XAFIISKA XEER ILAALIYAHA DEGMEDA HENNEPIN
MICHAEL O. FREEMAN
Cabdiraxmaan Cabdi Cali oo degan magaalada Minneapolis ayaa waxaa lagu eedeeyey in 9ka bisha Luulyo uu galey labo fal denbiyeed oo kala ah dil lagu geystey gaari, iyo ka carar goobta falku ka dhacey kadib markii uu gaariga ku dhuftey kuna diley haweeney dhalinyaro ah oo wadatey Baaskiil. Dacwadaasi ayaa waxaa soo bandhigay, Mike Freeman oo ah Xeer Ilaaliyaha Degmada Hennepin.
Maalin kadib, Cali oo jira 25 sano, ayaa markii ugu horeysey hor yimid maxkamadda oo damaanad loogu dejiyey $50,000 oo shuruud la’aan ah ama $10,000 oo lagu xiray shuruudo oo ka mid ah, inuusan ku xad gudbin ruqsada wadidda gaariga iyo inuusan isticmaalin daroogo iyo khamro. Waxuu isku furtay $10,000 curaar (bond) ah, waxaana la sii daayey 11ka Luulyo. Waxaa loo qabtey inuu markale maxkamad horyimaado Agoosto 15keeda.
“Waxaan na soo maray tiro dhowr shilal oo ah gaari iyo baaskiil ama gaari iyo qof jidka socda, labadii sano ee ina soo dhaaftey, waxaana ula dhaqannay si isku wada mid ah,” ayaa waxaa yiri Freeman. “Waxaa muhiim ah iney darawaliinta fahmaan iney tahay iney u hogaansamaan sharciga gawaarida iyo markii ay qof ku dhacaan ha wataan gaari yar ma mid xamuul, waa khasab iney istaagaan oo cawiyaan qofka dhibanaha.”
Qoraalka eedeynta uu xareeyey xafiiska Xeer Ilaaliyaha Degmada ayaa ku qoran in dhibane, Jessica Hanson ay ku socotey baaskiilkeeda waqti mugdi ah 3da bisha Luulyo. Iyadoo mareysa is-goyska Pleasant Avenue South iyo West 28th Street ayeey soo sheegeen marqaatiyaal inuu ku yimid gaari ku socda xawaare xoogan oo nalkiisa dansanaa, gaarigaas oo seegay inuu dhowro calaamada joogsiga ee is-goyska kadibna ku dhacey Hanson.
Cali ma uusan u istaagin inuu caawiyo haweeneyda wuuna ka cararey goobta, sida ku qoran dacwada dembiga. Hanson dhaawac xoogan ayaa soo gaarey oo keenay iney lama maalmood kadib ku geeriyooto Xarunta Isbitaalka Degmada Hennepin.
Marqaati arkey shilka ayaa booliiska siiyey lambarka taargada gaariga. Booliska ayaa tagey cinwaanka diiwaanka ku jira ee gaariga kadibna u sheegatay gabar la dhalatey Cali in gaari buluug oo Toyota Camry taargadaas leh leeyihiin oo walaalkeed watey, sida ku qoran dacwadda.
Chuck Laszewski
Email:Chuck.Laszewski@co.hennepin.mn.us
Leave a Reply