Wednesday, July 03, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Muhimadda Murashaxnimada Madaxweyne (Q.2aad)

W.Q. Ibrahim M Deeq

Baal kale soo rog, murashaxnimada xilka weyn ee madaxweynenimo ee iyadoon la gaadhin durba mudanayaashii wax dooran lahaa la isku maandhaafsan yahay, waa mid ku habboon in si’ kor-xaadis ah loo muujiyo waajibaadka uu qofka booskan jantay xambaarayo. 

Waa xil gudasho marnaba, geesinimo garasho dheer ku gaashaaman aan looga maarmin. Isla markaana, xirib iyo xeelad gobanimo-u-dhaqan ka muuqdo iyo debecsanaan tabaysan ku hano-qaadda oo aan gocor hore heeryadeeda u gogtay oo soo gabbood falay lagu gunayn karin.

Qofka madaxweynaha Soomaaliya loo doortaa waa astaanta midnimada qaranka oo macnaheedu yahay in meeshii uu maro iyo wixii uu mutoba uu metelo oo sharaftii qaranimada ummaddu la socoto oo weheliso.

Waa madaxa dawladda ay dadka geyiga iska leh, calankuna calaamaddooda yahay doorteen oo haybadooda huwanaan doona tan iyo inta mid la soo doortay xilka kala wareegayo.

Waa kulmiyaha isu haya ee ay ku arooraan saddexda awoodood ee laamaha dawladda oo kala ah: Sharci dejinta, fulinta iyo garsoorka. Waa masuul u taagan ilaalinta ama hubinta sharci kasta iyo hindise siyaasadeed kasta oo danaha iyo masiirka ummadda ku lug yeelanaya.

Waa masuul looga minan fadhiyo feejignaan dadnimo hadhaysay oo meel dheer ka tusta dhagar kasta iyo lugooyo walba oo geyigiisa si muuqata iyo si maldahanba loola maaganaan karo. Murashaxa loo meel deyayaa, waa madaxweynha xulaya raysal wasaaraha dhisaya golaha fulinta oo ah halka ugu muhiimsan ee qaran ka dhaqaaqo ama fadhiid ka noqdo. 

Qofka xilkan culus u xusul duubayaa wuxu u socdaa inuu noqdo odayga qaranka geed fadhiga u ah oo ahaanaya biyo ma daadshe hawl gudashadiisa dulqaad iyo deganaan u cuskada, oo laga filayo, inuu haybad xilkasnimo oo ku aabudhan xigmad Soomaaliyaysan la hashleeyo.

Murashaxiinta waajibkan culus calmaday waa kuwo xilka soo maray oo weli u jeelan iyo qaar hamuun hor leh xilkan kula soo haliilaya. Samaan iyo xumaan duulka soo maray buugtoodii waa tiirsan tahay oo dib baa loo jeedaalin karaa oo MOOL dad liq ah, ul baa la iskaga dayaa amase, hebel aan haaraamanee igaga heeryeeya, xitaa waa talo la yaqaan. Murashaxiinta cusub ee aan si buuxa loo aqoon waa ujeeddo badan oo kolka kuwa inay siyaasadda ku galaan isu taagey ama i arkaay … i maqlaay iyo anna waa i kan aan dhinac uga baydhno; shaki kuma jiro in xubno hawshan hanan karaa murashaxiinta siyaasadda ku cusub ku dhex qarsoon yihiin. Hoggaamiye suubban-na waa laga dhex heli karaa oo doodaa lala geli karaa, meelahay ka yimaadeen iyo waxay qaban jireen baa dib loo dhugan karaa. Nuxurka hadalku wuxu yahay “xaqiiq haddii la gaadhi waayo waa loo dhowaan karaa”

Jir oo jooge akhriyaayoow, waajibkan la isku wada huruufey ee dadka badani u kabo illadeen hadda waa sino dhuuban yahay, hadhoowna waa sal balaadhan yahay. Baalashan koobanna faafaahintiisu waa ka qaro weyn tahay ee haddii marka geel loo heeso aynaan rabin in aynu gorayo hees ugu luuqayno, aynu ugu horayn salaafta heer kulka shaqsi nacaybka iyo qof jacleysiga la karaysa si buuxda baahideena guud ee qaranka ugu weecino, oo murasharaxa xilkaas ku habboonaan kara qiimayn sax ah saaro oo hebel la yaqaan iyo lama yaqaan aan hore loo tijaabin kuu doono ha noqdee aan murashax ku habboon inuu halka aan hadda maryno hore inooga dhaqaajiyo doorano.


W. Q. Ibrahim M DeeqBoston, Massachusetts

Email: [email protected]

Akhri: Muhimadda Murashaxnimada Madaxweyne (Q.1aad)


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.