Nin habari dhashay hal ma seegi waayo

W.Q. Georgi Kapchits

kapchits
Dr Georgi Kapchits

Qoraalkan kooban oo ah Jabaawbta aan ka bixinayo maqaalka  Cabdirisaaq Baraag ee cinwaankiisu yahay Hubsiimo Hal baa la siistaa, ee lagu daabacay WardheerNews, magac bilaash uma baxo e waxa aan ka  leeyahay laba ulajeeddo.

Midda hore waxay tahay in aan saxo gef aan ku talogal ahayn oo iga galay qoraalkaygii hore ee aan ugu magac daray “Gacan gadaal ka baqaysa geed ma gooyso”, kaasoo ahaa in “Ayax teg, eelna reeb” ay ka mid ahayd maahmaahyadii uu Shiikh Maxamed Cabdi Makaahiil daabacay 86 sano ka hor. Maya, ka mid ma ahayn. Aniga malaha aan fahmin wixii uu ii sheegay saaxiibkay Cabdiraxmaan Faarax “Barwaaqo”. Dhego oommani ‘cab’ uun bay kasaan!

Laakiin gefkii aan falay wuxuu igu baraarujiyay in aan dib u raadiyo ilihii aan ka bartay “Ayax teg, eelna reeb” wax yar uun kaddib markii aan bilaabay barashada af-Soomaaliga ee aan ku dhego beelay. Waxaana ii caddaatay in aan ka bartay buugga yar ee la yidhaahdo “Iftiinka aqoonta” (lambarka 1aad) ee uu Shire Jaamac Axmed soo saaray 25 Febraayo 1966kii. Buuggan boggiisa 7aad waxaa ku daabacan:

MAAHMAAHDAN BARO

  1. Nin qorrax kugu dilay, hoos kuuma jiido.
  2. Deriskaa mar ku diin, marna ku dayo, marna ku dar.
  3. Qaylo gar dhaweysey.
  4. Baryo badan iyo bugto badan ba, waa laysku nacaa.
  5. Gari laba nin, kama wada qosliso.
  6. Inta dhogortaadu dhan tahaa, la dhawrsadaa.
  7. Ayax teg, eelna reeb.
  8. Wixii nin xil moodaa, nin kale xarrago moodaa.

Maahmaaho kale buuggaas kuma ay jiraan. Taasu waxay u marag kacaysaa in “Ayax teg, eelna reeb” ay Shire Jaamac Axmed la ahayd: 1) maahmaah; 2) maahmaah la wada yaqaanno.

“Iftiinka aqoonta ee lambarkiisu uu yahay 5, soona baxay 25 Febraayo 1967kii wuxuu ka kooban yahay 101 maahmaahood. Lambarka 94aad waa “Ayax teg, eelna reeb” isagoo islamarkaana qoraagu sidan ugu tarjumay afka Ingriiska: “Locust have gone by, but left damage behind (eggs).

Midda xiisaha lihi waxay tahay in Shire Jaamac Axmed oo ahaa qoraa iyo suugaan baare kana mid ahaa raggii u guntaday, dadaalka dheerna u galay sidii Af Soomaaligu u yeelan lahaa far lagu qoro, in uu deegaan ahaan ka soo jeeddo beesha uu Cabdirisaaq qoraalkiisa ku sheegay in Ayax Maxamed Dhawre uu u guuray. Markaa miyaanay yaab ahayn sida uu Shire arrintaas uga ilduufi karo.

Waxaa iyana jirta, sideedaba, marka Soomaalidu ay xig ama odhaah ku halqabsanayso in ay inta badan ku lammaanayso qofkii xigtaas iska lahaa iyadoo tidhaahda waa halkii hebelle __ . Tusaal ahaan waa halkii Aadan Galaydhe Adduun i khatal IWM. Haddaba su’aasha isweydiinta mudani waxaya tahay waxa loo maqli waayay iyadoo la leeyahay waa halkii Cigaal Caymo’e Ayax tag eelna reeb.

Ujeeddada labaad ee aan ka leeyahay magaca qormaddani waxay tahay in Cabdirisaaq Baraag isaguna uu gefi karo, isagoo caddeyneya in “Ayax teg, eelna reeb” ay tahay xig laga wado Ayax Maxamed Dhawre, uuna dhahay saaxiibkiis Cigaal Caymo. Cabdirisaaq wixii uu qoray waa sheeko xiise leh. Miyay tahay mid dhab ah oo sooyaal ah? Waa suurtoggal, lamase hubo, maadaama Cabdirisaaq marqaati uusan u ahayn. Waxaanse la inkiri karini waxaa weeye in ‘Ayax teg, eelna reeb’ xataa haddii ay ahayd xig ka soo baxday Cigaal Caymo afkiisii ay hadda noqotay maahmaah la wada yaqaanno oo ka dheereysay qofkii yidhi.

Ugu dambeystii haddii aan wax ka iraahdo su’aashii uu Cabdirisaaq Baraag ku soo gabaggabeeyey qormaddiisii ee ahayd “Cabdiraxmaan (Faarax “Barwaaqo”) se miyuu noqon doonaa abwaan dadka qalaadi cilmi af Soomaali ah ka qaataan?” jawaabtaydu waa “Shaki ma leh. Waa abwaan dad qalaadi oo aan anigu ka mid ahay wax ka barteen, waxna ka baranayaan maanta, ayna wax ka sii baran doonaan ayaatiinka dambe. Waxaa iga talo ah inuu Cabdirisaaq Baraag lafsadiisu uu wax ka barto”.

W.Q. Dr.Georgi Kapchits
E-mail:geedka@aha.ru
Website: www.kapchits.narod.ru
Moosko

———-
Dr. Kapchits waa khabiir ku takhasusay luqadda Soomaaliga, waxa uuna qoray buuggaag iyo qoraallo tiro badan oo la xidhiidha Afka iyo Suugaanta Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu aad isugu taxalujiyaa baadhista iyo ururinta sheekooyinka hiddaha iyo maahmaahyada Soomaaliyeed. Dr. Kapchits waxa uu qoraalladiisa ku soo bandhigaa degalka WardheerNews. 

 

Leave a Reply

Your email address will not be published.