Monday, April 29, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Muqdisho: Dhallinyaro fursado shaqo ka helay xarun ganacsi oo maareeyay noloshooda

(ERGO) – Cabduqaadir Cabdiraxmaan Maxamed wuxuu ku faraxsanyahay inuu awood u yeeshay in qoyskiisa ay qummaati u helaan saddexda waqti cunnadeeda kaddib muddo dheer uu wajahayay xaalad adeg oo dhinaca nolosha ah.

Dhallinyaro ka shaqeeya Maqaayadda cusub ee laga furay Muqdisho/Maxamed Khadar Cabdi/Ergo

Ninkaan oo 28 jir wuxuu sheegay in arrintaan ay u suuragalisay markii 19 bishii September sannadkii 2022 uu ka hirgaliyay Muqdisho xarun lagu sameeyo cunnooyinka fudud iyo cabitaannada.

Ka sokow inuu ku filnaaday maareynta nolosha qoyskiisa, waxaa intaas u sii dheer inuu ka maarmay ku sii noolaanshiyaha hal qol oo jiingad ah oo ay leedahay eedadiis oo ay dul saar ku ahaayeen muddo sannad iyo lix bilood. Qoyskiisa hadda waxay muddo labo bil ah deggan yihiin guri ka kooban saddex qol oo kiro ah oo bishii ka bixiyo $100.

Wuxuu tilmaamay in maalintii uu ka helo ganacsigiisa lacag u dhaxeysa 50 ilaa 60 doollar oo faa’iido ah. “Koow waan isku filanahay raashiinkeyga iyo biilkeyga. Xattaa waxkasto loo baahdo sida Kirada, quraac, qado. Maa’shaa’Allah.”  Hirgalinta ganacsigaan oo soo martay heerar kala duwan ayuu xusay inuu ku bilaabay lacag 90 dollar oo uu ku iibiyay taleefan ay walaashiis oo ku sugan dalka Sucuudiga ay hadiyad ahaan ugu soo dhiibtay.

Lacagta oo ku yareyd xilligaas wuxuu gaari gacan ku wareejin jiray Jibsi oo ah baradho la shiilay taas oo u suuraglisay inuu meel ka dhigto 600 oo dollar oo ugu dambeyn u sahahay ganacsigaan furitaankiisa.

Cabduqaadir in ganacsigiisa uu ka caawiyay dhalinyaro kale inay noloshooda ka masruufaan waxay u tahay tusaale wanaagsan iyo hal-abuur hirgalay. Isbeddelka nolosha ee uu ku naaloonayo ninkaan maanta wuxuu aamisan yahay inay ahayd riyo dheer oo uu ka dhabeeyay gaaristeeda.

“Waxaa jirtay kow iyo toban saac inaa soo kaco oo labaatan iyo shan kiilo oo baradho ah aan madaxeyga ku soo qaadi jiray.” Cunnooyinka iyo cabitaannada ay iibiyaan oo ah kuwo laga isticmaalo waddamada Carabta ayuu Cabduqaadir farsamadooda uu ku soo bartay dalka Sacuudiga oo uu ku dhashay kuna soo barbaaray.

Waxaa markii hore wax ka iibsan jiray dad yar oo ka yimid wadamadaas, balse hadda wuxuu kasbaday macaamiil badan oo caasimadda joogo oo la dhacsan dhadhanka iyo tayada waxa uu sameeyo.

Cabduqaadir oo muddo 10 sanno ah xirfaddan uga shaqeysanaayay Sacuudiga ayaa Soomaaliya yimid sannadkii 2021, markii uu awoodi waayay lacagta warqadda degannaashaha dalkaasi oo aheyd saddex kun oo dollar sannadkii.

Ninkan ayaa imaashihiisa dalka kaddib ku hungoobay damaciisii ahaa inuu xirfadiisa shaqo ku heli doono. Lix bilood ayuu marar badan isku dayay inuu helo shaqo. Balse,dedaalladiisu uma hirgalin siduu u qorsheeyay. Wuxuu ku dhiiraday inuu sameysto ganacsigiisa guuleystay.

Cabduqaadir oo ah milkiilaha maqaayaddaan ayaa ku rajo weyn inuu sii horumariyo ganacsigiisa uuna ku baahiyo degmooyinka caasimadda oo dhan sida uu Raadiyow Ergo u sheegay.

Kobaca dhaqaale ee xaruntiisa ayaa Cabduqaadir u sahashay inuu shaqaaleysiiyo afar dhallinyaro ah, kuwaas oo qaabilsan dhinacyo kala duwan. Waxay kala qabtaan sameynta cuntada, cabitaananda, geynta dalabaadka iyo lacag qabashada. Cabduqaadir ayaa xusay in maalinba sida ay u shaqeeyaan ay ku xiran tahay wax soo saarka xarunta.

Nada Ducaale Cabdi oo ah gabadha kaliya ee ka shaqeysa maqaayaddaan waxay sheegtay lacagta ay ku shaqeyso oo ah $300 inay ka caawisay in qoyskeeda iyo iyadaba ay wax badan ka tartay dhanka nolosha. Nada oo 22 jir ah, shaqada xarunta waxay u noqotay il dhaqaalle oo wax ka beddeshay xaaladdii ay ku sugnaayeen.

Gabdhaan waxay xustay inay dhaqaallaha ka soo gala shaqadeeda ay u fuddeysay in xubnaha qoyskeeda ku garab istaagto wixii markaas ay u baahan yihiin. Waxay tilmaantay in qoyska ay u tahay qof muhiim ah oo ka qeyb qaata biilka iyo daryeelka caafimaad ee waalidiinteeda.

Markii ay shaqo la’aanta aheyd ayay wajihi jirtay caqabado dhaqaale, taasi oo ay ku qasbaneyd inay guriga uun isaga dhex jirto sida ay sheegtay, balse wey ku adkaatay inay xaaladdaas ku sii sugnaato waxayna heshay shaqadan.

Labada duhurnimo ayay timaadaa shaqadan waxayna ka baxdaa lix saac habeenimo. Waxay qaabilsan tahay lacag qaadidda iyo in mararka ay macaamiishoodu badan tahay ay sameyso cunnooyinka fudud.

“Wax aan ku faraxsanahay oo ani hami igilinaayo subax kasta inaa usoo kaco. Usoo shaqo galo horta waa helaa, aniga waxaan ku fiicanahay u adeegidda macaamiisha.”  Waxay xustay inay jeceshahay sii joogteynta shaqada si ay mar walba nolosha qoyskeeda wax ugu biiriso.

Nada, labo wiil oo la dhashay iyo aabaheed ayaa dalka Sacuudiga ka soo laabtay 2017. Markaas oo wixii ka dambeeyay ay isku dayday inay buuxiso booska hooyadeed oo qoxooti ahaan u joogta dalka Jarmalka.

Maxamed Yuusf Suleymaan oo 29 jir ah wuxuu u arkaa go’aan wanaagsan ka shaqeynta maqaayaddaan, maadaama ay shaqadan ka caawisay inuu ku filnaado masruufka reerkiisa.

Wuxuu xusay in shaqadaan helitaankeeda ay meesha ka saartay welwel ka heystay sidii uu qoyskiisa u maareyn lahaa noloshooda, xili ay horay ugu adkeyd xal u helista duruuftaas.

“Hadda meeshii ugu fiicneyd ayaan hadda taaganhay, biilkeyga, kiradeyda, nolol maalmeedkeyga, meel ayay iga kortay. Aad iyo aad ayaan ugu qanacsanahay shaqadeyda.”

Wuxuu xusay in mar walba uu isku dayo inuu ku dedaalo sidii uu u hormarin lahaa nolosha qoyskiisa. Culeyskaas jira darted ayuu ku qasbanaaday inuu ku dhiirado shaqooyinka iyo raadintooda.

Maxamed wuxuu aamisan yahay in noloshu ay sii adkaaneyso marka aad qoys leedahay haddana aaden awood u lahayn bixinta waxyaabaha loo baahanyahay. Maxamed waxaa uu dalka dib ugu soo laabtay sannadkii 2018 isaga oo ka yimid Sucuudiga. Balse xaaskiisa iyo isaga waxay ku nool yihiin Muqdisho.

Inkata oo Muqdisho iyo meelo kale oo dalka ka mid ah ay ka jiraan shaqooyin ay dhallinyada ka qaban karaan, haddana fursadaha lagu heli karo ayaa ah kuwa kooban oo ay ku adkaato intooda badan helistooda.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.