Dalka Biritayn oo ah waddanka ay Soomaalida ugu badani ku nooshahay ee Yurub, ayaa maalinta Talaadada ee 24ka bishan Juun uu ka dhaqan galayaa sharci lagu xaaraantimaynayo in jaadka la soo geliyo, laga ganacsado amaba lagu cuno.
Jaadka ama Qaadka, ayaa waxa uu ka mid noqonayaa maandooriyayaasha heerka C (class c drugs) iyadoo qofkii lagu qabtaana uu mudan doono ganaax ilaa 60 Gini ah, halka qofkii ka ganacsanayana lagu ciqaabi doono xabsi ilaa 14 sano ah iyo ganaax aan xadidnayn ama labadaba.
Cunista geedka jaadka oo ah wax Soomaalidu meelkasta oo ay joogto lagu ibtileeyay, ayaa waddanka Biritayn waxa uu noqonayaa dalkii ugu dambeeyay ee Yurub ee tallaabadan xaaraantimaynta qaadka ku dhaqaaqa.
Inkastoo uu jiray olole qaad diid ah oo ay waddeen shakhsiyaad Soomaaliyeed oo aan badnayn oo dadaal ugu jiray sidii geedkan looga joojin lahaa dalka Biritayn haddana waxaan shaki lahayn in dawladda Biritayn ay go’aankan u qaadatay caddaadis kaga yimid waddamada kale ee Yurub ee jaadka hore looga xaaraantimeeyay oo si qarsoodiya qaadku uga soo geli jiray dhanka Biritayn.
Haweenayda Wasiirka ka ah xafiiska arrimaha gudaha ee U.K. Theresa May, ayaa iyadu dhagaha ka furaysatay talo ay u soo jeediyeen khubaro dhinaca maandooriyayaasha kala taliya wasaarraddeeda. Taas oo ahayd in aanay jirin wax caddayn waafi ah ah oo loo hayo in jaadku dhibaato u keeno dadka Isticmaala iyagoo sidaa darteed soo jeediyay in aan la joojin qaadka.
Sidoo kale dadaal ay iyana beeralayda Jaadka ee waddanka Kenya u galeen si ay uga hortagaan in jaadka laga joojin Biritayn ayaanay ku guulaysan.
Haddaba iyadoo ay hadda wax ka yar 48 saacadood innaga xigto xilliga joojinta qaadka, ayaa arrintani waxay noqotay hadalhaynta ugu badan maalmahan goobaha ay Soomaalidu ku kulanto.
Soomaalida dalkan Biritayn ayaad moodaa in ay aad ugu kala aragti duwanyihihiin saamaynta ay joojinta qaadku ku yeelan doonto Jaaliyad ahaan.
Jaadka oo si baahsan ay u isticmaalaan Soomaalida ku dhaqan waddankan Biritayn rag iyo dumarba, ayaa la sheegaa in uu sababay dhibaatooyin badan oo dhinaca qoyska ah.
Saamaynta dhinaca bulshada ee cunista jaadka, ayaa lagu sababeeyaa kala tegista qoysas badan iyo dayaca ku yimaada ubadka siiba marka ay hooyadu noqoto qaadqamax.
Dhibaatooyinka kale ee loo aaneeyo cunista jaadka, ayaa waxaa ka mid ah mashaqaystanimada iyo sidoo kale inuu sababo cudurro dhinaca dhimirka ah.
Dhanka kale dadka iyagu ka soo horjeeda joojinta qaadka oo u badan kuwa isticmaala ama ka ganacsada, ayaa aaminsan in qaadku uu yahay wax isku haya bulshada oo kulmiya islamarkaana ka horjoogsada isticmaalka waxyaabo badan sida khamriga iyo maandooriyayaasha halista ah.
Nin ka mid ah dad jaadka cuna oo aan wax ka weydiiyay arrinta joojinta qaadka, ayaa iigu jawaabay, “ waar waxba joojin maayaane way nagu qaaliyaynayaan uun”.
Si kastaba ha ahaatee muqayiliinta Biritayn ayaa hadda ku jira maalimihii ugu dambeeyay ee ay si shiddo iyo cabsi la’aan ah u mirqaamaan iyagoo warwar ka muujinaya waxa ay la kulmi doonaan marka uu hirgalo sharciga joojinta qaadku.
Wax ay gadaal ka noqotaba, guud ahaan jaaliyadda Soomaaliyeed ee UK, ayay intooda badani xilligan soo dhaweeyeen tallaabadan looga joojinayo qaadka waddankan Biritayn.
Khaliil Cabdiraxmaan xasan
WardheerNews, London, U.K.
Leave a Reply