Muran ka dhashay xil ka qaadista hanti dhowrka guud

Muqdihsu (WDN)- Shir ay yeesheen Golaha Wasiiraadda Soomaaliya maalntii  Khamiiska ee bishan May 04-dii,  ayaa war saxafadeed ka soo baxay lagu sheegay in xilkii laga qaaday Hanti Dhowraha Guud Md. Nuux Faarax.

Xil ka qaadista ayaa waxaa diiday Md. Nuur, isaga oo sheegay in golaha wasiiraddu aysan xilka u igman, kana qaadi karin, balse lagaga qaadi karo oo kaliya amar madaxweyne. Hanti Dhowraha ayaa dhawaan illaaladiisu ay rasaas ku dileen Wasiirkii Howlaha Guud marxuum Cabaas.

Soomaaliya oo uu ragaadiyay musuq maasuq baaxad lehi,  ayaa Md. Nuur in kasta oo uu dhowr jeer ka hadlay musuq maasuqaasi, aan haba yaraatee la heyn wax dacwad ama xadhig ah oo lagu soo oogay ama fuliyay dadka ku takri falay hantida guud.

Md. Nuur ayaa horey u sheegay in dacwado badan oo ku aadan musuqmaasuqaasi oo ay ku kaceen mas’uuliyiin kala gedisani uu u gudbiyay Madaxdweynaha, Ra’isal wasaaraha iyo Gudoonka Baarlamaanka, hase yeeshee an daba gal lagu sameyn, dac waddihii uu gudbiyay.

Dowladda cusub ee Soomaaliya, ee ay horseedka ka yihiin Madaxweyne Farmaajo iyo R/W Kheyre, ayaa ilaa hadda ku koobay la dagaalanka musuqmaasuqa af ka hadal, aanu la jirin wax ficil ahi.

War saxafadeedka xilka laga qaaday Hanti Dhowrka Guud ayaa  u qornaa sidan:

____________

Muqdisho, 4 May 2017 – Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa caawa yeeshay kulan deg-deg ah oo uu shir-guddoominayey Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre. Arrimaha kulanka looga hadlay ayaa waxaa ka mid ahaa Geeridii Wasiirkii Howlaha Guud iyo arrimaha Amniga dalka.

Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre iyo xubnaha golaha wasiirada ayaa ugu horreyn ka tacsiyadeeyey geeridii naxdinta laheyd ee ku timid Marxuum Cabaas Siraaji oo ahaa wasiirka Howlaha Guud & Dib-u-Dhiska oo xalay ku geeriyooday Muqdisho. Golahu waxey qireen in marxuum Cabaas Siraaji uu ahaa iftiin soo baxaya, lahaana hiraal iyo aragti dheer oo mustaqbal fiican leh. Cabaas waxuu ahaa shaqsiga ugu da’da yar ee xubnaha golaha wasiirada, waxuuna tusaale fiican u ahaa dhalinyarada Soomaaliyeed.

Golahu waxey warbixin ku saabsan falkii dilka iyo baarista socota ka dhageysteen Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed iyo Xeer Illaaliyaha Guud, waxeyna sheegeen in baaristu socoto, isla markaasna 3 qof ay u xiranyihiin falkaas. Waxeyna golaha ka codsadeen in gacan laga siiyo baaristooda.

Ka dib Golaha wasiiradu markii ay dhageysteen warbixintii falkii dilka ahaa ee loo geystay Marxuum Cabaas Siraaji, wasiirkii Howlaha Guud, iyagoo gudanaya waajibaadkooda dastuuriga ah ballan qaadayna in wax allaale iyo waxii suurtogelinaya in baarista la soo dhameystiro ayaa waxey go’aansadeen oo si wadar-oggol ah ugu coddeeyeen in xilkii laga qaado Hanti Dhowraha Guud ee Qaranka, iyadoo xilka uu si ku-meel gaar ah u sii heynayo Kuxigeenka Hanti-Dhowrka Guud.

Golaha wasiiradu waxey warbixin dheer ka dhageysteen Taliyeyaasha Xooga Dalka Soomaaliyeed iyo Nabad-Sugidda ee ku aadan sidii amniga dalka oo dhan loo sugi lahaa. Warbixintaas ka dib, golaha waxey ka doodeen tallooyinka ay soo jeediyeen taliyeyaasha, waxeyna go’aamiyeen in golaha wasiirada la hor-keeno qorshe dhameystiran ee lagu sugayo amniga kasoo bilow u ah geedi socodka nabadeynta dalka.

Ugu danbeyn, Golaha ayaa tacsi u diray Ehelladii iyo asxaabtii uu ka baxay allaha u naxariistee Marxuum Dr. Maxamuud Jaamac Sifir, oo horey u soo noqday Ra’iisul Wasaare ku-xigeen kuna geeriyooday dalka Mareykanka. Wuxuuna Goluhu ALLAH uga baryey marxuumka in jannadiisa Firdowso uu ka waraabiyo.

DHAMMAAD

Waaxda Warbaahinta iyo Xiriirka
Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha
media.opm@gmail.com
Twitter: @SomaliPM

Leave a Reply

Your email address will not be published.