Muqdisho: Qoysas nolol-maalmeedka uu ku adkaa oo helay gaargaar raashin ah oo loogu geeyay xeryaha ay ku jiraan

Muqdisho: Qoysas nolol-maalmeedka uu ku adkaa oo helay gaargaar raashin ah oo loogu geeyay xeryaha ay ku jiraan

 by Jibril Osman

Kaydka Ergo

Maxamuud Yuusuf Xasan oo ah aabbaha siddeed carruur ah wuxuu ku faraxsan yahay in hadda qoyskiisa ay heleen raashin ay karsadaan  labo waqtiga oo kala ah xilliga afurka iyo hal waqti oo carruurtiisa dabka loo saaro.

Ninkaan wuxuu ka mid yahay 700 oo qoys oo ku nool degmada Dayniile ee gobolka Banaadir oo 15 bishan ururka SOCCO ka helay raashin gargaar ah oo loogu talagalay inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

Raadiyow Ergo ayuu u sheegay in la siiyay min 25 kiilo oo bariis, sonkor, bur iyo 4 liitar oo saliid ah isla markaana ka hor inta aan la siin ay ku adkeyd in hal waqti oo kaliya uu soo helo cunnada carruurta ayna caawin jireen dadka dariska la ah.

“Hadda nolasheena  wax badan ayaa iska badalay, markii hore way naga jabjabneyd waxaan ku sugneyn xaalad tacbaan ah. Noloshii ayaa nagu soo noqotay guddiga raashinkaan na siiyay waan u mahadcelinaynaa.”

Afar ka mid ah carruurtiisa oo da’doodu ka hooseyso 10 sano ayaa laga helay xaalad nafaqo darro ah bishii Febraayo ee sanadkaan, markii uu geeyay isbitaalka Benaadir, balse wuxuu u awoodi waayay in uu siiyo cunno nafaqaysan oo dhaqaatiirta ay kula taliyeen.

Maxamuud waxa uu sheegay in hal todobaad oo carruurtiisa ay heleen cunno in ay ka soo raynayso xaaladooda isla markaana uu ka baxay welwelkii ku aaddanaa halka uu wax uga keeni doono.

Maxamuud oo degan xerada Farawayne oo ku taalla degmada Dayniile wuxuu nolol-maalmeedka carruurtiisa ka heli jiray shaqo aan joogta ahayn oo uu ka qaban jiray xaafadaha ku yaalla degmada, taas oo ah wadidda gaari-gacannada kirada ah ee alaabaha dukaamada looga qaado.

Waxaa uu xusay in uu maalinkii ka heli  jiray lacag dhan 30 kun oo shilin Soomaali ah, markii uu baxo subaxdii ilaa habeenkii. Wuxuu sheegay in uu ka heli karay hal waqti cunno loo kariyo carruurtiisa.

Guri ka sameysan cooshad ayay kunool yihiin asaga iyo carruurtiisa. Wuxuu sheegay in tani tahay xaaladii ugu xumeyd ee soo marta, maadaama ay tahay markii ugu horreysay oo uu barakac noqday.

“Waxaan wax ka helnay hay’addaha iyo walaal muslimiinta ah. Waxaan rajeynayaa in aan shaqadeydii lacagteedii sii aruursado si aan hadhow ugu kabo wixii ka hela aan helo. markii uu raashinkan dhamaado.”

Ninkaan iyo qoyskiisa ayaa kasoo barakacay baadiyaha degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose bishii Diseember ee sanadkii 2022, markii abaaro halkaasi ka jira uu ku waayay  90 neef oo ari ah iyo 25 lo’ ah oo ay ku dhaqanayeen.

Qoysaska raashinka la siiyay ayaa isugu jira xoolo-dhaqato abaaraha ku xoolo beelay oo maalmo joogga xeryaha barakaca iyo dad horay u soo barakacay oo ay ku adkayd helista cunno ay karsadaan.

Xasan Guuleed Mayow  oo ah aabbaha saddex carruur ah oo rajo ah ayaa helay gargaarkaan cuntada ah xilli uu joogay xerada barakaca ee Dan-yar ee ku taalla Dayniile Muddo ku siman lix bilood.

Ninkaan waxaa u suurtagashay in uu carruurtiisa uu u helo cunno uu u kariyo labo waqti maalinkii iyo habeenkii xilli markii hore dulsaar  ku ahaa qoys kale oo barakac ah, waxaa la siiyay 20 kiilo oo bariis ah, 20 kiilo oo bur ah, 20 kiilo oo sonkor ah, iyo 3 liitar oo saliid ah.

Ninkaan ayaa ka shaqeyn jiray jabinta dhagaxa, balse muddo bil ah waxaa uu sheegay in shaqaddaasi istaagtay sababo la xariira in bisha soonka oo aan badanaa guryaha la dhisin.

Xasan ayaa sheegay in magaalada inta badan ay xir xiran tahay bisha soon oo uusan heleyn cid uu shaqo u qabto isla markaana hadda ka baxay welwelkii ka heystay halka uu ka heli doono nolol maalmeedka carruurtiisa.

Waxaa uu shaqada dhagax jabinta oo aan joogto aheyn ka heli jiray markii ay soo baxdo lacag dhan $3.

Waxaa uu sheegay in hadda saddex waqti carruurtiisa dabka loo shido sidoo kalena inta carruurtiisa ay cunnadaan heystaan uu bilaabay in uu shaqo kale raadiyo.

“Waqti wadooyinka ay xiran yihiin shaqooyinkiina ay istaageen oo anaga iyo carruurteena baahannahay ayuu ku soo aaday gargaarkaan iyadoo sidoo kale la galay bishii Ramadaan.”

Xasan ayaa sidoo kale la dhibaatoonaya murugo uu ka qaaday xaaskiisii oo afartan maalmood ka hor u geeriyooday dhiig la,aan, markii uu awoodi waayay in uu isbitaal geeyo.

Ninkaan iyo carruurtiisa oo midka ugu weyn jiro saddex sano  ayaa dhammaadkii bishii November soo gaaray xerada barakaca ee Dan-yar, markii uu ka soo barakacay gobolka Shabeellaha Dhexe gaar ahaan duleedka degmada Balcad oo abaar halkaasi ku dhufatay uu ku waayay 89 ari ah.

Ku dhawaad shan kun oo qoys oo ka soo jeeda qoysaska danyarta ah iyo kuwa soo barakacay ee ku nool degmooyinka gobolka Banaadir ayaa helay deeq raashiin ah oo loogu talogalay in ay uga baxaan bisha Soonqaad.

Caseyr Xasan Maxamed Gudoomiyaha hay,adda SOCCO ayaa sheegay in u jeedada laga leeyahay gargaarkaan ay tahay sidii loo caawin lahaa dadkaan inta lagu guda jiro bisha Ramadaan.

“Waxaan gaarsiinay gargaar raashin ah oo ay ku afuri karaan kuna casheyn karaan kuna suxuuran karaan. Waxaa hadda la siiyay waxaa lagu jaangooyay bisha soon.”

Guddoomiye Xasan ayaa Radio Ergo u sheegay in tira koob ay ka sameeyeen 38 xero ku yaala magaalada Muqdisho ay ku oggaadeen in ay nafaqa-darro ugu geeriyoodeen 66 qof, kuwaas oo 26 ka mid ah ay carruur yihiin.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.