Saturday, January 29, 2022
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

MULLAAXDA SUUGAANTA: HEESTA BAAQ

Diyaariye: Macalin Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)

War la helyaaba talo la hel; oo ninba dooxada wax ku soo dadab.  Labeenbta iyo miidda hadalku waa godlashada hal-abuurka iyo burqashada suugaan ruugga. Fahamka , dhuuxidda, falanqaynta iyo faaqidaadda gunta gabayga , seeska masafada , xuddunta  geeraarka, madiixa giishka , dananka heesaha iyo jaadadka  kale ee tixda ayaa laga helaa kobcin aqoomeed iyo itaal garasho.

Ku il-doogso farshaxanka suugaanta, murtida ku dhaadan, dhaxalka ku dheehan, hanitada dhex maaxaysa , baadi-soocda kuugu sugan, isir-raaca iyo haybtaada kuugu  keydsan, darka aqoonta iyo kadimada garashada  oo loo dhowaado ayaa leh gudasho, kasis iyo kasmo waarta.

Tirsigan, waxa aan ku soo qaadanayaa heestii “BAAQ” waxana  lagama-maarmaan ah in uu ogaado qofkasta oo Soomaali ah qaymiga iyo cuddoonaanta suugaanta Abwaan Hadraawi ayna ka mid heesta baaq.

Sidaa owgeed, waxa loo baahan yahay in wax badan laga ogaado qiimaha  hadalka iyo farshaxanka faneed, waddaniyadda iyo kadimadeeda aaran, cimilada iyo ilwaadkeeda ilo-xidhan , khayraadka iyo dihnaantiisa, baaxadda iyo bedka dhulka, waxbarashada iyo giraamaheeda kala heerka ah, danaha qaranka iyo  mudnaanta amniga, milgaha shaqada iyo tabcashada, waajibaadka iyo oofinta muwaadinka, xuquuqda iyo horumar guud  ee dalka laga rabo in la gaarsiiyo.

Abwaan Hadraawi

Bal aan soo qaadano  heesta [ BAAQ ]  ee  uu curiyey Macalin,  Abwaan , Maxamed  Ibraahim Warsame  oo loo garan ogyahay [HADRAAWI] oo ka mid ah suugaantiisa guunka ah. Marna ka mid ah  maansadiisa  qotada dheer oo sinaba aan looga gayoonkarin. Abwaan Hadraawi waa bare nololeed, faylasoof mudh-baxay iyo gabayaa gaammurey.

Heestan, waxa ku jira Eray-muceedyo gun dheer, sargoyn farshaxan, foolaadnimo  tisqaadday. Abwaanku waxa uu ka mid yahay maqaawiirta iyo qammaammuurta saamaynta togan ku leh mareegta suugaanta iyo giraanta nolosha aadanaha iyo geeddi-socodka lagu hiigsanayo neecowda, naqa lagu ladhay nurada iyo sanada sabad joogga le.

Qaybta koowaad waxa uu ku soo gudbinayaa  in qofku; iimaansado dhulkiisa hooyo, ku dhaqdo, ku dheefsado, ka dhergo, ku dhaato iyo inuu dhudhun iyo tagoog ba u huro ilaalinta geyigiisa. Marna waxa uu  kuu tirinayaa  goobaha dalxiiska, dhul-beereedka dihin , bilicda iyo quruxda deegaaan sida: Baydhabo, Qoryooley, Boosaaso, Wajaale iyo Baardheere iwm. Taasina waa baadi-soocdeenna .

Intaas, waxa kuu dheer  oo aad ka helaysaa Heesta [ BAAQ]  quruxda hiddaha iyo dhaqanka bilan, sooyaalka iyo taariikhda galalkeeda kala jaadka ah. Kama marna inuu soo bandhigo  muuqaalka, qalfoofka iyo qaab-dhismeedka dalkeenna hooyo.sida:- goobaha lagu damaashaado, daaqsiinta  a saanyado iyo dhirta mucjisaadka badan ee ka baxda dalkeenna sida:- bilcilka, maraaga iyo xijiga oo laga helo xabag, foox, beeyo iyo  faleen loo dhoofiyo dalka dibaddiisa.

Kama tegin abwaanku dalagyada kala duwan ee laga helo waddanka sida; Haruurka, Masagada, badarka, muuska, babayga iyo canbaha. Intaas waxa barbar socda ciyaaraha dhaqanka oo aan ka soo qaadan karno Jaandheerta, shurbada, Shiribka, Hana-haybsanta, Haya-hayada dumarka iyo dhammaan wixii la halmaala.Taasina waa baadi-soocdeenna .

Qalabka iyo farsamada Soomaalida ayuu  tibaaxayaa abwaanku mar kale oo weliba;kuu muujinayaa anuugga iyo maraxiisa ba. Sida ; waranka , gamaska, billaawaha, barshinka, dafooleyda iyo bayluulida. Abwaanku kama ilduufin  inuu daaha ka rogo ilaalinta  caadaadka iyo hidde-dhaxaleedka Soomaaliyeed.

Guurka iyo geyaanka hablaha Soomaaliyeed ayuu ku xardhay suugaantiisa, isagoo tilmaamay bilicda iyo qoornimada sumadda u ah  dumarkeenna, haa; dhaqan-guurka iyo ka guursiga shisheeyaha qaafilka  ah ayuu duray oo weliba  dhaleecayn huwiyey, ugana gacan-haatshey barbaarta geed-ka-boodka ah iyo kuwa ku mirooday dhaqamada qalaad. Taasina waa baadi-soocdeenna.

Haddaba abwaan Hadraawi waxa uu yidhi:

Adigoon cirka u bixin
Ama boodin leexada
Ama badaha waaweyn
Nafta aan ku biimayn
Baariis adoon tegin
Ama Boon ka sheekayn
Barashada dalkaagaa
Horta laga bogtaayoo
Beryo laysku hawlaa

Dhulku baaxad sooriyo
Banan miidhan weeyaan
Ama waa bus iyo oon
Ninka buug ku haystow
Beentaada weeyaan

Balcad Jawhar Shalanbood
Barakada Qoryooley
Waxa canab bislaadee
Baydhabi u gaar tahay
Boosaaso iyo Beer
Bixin-Duule Laaleys
Biyo Guure Kalabaydh
Beeraha Wajaalee
Lagu reebay baahida
Baardheere iyo Jilib
Waa boqol kun oo mayl
Dhulka lagu badhaadhee
Beeyadu ku taallee
Badar lagu abuuree
Lagu ridey bariiskee
Balka lagu tallaalee
Muuskiyo babaygii
Barkadeen xareeddoo
Waxa taa ka sii badan
Dhulka bari samaadkee
Beeshaannu daaqdee
Barta aynu dhaqannaa
Barqo dhereg ka joogtee
Iyadoo barwaaqo ah
Balliyada xareeddii
Ku bariisanaysoo
Bidix midig dhan loo dayo
Barigiyo galbeedkaba
Waaberi cadceedii
Soo saartey baallaha
Bilcilkiyo maraagii
Shinbiruhu bulxamayaan
Indhihii basaasow
Boorame ma aragteen?

Ma ogtahay barbaareey
Heesaha Barawn tumo
Adigaan bogga u lulin
Beerrey Kabeebey
Bismillaahi Saylici
Hana-haybsantii bari
Batar iyo Wareegtaa
Kuu baadi soocee.

Ma ogtahay barbaarreey
Qalabkana bud dhumucliyo
Waran iyo billaawaa
Kuu baadi soocee

Ma ogtahay barbaarreey
Barshin iyo darfooley
Bayluuli xaradhlaa
Kuu baadi soocee

Ma ogtahay barbaarreey
Waxa loo buseelaa
Ama qurux ku caan baxay
Ama laysku baantaa
Ama lagu bogsoodaa
Kal bugtaa ku faydaa
Kugu deeqa baashaal
Guri bila ku magac dheer
Hablaheenna bilicdiyo
Biligiyo il-waadka leh

Bilcantii shisheeya ah
Ninka beegsanaayow
Waxaan kaaga baqayaa
Inaad baadi noqotee
Cidla baylah keligaa
Yaanu bahalku kaa helin

Isu buri geyaankaa
Barta gogoshu kuu taal
Bahda lagama maarmaan
Bud-dhiggaaga koowaad
Baaqaygu waa kaas.

Diyaariye: Macalin Maxamuud Cali Aadan (Hoorri)

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2022 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.