka inagelisay ee “Aayakatashiga” ma ka tanaasushay mise waayo aragnimadii tii hore laga bartay waa ina anfacaysaa? “Tanaasul mise taaktiko cusub oo ka duwan tii 1994-kii?”.

W.Q. Cabdulqaadir Jaamac Xuseen
Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.