Thursday, April 25, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Muqdisho: Qoysas barakac ah oo hoy la’aan ku wajahaya xeryaha degmada Dayniile markii guryahoodii uu dab ka gubay

(ERGO)  Qoyska Maryan Maxamed Cali waxay ka mid yihiin 244 qoys oo dibad yaal ku ah bannaanka xeryo ku yaalla degmada Dayniile ee gobolka Banaadir. Guri jiingad ah iyo agabkii yaallay ayay ku waysay dab ka kacay xerada Saacid 18 bishii Febraayo.

Habeenkii waxay ku seexdaan meel banaan oo xerada gudaheeda ah. Kartoomo iyo baco ay ka soo aruuriyeen xaafaddaha magaalada ayay gogol ka dhigtaan maalinkiina waxa ay hargalaan geedaha ku yaalla bannaanka xerada.

Maryan Maxamed oo ka mid ah dadka uu dabka guryahooda ka gubay/Rijaal Cabdi/Ergo

Maryan ayaa sheegtay in horay ay u wajahaayeen dhibaatooyin ay ka mid yihiin biyo yari iyo cunno xumo, balse hadda ay u raacday faro marnaan dhanka hoyga ah.

“Markii hore waxaan aheyn dad heysta meel ay ka galaan roobka iyo dhaxanta inkastoo anan heysan wax aan cunno. Xanuun ayaan dareennay sababtoo ah hadda meel aan galno ayaan weysanahay,”

Maryan oo ah hooyada lix carruur ah oo agoon ah ayaa sheegtay in labo mar ay dabka u saari jirtay waxii ay ka soo hesho dhar-dhaqis ay magaalada u aadi jirtay.

Gubashada gurigeeda ayaa saamayn ku yeeshay shaqadeedii maalinlaha ahayd, maadaama carruurteeda ay ku ilaaliso meel bannaan.

Waxa ay halmar siisaa raashin bisil oo ay ka soo dawarsato dariskeeda oo dhaqaale ahaan dhaama.

Gurigeeda ayaa dabku qabsaday xilli ay ku maqneyd shaqo, taasi oo sababtay in dhammaan wixii dhex yaallay ay gubtaan sida maacuuntii iyo dharkii Carruurteeda oo muddo dheer ay soo iibinaysay.

Carruurteeda waxaa soo badbaadiyay dadkii ku noolaa xerada, markii uu dabka ku billowday.

“Gurigan waa u jeeddaa siduu u gubtay hal xabo xitaa igama badbaadin. Awlaaddii yaa Illaahay iiga badbaadiyay banaankaan aan fadhiyo ayaa iga sal ah,”

Dabka waxyeelada u geystay guriga haweeynadaan iyo carruurteeda waxaa sababay hal dhinbil oo ka soo faniintay meel bannaan ah oo cunto lagu karinayay ka dibna qabsatay guri buush ah oo ku dheganaa gurigeeda.

Maryan oo deggan xerada barakaca ee Saacid tan iyo 2019 ayaa ku dhistay guriga ka gubtay lacag ay ka aruurisay shaqada dhar dhaqidda oo ay si maalinle ah uga shaqeyn jirtay iyo lacag ay dad ku sadaqeeysteen oo ahayd $300.

Waxay waddaa dadaallo ay ku doonayso in ugu yaraan ay ku dhisato guri buush ah, balse waxay ka cabsi qabtaa dabka joogtada ah ee ka kaca xeryaha barakaca inuu mar kale saameeyo.

Seyga Maryan ayaa labo bil ka hor u geeriyooday xanuun ku soo booday. Waxay sanadkii 2018 ka soo barakacday deegaanka Yaaqbariweyne ee gobolka Shabeellaha Hoose, markii ay saameeyeen dagaal beeleedyo sababay in ay tabcan wayso beer 4 hiktar ah oo ay ku leedahay deegaankaas.

Faadumo Maxamed Nuunow oo deggan xerada Daryeel ee degmada Dayniile ayaa dabkii ugu dambeeyay ee ka kacay xerada ay ku nooshahay bishii February ee sanadkaan wuxuu waxyeelo u geystay mid ka mid ah carruurteeda oo lix sano jir ah, kaas oo dhaawac fudud uu ka soo gaaray lugta bidix.

Haweenaydaan ayaa wali latacaaleysaa dhayidda wiilkeeda oo daaweyn  bilaash ah ka helay isbitaalka hooyada iyo dhalaanka ee Benaadir.

Dabka ayay sidoo kale ay ku weysay guri ka sameysanaa teendho sida gurigii loo dhisay oo ay ka bixisay $150, maacuuntii iyo dharkii dhex yaallay.

Qoyska Faadumo hadda hal waqti oo kaliya ayay wax karsadaan halka markii hore ee hoyga ay haysteen ay awoodeen laba jeer in ay wax karsadaan.

Sababta keentay arrintaas ayay ku sheegtay Faadumo caruurteeda oo habeenkii dhaxan darteed jiifan waaya oo ay ku dhafarto. Shaqadeeda oo dhar dhaqis ahayd ayaa meesha ka baxday. Waxay ka helaysay maalinkii $4.

“Markii u guriga gubanayay magaalada ayaan qaraab ugu baxay. Waxaan soo laabtay iyadoo dadkii oo dhan banaanka jooggaan oo carruurtii guri la’aan ay yihiin,”

Faadumo waa hooyada 4 carruur ah oo kan u yar uu jiro 4 sano. Kaligeed ayaa korsata carruurta, markii Alshabaab ay dileen aabbahood oo ka biyo diiday in uu qab ka nodo dagaalka ay ciidamada dowlada kula jiraan.

Sanadkii 2020 ayay soo degtay Muqdisho, kadib markii ay ka soo barakacday duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Axmed Muuse oo ka mid ah horjoogayaasha xeryaha dadka soo barakacay ee degmada Dayniile ayaa tilmaamay in hadda ay ka welwelsan yihiin kuwa dhisan ee cooshadaha ah, maadaama dabka ka kaca xeryaha uu noqday mid joogto ah oo soo laab laabtay.

Wuxuu u sababeeyay dabeyl xooggan oo ka dhacaysa Muqdisho, taasi oo sidoo kale saameyn ku yeelatay ilaa lix xero barakac.

“Dadkaan noloshooda waa mid aad u liidato. Xilligii ay guryaha heysteen waxay ahaayeen dad meel hoy ah ku jira, markii guryihii ka gubteen xaaladoodii waxaa kusoo biirtay in ay hoy la,aan noqdaan, ”

 Qoysaska deggan xeryahaan ku yaala degmada Dayniile waxay dabka u arkaan culeys kale oo ku soo kordhay noloshooda iyaga oo markii hore ku dhibbanaa helista saddexda waqti raashin ay quutaan.

Xigashi: ERGO


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.