Mowqifka Dowladda Puntland ee Xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya

Mowqifka Dowladda Puntland ee Xiriirka Dowladda Federaalka Soomaaliya

WAR SAXAAFADEED: PUNTLAND

05 August 2013

Iyadoo la tixraacayo khudbadii Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) uu ka jeediyay Munaasabadii 1 August oo lagu qabtay xarunta Madaxtooyadda Puntland – go’aankaasoo waafaqsan soo jeedintii Guddiga Wadajirka ah ee Golayaasha Dowladda ee July 24,  Dowladda Puntland waxay si rasmi ah u hakisay wadashaqayntii iyo xiriirkii ay la lehayd Dowladda Federaalka Soomaliya.

Tan iyo dhisidii 1998-kii Dowladda Puntland waxay dadaal dheeri ah u gashay inay hirgaliso hey’daha dowliga ah, sharciga iyo kala dambaynta, iyo gaarsiinta adeega bulshada ee shacabka Puntland, iyadoo qeyb wayn-na ka qaadatay dib u dhisida Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya tan iyo 2004-kii. Puntland waxay taageero muhiim ah ku bixisay Soomaaliya iyadoo wakhti, juhdi badan, iyo dhaqaale intaba galisay nabadeynta iyo dib u dhiska Federaalka Soomaaliya.

Dadaalkaani waxaa laga filanayay Soomaaliya cusub oo madaxbanaan, kuna dhisan nidaamka Federaalka iyo xisbiyada badan. Haseyeeshee, tan iyo September 2012-kii markii la dhisay Dowladda Federaalka, dalkii Soomaaliya wuxuu dib ugu noqday colaadihii, barakicintii, qabyaalad iyo kala fogaansho, isqabqabsi siyaadeed, iyo iyadoo tixgalin la’aan iyo xadgudubyo dhinac kasta ah lagu sameeyey Dastuurka Federaalka Soomaaliya, oo kan rasmiga ah ay Saxiixayaashi Roadmap-ka iyo Wakiilka Qaramada Midoobay ku

saxiixeen Nairobi June 22, 2012. War saxaafadeedkii ka soo baxay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay ee July 25, 2012, wuxuu aqoonsaday Dastuurka Federaalka KMG ah ee rasmiga ah, waxaana ku qornayd “inuu soo dhaweeyey hormarkii laga gaaray Roadmap-ka iyo heshiisyada la xiriira, uuna ka mid tahay Heshiiskii June [2012] ee Nairobi Protocols iyo baahinta Dastuurka qabyada ah”.

Iyadoo qiimaynaysa dib u heshiisiinta iyo dib u dhiska dalka, Puntland waxay sii waday wadahadaladii siyaasadeed ay la lahayd Dowladda Federaalka waxayna Puntland soo dhawaysay Rai’sul Wasaaraha Dowladda Federaalka Dr. Cabdi Farah Shirdon safarkiisii Garowe (March 9-11, 2013) iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Dr. Xasan Shiikh Maxamud safarkiisii Garowe (April 28-29, 2013).

Madaxweynaha Puntland wuxuu qoraalo u diray madaxda Dowladda Federaalka ee ku sugan Muqdisho iyo Qaramada Midoobay, wuxuuna Madaxweynuhu cambaareeyey Dastuurkii Federaalka oo sharcidarada ahaa ee la faragaliyay, Dastuur-beenaadkaasi oo loo qeybiyey Golaha Shacabka (Aqalka Hoose) ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya September 7, 2012.

Puntland waxay soo dhaweynaysaa Qaraarkii Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay (UNSC Resolution 2111) ee July 24, 2013, qaraarkaasoo ku dhiirigaliyay Dowladda Federaalka Soomaaliya “inay sameyso barnaamij siyaasadeed oo cad kuna aadan hirgalinta nidaamka federaalka si waafaqsan Dastuurka KMG ah”; sidoo kale, Puntland waxay soo dhaweynaysaa War saxafadeedkii ka soo baxay Shirkii Madaxda IGAD ee May 3, 2013, oo ay ku qornayd mabaa’diidii lagu isku raacay ayna ka mid tahay “Tixgalinta Dastuurka KMG ah ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Halkan ka akhri warsaxafadeedka oo dhan