Thursday, March 28, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Muxuu Salka Ku Hayaa Qalalaasaha Siyaasadeed ee Soomaaliya Ka Jira?

W/Q: Somalia Rights Watch
Muqdisho, Soomaaliya

HORUDHAC

Waxaa waqtigan Soomaaliya ka taagan qalalaaso siyaasadeed oo si ku talagal ah loo abuuray, dano gaar ahna laga leeyahay. Qalalaasahaasi wuxuu khatar ku yahay dastuurka iyo nidaamka dowladnimo ee la soo dhisayay 20kii sano ee la soo dhaafay.

R/W Kheyre (midig) iyo AG Fahad

Wuxuu khalkhal iyo jahwareer galiyey xasiloonidii dalka, sarreynta sharciga iyo kala dambayntaba. Wuxuu dib u soo celiyey dhaqankii laga soo gudbay ee kali-talisnimada iyo dagaal-oognimada ee ku saleysnaa ku takri falka awoodda iyo ku xadgudubka xuquuqaha muwaadiniinta. Waxaa la hilmaamay dhibaatadii laga soo maray iyo wixii maal iyo mood ahaa ee aan usoo hurnay in aan soo gaarno meesha aan maanta joogno. Hadaba, waxaa isweydiin mudan maxay noqon kartaa ujeedada laga leeyahay in dalka iyo dadka khatar intaa le’eg la galiyo ayadoo lagu jiro waqti xasaasi ah oo ay dalka ka jiraan culeysyo kale, sida amni darro, cadaaladdarro, saboolnimo baahsan iyo dano shisheeye oo lid ku ah horumarka dalka?

Maxay tahay ujeedada iyo fikirka ka dambeeya in hantidii dadweynaha loo isticmaalo xagjirnimo siyaasadeed iyo in lagu dhiso ciidamo gaar ah oo ka baxsan nidaamka dowladda?

UJEEDADA 1AAD: Waxaa jira aragti iyo qorshe muddo soo socday oo ay wada-galeen RW Xasan Khayre iyo Agaasimaha Guud (AG) ee Madaxtooyada Fahad Yasin. Qorshahan wuxuu ku dhisan yahay aragti ah sidii loo abuuri lahaa saldano kali talis ah oo si xeel iyo xoog iskugu jirta ula wareegta hoggaanka dalka doorashada 2020 iyo wixii ka dambeeyaba. RW Khayre wuxuu marar badan iyo goobo badan ka sheegay inuu iskusi ula dagaalamayo Shabaab iyo kuwa uu u arko mucaarad, fikirkaas oo uu aabbe u yahay AG Fahad. Aragtidan iyo qorshahan waxay salka ku hayaan xukun jaceyl, waayo aragnimo la’aan, fudeyd iyo firkirka xagjirnimada siyaasadda iyo diinta oo bahoowbay.

Waxaa u baahan in la isweydiiyo aawey Madaxweynihii Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xaggee ayuuse uga jiraa qorshaha RW Khayre iyo AG Fahad ee sanadka 2020 iyo ka dib? Waxaa muuqata in qorshaha 2020 iyo ka dib uusan qeyb ka aheyn Madaxweyne Farmaajo uusanna dareensaneyn halka ay wax u socdaan. Laakiin, taasi waxay leedahay laba qatar oo halis ku ah midnimada iyo jiritaanka dalka: (1) in dalka ay sida ay doonaan u maamushaan rag aan la soo doorran, iyo (2) in dayac mas’uuliyadeed uu jiro meel walba, gaar ahaan Madaxweynaha dalka iyo Baarlamaankii oo gabay doorkoodii dastuuriga ahaa ee la xisaabtanka Xukuumadda.

Nasiib darro, dhacdooyin dhowr ah oo fool xun oo ay horay ugu kaceen RW Khayre iyo AG Fahad ayaa dhiirigeliyey qorshahan, maadaama ay u arkeen in ay ku guuleysteen. Dhacdooyinkaas waxaa ka mid ah:

1) AFGAMBIGA BAARLAMAANKA: Qorshahan ujeedadiisu waxay tahay in awoodda lagala wareego Baarlamaanka ayadoo loo marayo gacan ku dhigidda hoggaanka, kadibna lagu maareeyo Xildhibaanada handadaad iyo muquunin. Qorshahan waxaa loo isticmaalayaa hantida iyo ciidamada qaranka, taas oo ay marqaati ka tahay boliiskii Baarlamaanka oo lagu badalay ciidamo daacad u ah RW Khayre iyo AG Fahad. Waxaa kale oo marqaati ma doonta ah isku-day’ga in awooddii Guddoomiyaha Baarlamaanka si muquunis ah loogu wareejiyo Guddoomiye ku-xigeenka 1 aad, taas oo garab marsan sharciga iyo xeer hoosaadka Baarlamaanka. Waxaa iyana qarsooneyn in Xildhibaanno gaaraya 65 ay mushaar joogto ah oo dhowr kun gaaraya kiiba la siiyo, lacagahaas oo ka yimaada khasnadda dowladda iyo midda Gobolka Banaadir.

2) XADGUDUBKA MADAX-BANAANIDA BAARLAMAANKA: Waxaa lagu tuntay dastuurkii dalka iyo awood-qeybsigii hay’adaha dastuuriga ah, taas oo ujeedadeedu tahay in Baarlamaanku noqdo laan ka mid ah Xukuumadda si meesha uu uga baxo isla xisaabanku. Waxaa faragalin toos ah lagu sameeyey xasaanadda Xildhibaanada iyo shaqada Baarlamaanka. Waxaa la siyaasadeeyey hay’adihii amniga, garsoorka iyo kuwo kale sida hay’adda jinsiyadaha iyo socdaalka oo loo adeegsado in lagu handado xubnaha Baarlamaanka iyo siyaasiyiinta. Waxaa lagu badalay ciidankii amniga ee Baarlamaanka kuwa ka amar qaata RW Khayre iyo AG Fahad. Iyadoo la adeegsanayo Xeer-ilaaliyaha Guud ayaa eedeyn iyo handadaad lagu sameeyay xubno ka mid ah Golaha Shacabka, kuwaas oo dib looga laabtay ka dib iska caabin ka timid Baarlamaanka.

Halkan ka akhri: Muxuu Salka Ku Hayaa Qalalaasaha Siyaasadeed ee Soomaaliya Ka Jira

Elmi Duale Ahmed
Director, Public Policy
Somalia Rights Watch Muqdisho,
Email: Somalia [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.