Wednesday, May 15, 2024
Wardheer News
  • Slideshow
  • Warar

Mudug: Xoolo badan oo u dhintay biyo yari ka jirta deegaanka Jeexdin labadii bil ee u danbeeyay

Kaydka Ergo

Boqollaal xoolo ah ayaa harraad ugu dhintay gobolka Mudug. Kun iyo shan boqol oo qoys oo xoolo-dhaqato ah oo ku nool deegaanka Jeexdin ayaa biyo la’aan wajahaya tan iyo bishii May ee sanadkan.

Qoyska Mursal  Nuur Mire waxaa bilihii Juun iyo July ka dhintay saddex tiro oo ari ah iyo labaatan geel ah. Wuxuu sheegay in xooluhu ay ka cabi waayeen ceelka deegaanka oo biyihiisu ay dhanaan isku beddeleen.

Mursal ayaa ka walaacsan inay u sii joogi doonaan sagaashan ari ah iyo shan geel ah oo u hartay, kuwaas oo todobaadkiiba mar uu siiyo fuusto biyo ah oo uu ka daynsado booyado biyo ka keeno magaalada Gaalkacyo uu u jirta qiyaastii 20 km.

“Biyaha lacag badan baa la iiga leeyahay oo xitaa ninkii muddadii aan ku balamiyey waa la dhaafay xili kasta waa isoo Weydiiyaa waxuu ileeyahay biyahii lacagtoodii soo tuur. Biyo la’aanta waxaa ka dhashay xoolihii oo baaba’ay, dadkii oo sigtay.”

Mursal waxaa ku adag gadashada biyaha qaaliga ah oo fuustadii ay ku iibsadaan $7-8. Sababta keentay qiimo kororka biyaha ayuu ku tilmaamay waddada loo maro deegaanka oo bacaad ah, isla markaana gaadiidku ay ku adag tahay inay isticmaalaan.

Faro marnaanta dhaqaale waxay ninkan bidday inuu dayn ku maareeyo qoyskiisa oo toddobo qof ah. Wuxuu sheegay in lagu leeyahay $2,600 oo uu ganacsato deggan Gaalkacyo uu uga soo qaaday biyo iyo raashin. Waxaa gabaabsi ka ah min 12 kiilo oo bur, bariis iyo sonkor ah oo uu soo qaatay horraantii bishii July.

Raashinka u harsan ayuu xusay inuu hayn karo muddo todobaad ah. Mursal ayaa intaas ku daray in xoolaha u jooga ay yihiin caato aan suuq galin. Waxaa isku raacay oonka iyo daaq yarida ka dhashay roobka gu’ga oo deegaanka ku yaraa. Wuxuu ka walaacsan yahay in saameynta ka dhalatay xoolaha uu waayay iyo biyo yarida deegaanka ka jirta ay u horseedaan in deegaankooda ay ka tagaan.

“Baahida nahaysa waa iska badantahay xoolaheenii markii biyo yaridaas u baaba’een dadkii noloshiisii waa iska sii yaraanaysaa oo waa ka sii daraysaa. Deegaan kale ma gaarno baabuur ma lihi. Mardhaw waxay tagaysaa in aan kaamamka barakaca iska soo aadno biyo la’aanta darteed.”

Ceelka deegaanka oo riig ah ayaa markii biyihiisu ay isbeddeleen waxaa adkaatay in dadka iyo xooluhu ay cabi waayeen. wuxuu ka mid yahay 11 ceel oo ku yaalla deegaannada Galmudug oo biyahooda ay dhanaan noqdeen, sida ay Raadiyow Ergo u sheegtay wasaaradda biyaha iyo khayraadka dhulka ee Galmudug.

Wasaaradda ayaa sheegtay in baaris ay ku sameeyeen sababta biyaha ceelashu ay isku beddeleen ay ku ogaadeen in ay tahay saamayn ka dhalatay abaarihii soo laalaabtay. Ceelka deegaanka Jeexdin oo la qoday labo sano ka hor ayaa biyihiisu is beddeleen markii kugu horraysay.

Dadka halista ugu jira inay xoolo la’aan ku dhacdo waxaa ka mid ah Caydiid Ciise Bootaan oo qoyskiisu oo sagaal qof yahay. Wuxuu sheegay inay ka le’deen 30 ka mid ah 70 neef oo ari ah oo reer kiisa ay xoolo  ka lahaayeen.

Caydiid wuxuu xusay inuu isku dayay in xoolihiisa uu u la hayaamo deegaannada biyaha leh si ay oonka uga badbaadaan, balse ay tabar yari darteed socod gali waayeen.

“Xoolahu waxay ku jiraan jiidaal muddo 2 bilood ah waliba ay tabar yaryahiin wax naq layiraahdo ama qoyaan ah ma jiraan marka xaaladaas adayga badan baa lagu jiraa adigu hadda waxaa ii haray ari 80 neef ah dadkuna waa qof ila mid ah iyo mid iga hooseeya.”

Ninkan xoolaha u haray wuxuu ku darsaday nin ay qaraabo yihiin oo dad ay ehelo yihiin ay bac biyo ugu shubeen. Waxaa lagu leeyahay $1,100 oo dayn ah oo uu ku qaatay raashin iyo biyo.

Qoyska Caydiid dadda waxay hal waqti tabka saartaan raashin ay u soo dhiibeen 20 bishii hore dad qaraabo la ah oo jooga magaalada Gaalkacyo. Wuxuu ka welwelsan yahay sida ay ahaan doonto nolosha reerkiisa haddii xaalku sidaan sii ahaado.

“Xaaladda aan hadda ku jirno haddii wax isbeddel ah oo kale aysan dhicin nolol lagu sii socdaa ma jirto. Xoolaha waaba la iska dayn lahaaye. Meeshaan meel halis badan weeye. Wax aan hadda haysanno ma jiraan xoolahaas aan iska agtaaganahay oo wax kale oo Meesha laga qabto ayaaba jirin oo nolol maalmeed laga raadsan karo. Haddii ay biyo leedahay waxaa beddelmi lahaa shaqay yeelan laheed oo waxbaa soo geli lahaa laakiin hadda haba yaraatee wax soo gala malahan”.

Wuxuu xusay in dhaqaalo yarida dadka ay u dheer tahay gaadiidka oo ku dhib qaba soo galitaanka deegaanka. Wuxuu tilmaamay in marar badan booyadaha ay dalbadaan oo biyaha u sida ay dhex ku halaabaan sabab la xiriirta bacaadka wadada.

Bashiir Xuseen Maxamuud oo ah guddoomiye ku xigeenka deegaanka Jeexdin ayaa sheegay in dadka deggan deegaanka iyo nawaaxigiisa ay ka siman yihiin dhibaatada ka dhalatay biyo la’aanta.

Wuxuu xusay in haddii xooluhu dadka ka dhamaadaan ay sababi karto macluul, maaddaama nolosha dadka iyo xooluhu ay isku xiran yihiin.

Intaas wuxuu ku daray in maamulku uusan awoodin in ay dadka gargaar u fidiyaan, balse ay labadii bil ee la soo dhaaafay ay kala hadleen hay’adaha iyo maamulka Galmudug sidii ay dadka deegaanka u caawin lahaayeen.

“Waxaan codsanayaa anoo ku hadlaaya afka deegaanka marka hore in ceel naloo qodo haantii waa haysanaa soolarkii waa haysanaa in si dag ah noogu qodaan maamulka, jaaliyada dibada, ganacsatada iyo intii wax garad ah waxaa kaloo codsanayaa in haayadaha ka shaqeeya Galmudug inay dadkan tixgalin siiyaan oo dadka kale la mid dhigaan.”

Nolol-xumada haysata dadka deegaanka ayaa ka sii dararayysa markasta oo jiilaalku sii dheeraado maadaama ay sii badanaysa baahida loo qabo biyaha. Dadka oo aan awoodin inay wax ka qabtaan arrinta ku soo korortay ceelka ayaa ka cabsi qaba in xaaladdoodu ay macluul isku beddesho.

Xigasho: Radio Ergo


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.