Muqdishu (WDN) – Warar naga soo gaadhay magaalada Muqdishu, ayaa sheegaya in xilkii laga qaaday Gudoomihii Gobolka Banaadir islamarkaana ahaa Duqii magaalada Muqdishu Md. Xasan Maxamed Muungaab. Xil ka qaadista oo aan si rasmi ah loo shaacin, ayaa la sheegay in Md. Muungaab lagu badalay Yuusud Axmed oo la sheegay in uu aad ugu dhaw yahay Madaxweyne Xasan.

Md. Muungaab ayaa dhawaanahanba ay isa soo tarayeen xurguf dhex martay isaga iyo Madaxweyne Xasan iyo Wasiirka Amniga (oo dhinac ah) oo qaraabo la ah madaxweyanaha, taasi oo ku aadan wadooyin uu amray Wasiirka Amnigu dhawaan in la xidho, isaga oo aana kala tashan maamulka Banaadir.
Md.Muungaab ayaa sheegay in aan la xidhi karin waddo ka mid Muqdishu, islamrkaana amray in la furo dhamaan waddooyina Muqdishu, isaga oo hoosta ka xariiqay in arinkan waddooyinku uu hoos imanayo maamulka Banaadir oo aynan wax shaqo ah ku lahayn Wasaarada Amingu.
Arimahaasi iyo khilaafyo kale oo isa soo tarayay, ayaa la sheegya in ay ka danbeeyen xil ka qaadista Muunagaab.
Ilaa iyo hadda ma jiro war rasmi oo ka soo baxay madaxtooyada, oo cadaynaya sababaha xilka looga qaaday Muungaab.
WardheerNews
