Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Muhimadda Murashaxnimada Madaxweyne

W.Q. Ibrahim M Deeq

Soomaaliya, mar bay gaadhey heer ka habboon hab-maamulkii miyiga ee xeerka iyo dhaqanku gun-dhigga u ahaayeen. Maamul casri ah oo arrimaha nolosha nidaam dawli ah waafajiyey oo amni iyo kala dambayn la taaban karo soo dabbaalay baa dalka intii loo itaal hayey ka tisqaaday. 

Taasise ma noqon mid salaaftii wareersanayd ee tunkayga-ku-daaq iyo hortaa-bannaan xal u heshay ee durba biyihii iyo baadkii ay nolosha dadku ku xidhnayd ee lagu dagaalami jirey, waxaa bedeshey dawladnimadii oo ciddii mar wax ku yeelataa wax is taawisay; kuwii ka qadayna is liideen.

Talona waxay ku soo ururtay, kii mar taabay oo macaankeeda ka fuqi waayey iyo kuwa aan ku jirin oo sida geeloodii oo laga haysto inay dhacsadaan buntukha u cabbaysta. Dawladnimadaas sidii baadka iyo biyaha loogu dagaalmay waxaa ka dhashay burburkii caanka ahaa ee 1991kii iyo ka horba jirey ee geyiga Soomaaliyeed oo dhan dabkiisu ka hulaaqay.

Soo deg, dawlado badan baa dhismahooda la isku deyey, wax khasaaray iyo qaar wuxuun raad ah dadka u reebayba waa isugu jireen. Laakin haddii aynaan salaaftii sida cadceeddeena u kululayd iskaga indho tirayn, hadda dalku meel wanaagsan oo ka soo raynaysa buu hitiqsanyaa.

Salaaftu waa maxay? Waa xanuun caadidafadeed maskaxda qalafsan ku gaamura oo maxaan aniga iyo reerkayagu helaynaa ama qofkaasi wax buu qabtay, waase reer hebel iyo waa wareey, war ragga iska dhacsha ku dhisan oo talo guud oo qaran ka mudhuxsan. 

Waa humaag beenaad kuwa aan xil-kaska ahayn isu tusta inay ku gaalooftamaan u xusul duubista hawl aanay waajibkeeda culus ka soo dhalaali karin. Waa hiyiraacnimo runta ka qalalan oo doodaha iyo aragtiyaha danaha guud ku siman caydh ka ah, oo miisaan xalaal ah oo uu arrimaha taagan ku kala saaro aan hayn ee muran engegan iyo shaqsi nacayb qabyaaladaysan la soo yuuban.

Salaaftaasi dano badan oo qaranku leeyahay bay dhibaato ba’an ku haysaa. Waxaase marag ma doonto ah inay ii muuqato dad badan oo isugu jira kuwo qaranka xilal u haya iyo kuwo had iyo goor si geesinimo ku dheehan tahay daafaca danaha waddankooda isugu xilsaaray. Waa rejo wacan oo muujinaysa bogsasho iyo horusocodnimo ay durba, dadku neecawdeeda udgoon sanka la raacayaan.

Waa sidaase, baalkan Muhimadda Murashaxnimada Madaxweyne waa baalal waayo aragnimadu si kooban ugu eegayso sida hoggaanka dalka loogu meel deyayo ee qofaad tahayba isku day inaad dhuuxdo oo aadan dhaayaha ka daboolan. Yoolku waa hadda iyo hadhoow oo tixraac mooyee, wixii tegey tiigsimaad ma leh lagu taabbo gelinayo.

W.Q. Ibrahim M Deeq

Boston, Massachusetts 

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.