Munaasabadda xilwareejinta madaxweynaha oo guddi loo saarey

MUqdisho, Madaxweynaha xilka kasii dagaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa maanta kulan soo dhawayn ah kula qaatey aqalka looga arrimiyo dalka ee Villa Soomaaliya madaxweynaha cusub ee 15-kii bishan la doortey, Xasan Sheekh Maxamuud.

Labada masuul ayaa sida ila wareedyo tilmaamayaan ka wada hadlay sidii xilwareejinua ku dhici lahayd, waxaana la isla gartey in loo saaro guddi hawlahaas kasoo shaqeeya oo uu hoggaaminayo agaasimaha madaxtooyada Maxamed Cabdullahi Ciise.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa la filayaa in isbuuca soo socda uu xilka la wareego .

15-kii bishan ayey ahayd markii uu ku guuleystey Xasan Sheekh Maxamuud inuu noqdo madaxweynaha Soomaaliya 4-ta sano ee soo socota isagoo helay 214 cod halka musharixii la tartamayey oo ahaa madaxweynaha iminka talada wareejinaya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu helay 110 cod.

Maxamed Cumar Aden

Wardheernews, Muqdisho

Leave a Reply

Your email address will not be published.