Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah

Mudug: Daymo ka istaagay iyo abaaro is xig-xiga oo nolol xumo u bidday boqollaal beeraley ah

(ERGO) – Cunno xumo, biyo yari iyo daymihii ay heli jireen oo laga goostay ayaa isku biirsaday qoyska Cabdirisaaq Yuusuf Cali oo 17 qof ah. Nolol xumadan waxaa ugu wacan labo xilli-roobaad oo aysan helin dalaggii ka soo go’ jiray beer ay ku leeyihiin deegaanka Laasgacamey ee gobolkaMudug.

Cabdirisaaq ayaa sheegay in labadii maalin ee u danbeeyay uusan u helin qoyskiisa raashin dabka loo saaro. Arrintan waxay ku kaliftay in carruurta aan xamili karin gaajada uu la dhex wareego qoysaska tuulada si ay ugu caawiyaan cunno bisil hadii ay u helikaraan.

Wuxuu ka walaacsan yahay hubanti la’aanta cunno iyo midda nololeed, kuwaas oo ay u horseedday abaarta ragaadisay beertiisa. Wuxuu xusay in uusan hayn qorshe uu kaga baxo xaaladdan.

“Raashinkii iska gabaabsi uu iska noqday, markii daynkii lawaayay. Dayn qiyaastii waxaa la igu leeyahay $480. Waxaa ugu wacan in nalaka joojiyana wax naga soo laabayaa la arkin, maaddama dalaggii lagu xisaabtami jiray oo Ilaahay xagiisa roobkii laga waayay.”

Wuxuu tilmaamay in qoyskiisa ay xaaladdu ku sii adkaatay saddexdii bil ee la soo dhaafay, markii ay meesha ka baxaday rajadii ay roobka ka qabeen, sidoo kolana 20 bari ka hor laga joojiyay raashin dayn ah oo ay ka soo qaadan jireen bakhaar ku yaal deegaanka Wisil ee gobolka Mudug.

Milkiilaha macaamiilka uu lahaa ayaa ku xujeeyay in uu bixiyo daymaha horay uu u qaatay ee ku jira diiwaanka haddii uu rabo in la siiyo mid cusub. Arrintaas oo uu xal u waayay. Waxay duruuftu bidday in uu taageero waydiisto ehelkiisa oo muddo labo bil ah ku caawinayay cunno hal waqti ay dabka saaran jireen.

Caawintaas ayuu xusay in ay sii socon waysay, markii ay awoodi waayeen, maaddama aysan dhaqaale ahaan dhaamin. Ninkan oo 16 sano beeraley ahaa wuxuu xusay in uusan xaaladdan oo kale wajihin tan iyo 2017, xilligaas oo abaaro daran dalka ay ku dhufteen.

Wuxuu sheegay in xilli roobaad kasta uu isku diyaariyo beer-falasha oo ah rajada nololeed ee qoyskiisa, balse uu ku hungoobo marka roobka la waayo ama uu yaraado.

“Horta beertan waa afar higtar. Waxaa loo diyaariyay in lagu beero digirta, masagada, qaraha, qudaarta sida yaanyada, batiiqoo kole, bar banooniga kole iyo bocorka Waxaa loo diyaariyay in lagu beero, markii abuurkii meesha lagu ridana roobkii waaba la waayay.”

Waxaa u danbeeyay dalag ka soo go’ay beertiisa bishii Febraayo ee sanadkii hore. Wuxuu ka helay faa’iido lacageed oo dhan $500. Lacagtan inteeda badan wuxuu ku bixiyay daymo lagu lahaa iyo arrad- tirka qoyskiisa. Wixii ka danbeeyay wuxuu ku noolaa qoyskiisa taageerada dadka.

Basan-baaska ku dhacay beertiisa ayuu sheegay in ay quus-goysay. Wuxuu jeclaan lahaa in uu helo lacag baabuur raac ah oo uu qoyskiisa ku geeyo mid ka mid ah magaalooyinka Cadaado iyo Gaalkacyo ama cid ku caawisa, si uu uga samata-baxo xaaladda nolol-xumo ee la soo gudboonaatay.

Wuxuu isbarbar-dhigay nololoshii wacnayd xilligii beertiisa uu tabcan jiray iyo xaaladda bidday rajo xumada uu ka qabo ku sii noolaanshaha tuulada Laasgacamay oo inta badan noloshiisa uu ku qaatay.

“Nolol barwaaqo ah oo digirta la iska beeranayo ayay nolosheenu ahayd. Laakiin mid hadda aan ku jirno waa xaalad aad u kulayl badan. Waa xaalad abaareed. Waa nolol cariiri ah. Iskuma dhawayn mar niyaddu fiican tahay oo dalaggu noo soo go’ayay iyo mar aanan filanaynba berri xagee wax laga keenayaa. Xagee se laga keenayaa ayaan hadda ku jirnaa xaaladdeeda.”

Cabdirisaaq ayaa dhica kale sheegay inay cunno xumida u dheertahay biyo yari haysata qoyskiisa. Ceel gacmeedyada deegaankiisa ayuu xusay in ay noqdeen kuwa qaraar oo biyahooda aan lacabi karin, taas oo keentay in fuustada biyaha ah lagu keeno deegaanka $5.5, oo aysan awoodin xilligaan.

Waxa uu sheegay in maalinba qoys ka mid ah dadka biyaha haysta uu ka soo qaato 20 liitar si ay noloshooda ugu adeegsadaan. Nolol xumada roob la’aantu sababtay waxaa la qaba boqollaal beeraley ah oo ku nool tuulooyinka Laasgacamay, Xero-dhagaxley, Hareeri-dheere, Camaara iyo Caad oo ka wada tirsan koonfurta Mudug, kuwaas oo qaarkood isku dayaya in ay u hayaamaan magaalooyinka si ay u helaan nolol dhaanta tan beeraha.

Waxaa jira qoysas dantu u dayrisay oo waayay dhaqaale ay ku tagaan deegaanno kale oo nolol dhaanta ay ka heli karaan. Waxaa ka mid ah qoyska Faarax Xassan Axmed oo ka kooban 9 qof. Tuulada Xeero-dhagaxley ayay ku wajahayaan nolol xumo.

Waxaa meesha ka baxay dalaggii ay ku tashan jireen ee beertooda oo 2 hiktar ah. Waxaa haysta labo daran mid dooro. Ma awoodo qoyskiisa in uu geeyo deegaan kale, sidoo kalana uma heli karo cunno ku filan sida uu sheegay, maaddama meesha ay ka baxday ishii dhaqaale oo ay ku tiirsanaayeen.

Waxa uu sheegay inay maalintii hal mar karsadaan raashin yar oo ay ku taageereen dad ehelladooda ah oo deggan Xerodhagaxlay. Markii hore ayuu sheegay inay haysteen kaydka raashin ka kooban 3 kiish oo isugu jira Digir iyo Masago oo gugii hore uga soo go’ay beertiisa, markaas oo aysan roob dalag badan soo bixiya uusan u di’in.

“Nolosha qoyskeenu beertaasay ku tiirsaneed. Xoolo kale malahayn. Neefaf yar oo siddeed neef ah ayaa cidda u jooga, iyaguna wax ay hadda gooni ah oo soo kordhinayaan lama arko. Beertaasaan ku tiirsaneed beertii bilahaan roob ma qaban. Waxaa ugu danbaysay gu’gii dhawayd wax yar oo aan badnaynaa aragnay. Dayrtii ka danbaysay lama aragba. Dayrtii ka hore ayaa roob noogu danbayay layiraah wax baa ku soo baxay.”

Faarax oo aan lahayn xirfad aan ahayn beer-falashada wuxuu ku fekerayaa in shaqooyinka xoogsiga ah uu u weecdo, balse deegaankiisa fursadan kama jirto. Halka ugu dhow waa Gaalkacyo. Wuxuu sheegay in uusa haysan dhaqaale uu ku guuro.

Wuxuu xusay in marka beertu u baxdo uu ka heli jiray dhaqaalo u dhaxeeya $300 illaa $1000 oo ay u dheertaan raashin iyo khudaar ay qoyskiisu quudan jireen, balse wuxuu sheegay in taas ay meesha ka baxday.

“Xaaladda hadda lagu jiraa aad ayay u adagtahay. Dalaggaas baa dadku ku noolaa, dalaggiina waa lawaayay. Waqtigan lagu jiro wax dab lasaartana maleh. Wax la iib-geeyo maleh. Wax dadkii islaamkaa lasiiyo maleh. Nadaamkaas waa soo xirmay. Hadda xilligaan waxa weeyaan xaaladda adag baan ku jirnaa waqtigan.”

Waxa uu sheegay in uu qorshaynayo raadinta xal kale oo uu ku maareeyo nolosha qoyskiisa si uu uga samata-baxo dhibaatada qoyskiisu ku jiro. Waxa uu xusay in waxa ugu daran ay tahay helista biyaha iyo baadka oo ciriiri ku ah.

Masuuliyiin kormeer ku tagay deegaannada roob la’aantu saameysay ayaa ka dayriyay xaaladda nololeed ee la soo daristay qoysas iskugu jira beeraley iyo xoolo-dhaqato. Inkastoo qaar badan oo ka mid ah reer guuraaga ay ka hayaameen deegaannadaas.

Cabdi Xuseen Maxamed oo ah guddoomiye ku xigeen gobolka Mudug ayaa Raadiyow Ergo u sheegay in ay ku soo arkeen deegaannada ay tageen tacab la’aan iyo baahi ka dhalatay dalag la’aanta, taas oo saameyn xoog leh ku yeelatay dadka deegaanka.

Intaas wuxuu ku daray in baahida ka jirta tuulooyinka ay ku adagtahay Galmudug in ay xal u hesho. Wuxuu soo jeediyay in si wada jir ah loogu kaco taageerada qoysaska tabaalaysan.

Tacabka beeraha waa mid ka mid ah ilaha dhaqaale ee dadka Soomalida ah ay ku tiirsan yihiin, hase ahaateen abaaraha soo laalaabtay waa caqabad hortaagan qoysas badan oo dadaal ku bixinaya beero- falashada oo sanado badan noloshoodu ay ku tiirsanayd.

Xigasho: Radio Ergo

Leave a Reply

Your email address will not be published.