Muqdisho (WDN)– Madaxweynaha dawladda federaalka Soomaaliya Md. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku baaqay in xiisadda ka taagan magaalada Baydhaba ee xarunta KMG ah ee maamulka Koonfur Galbeed ee dhextaala maamulka halkaasi ka arrimiya iyo siyaasiyiinta lagu dhameeyo miiska wada hadalka.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyey shaqaaqadii ka dhacdey maalintii shaley ahayd magaalada Baydhabo ee dhimashada iyo dhaawada sababtey ee dhexmartey ciidamada maamulka Koonfur Galbeed iyo ciidan taabacsan siyaasiyiin maamulkaasi mucaaradsan, waxa uuna madaxweynaha xusay in aan la joogin xilli halkaasi lagu dagaalamo maadaama dalka iminka uu dagaal kula jiro argagixisada.
Madaxweyne Xasan oo xiisadda Baydhabo taagan ka hadlayan waxa uu yiri “Waxaan aad uga xumahay wixii Baydhaba ka dhacay, walaalaha reer Baydhaba waxaan leenahay colaad waa taqaanaan ee wixii idinka qaldama iska saxa, dhammaantiin waxaa tihiin ehel dagaalka iska dhaafa oo isku tura” , waxa uuna madaxweynaha baaq u direy dhammaan waxgaradka iyo odayaasha reer Koonfur Galbeed isagoo ka codsadey in ay xiisaddaan wadahadal ku dhammeeyaan oo soo farageliyaan.
Dhanaka kale Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekg Axmed iyo ra’iisulwasaareyaashii hore ee dalka, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, Cumar Cabdirashiid Sharmaake iyo Xasan Cali Kheyre ayaa war saxaafadeed ay si wadajir ah usoo saareen waxa ay tacsi ugu direen guud ahaan shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed ee dhibaatada kasoo gaartay dagaalkii xoogganaa ee shalay Baydhaba ka dhacay.
Madaxdaan ayaa dhammaan siyaasiyiinta iyo maamulka Koonfur Galbeed waxa ay ugu baaqeen in ay wadahadal ku dhammeeyaan khilaafooda, isla markaana xasiloonida deegaanadooda ay ilaashadaan, waxa ayna si gaar ah maamulka Koonfur Galbeed uga dalbadeen inuu hirgeliyo doorasho la isla oggolyahay oo ah taasi oo ah sababta xiisadda dhalisey.
Xiisadda ka taagan Koonfur Galbeed ayaa waxa ay ka dhalatey cabsi siyaasiyiinta mucaaradka ah ee Koonfur Galbeed ay ka qabaan in madaxweynaha iminka talada maamulkaasi haya uu muddo kororsi sameeyo, taasi oo horey baarlamaanka maamulkaasi muddo 1 sano ah u meelmariyey iyadoo ay kasoo horjeesteen siyaasiyiin badan oo uu ka mid yahay madaxweynihii hore ee maamulkaasi iyo siyaasiyiin kale.
Maxamed Cumar Sh. Aadan
WardheerNews, Muqdisho
Leave a Reply