Friday, April 26, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Midowga Murashaxiinta maxaa la gudboon?

W.Q. Ibrahim Aden Shire

Midawga murashixiinta

Maalintii Khamiista ee ina dhaaftay, waxaa shir jaraa’id qabtay golaha mucaaradka ee ku midoobay magaca Midowga Murashaxiinta (MM). Shirkaas ayuu goluhu ku sheegay in waxa lagu sheegay doorashada ee dalka ka socda ay horseedi doonto burbur baaxad leh iyo caaqibo xun oo laga soo kaban waayo. Sidoo kale goluhu wuxuu sheegay inuu sii wadi doono shirarka dhexdooda ah si ay uga arrinsadaan qaabkii lagu badbaadin lahaa dalka. Taasoo u muuqatay ama loo fasiran karo waxaan dhisaynaa awood kale oo garab socota midda sharciga ah ee dalku leeyahay.

Haddaba maqaalkaan gaaban waxaan ku eegi doonnaa saddex qoddob oo kala ah: Cabashada Midowga maxaa ka run yaase masuuliyaddeeda leh. Laba, maxay noqonayaan tallaabooyinka u furan ee ay qaadi karaan? Iyo saddex, maxay dantooda iyo midda dalku ku jirtaa.

Maxaa ka run ah cabashada mucaaradka?

Waxaan muran iyo mugdi toona uusan ku jirin in waxa dalka ka socda ee soo billowday maalintii la doortay sanatar Fartaag iyo Iftiin Baasto aysan doorasho ahayn e yihiin xulasho.  Xulasho aan loo sinnayn, cid aan ka ahayn midda xulaysana aysan faker iyo ficil kale toona ka dhiiban karin. Waa nooc aan horay Soomaaliya u soo marin in dib loo arkana aysan fududayn. Kama wado musuq noocaan ah doorashooyinkii hore ma dhici jirin. Hubaashi boobkii dhacay doorashadii 2016 kan hadda socda wuu ka xumaa oo taasu kursi kaliya lama boobine maal fara badan ayaa la kala boobay, kuraasta qaarna dhiig ayaa loo daadiyay. Madaxdii markaas talada haysay ma aysan reeban awood iyo xirfad ay wax ku boobi kareen ciddii ay rabeenna ku soo saari kareen.

Waxa hadda nagu cusub waa dhib yaraanta wixii la doono loo marsanayo iyadoon qarash ku bixin, dad aan xabsi loo taxaabin cidna aan loo toogan. Waxaa muuqato awood xooggan oo aan la loodin karin in ay gacanta ku hayso kuraasta labada aqal sidii ay doonaanna ugu tagri falayaan. Sidaa darteed in mucaraadku af labadii yeero la yaab ma leh. Waxaa se iswaydiin mudan sidee ku dhacday in awoodda intaas leeg dhowr qof maroorsato cid, joojin kartaana aysan jirin?

Imaanshaha arrintaan dad badan oo ku eedaysan ayay kow ka yihiin golaha hadda ka cabanayaa. Waxaa la dhihi karaa afar qolo oo ku dedaashay marar kala duwan in ay waxa ay doonayaan helaan, ayaa haadaan ka tuurtay doorashadi. Afartaas waa Beesha Caalamka (BC), labada mataanood ee Deni iyo Axmed (Mataanaha), Rooble iyo Midowga Murashaxiinta. 

Qallooci ugu horreeyay wuxuu ahaa marki Mataanaha iyo MM’tu u arkeen in doorasho qof iyo cod ah oo la qabto fursad ay siinayso Farmaajo, sidaas darteed ay u howl galeen sidii looga dhigi lahaa mid dadban oo awooddu dad badan leeyihiin. Ma xumayn hab fakerkaas oo waligeed madaxwaynaha xilka haya inuu awoodda galiyo siduu kusoo noqon lahaa waa mid noo qoran. In laga dhigaa ama laga xiraa waddooyinka uu doonayo inuu ku soo noqdana waxay ahayd mid la fili karay. 

Laakiin kooxda labada guruub ah (MM iyo Mataanaha) ee doontay in doorashada laga dhigo mid dadban inta qalin iyo waraaq qaateen ma aysan tirin inta dhagaati ee uu leeyahay ninka ay is’hayaan. Ma aysan falanqayn dhagaaatiyaha ugu muhiimsan ee u baahan in la furo iyo sideey u kala horreeyaan. kama aysan tashan talloobooyinka ay qaadayaan iyo natiijooyinka ay hoggaamin karaan. Waxa kaliya ee u muuqday waxaa ay ahayd doorashada ha laga dhigo mid dadban si maamul goboleedyadu awoodda ula qaybsadaan fedaraaalka. MG’yadu, qaar, in ay yihiin dhagaatiyo kale isma aysan waydiin, haddii ay iswaydiiyeenna waa ay sahladeen. 

Siciid Deni iyo Axmed Madoobe

Sidoo kale, golaha MM oo ka kooban dad miisaan culus iyo jamaahiir siyaasadda muddo kusoo jirtay ma jirin wax mideeya iyo ujeeddo qeexan oo ay ku wada socdeen marki laga reebo Farmaajo tartanka in laga reebo ama ugu yaraan gacantiisa laga saaro howlaha doorashada. Iyagoo intaas ka duulayo ayay taageero aan kala har iyo reebasho lahayn siiyeen Mataanaha oo ay u qarsoonayd dano kale. 

Dhib yaraan ayaa lagu gaaray in doorashada laga dhigo mid dadban laakiin in tartanka laga reebo ama gacantiisa laga saaro madaxweyne Farmaajo waxay u baahatay dagaal iyo shaati siibasho. Howshaan waxaa dusha u ritay MM. Waxaa ay u bareereen khatar culus oo sharaftooda iyo sumcaddooda dhaawac weyn ku ahayd. Waxaa ay maalin cad malleeshiyaad hubaysan dhigeen jidadkii caruurrtooda iyo xaasaskoodu isticmaalayeen. Waxay sabab u noqdeen in hooyooyinkood iyo maatidoodii ay qaxdo. Xamar ayay mar kale soo xasuusiyeen ayaamihii madoobaa ee isbaarada iyo isfurashada ku caanka ahaa. Foolxumo walba ha ka dhacdee waa ay gaareen ujeedkoodi ahaa in Farmaajo awoodda doorashada laga wareejiyo.

Hasa ahaatee, waxa ay intaas oo dhib iyo rabsho ah shacabka maatida ah ugu geysteen ma waxay ahayd in ay helaan fursad ay ku heli karaan tartan loo siman yahay? mise waxay ahayd Farmaajo oo aan doorashada maamulayn un aan aragno? Jawaabta iyaga ayay la jirtaa. Laakiin haddii la qiimeeyo sideey u dhaqmeen iyo maxsuulkii kasoo baxay dagaalkii ay hoggaamiyeen, waxaa la dhihi karaa wax ay rabeen dad yaqaan ma ahayn. 

Waxaa tusaale noogu filan in gorgortanki ciidanka Xamar looga saaray aysan saldhig u ahayn doorka MM doorashada ku yeelanayaan. Wax shuruud ah oo iyaga awood siin karta ama berri ka maalin ay wax ku heli karaan ma aysan xiran. Waa ay jirtay in ay dhaheen golaha ha nalagu daro laakiin kuma aysan adkaysan. Dadki ay dhaheen awoodda ha loo dhiibo heshiis gooni ah oo ay la galeen ma jirin. Kaliya niyadsami ah ninka talada loo dhiibay ayaan isku qabiil nahay oo na qadin mahayo in lagu socday ayaa durba soo muuqatay. Halkaas ilduufki labaad ee ugu xumaa ayay ku dhaceen cashar se kama aysan baran. “Mar i dage Allaha dago mar labaad i daga se anaa isu degay.”

Farmaajo iyo Rooble

Mar kale ayay dadaal badan galiyeen iska horkeenidda Farmaajo iyo Rooble, waa ayna ku guuleysteen. Fursaddaan qaaliga ee soo martay, mar kale, ayay muujisay in aysan aqoon waxa ka maqan iyo waxa ay doonayaan. Rooble oo weedweed ah ayaa gacanta usoo galay. Taageero indho la’aan ah ayay mar kale siiyeen iyagoon waxba shardisan. Kuma aysan dadaalin in ay kala fogeeyaan Rooble iyo MG iyo in ay ugu yaraan isaga Rooble ah ku qasbaan inuu kala tashado tallaabooyinka uu qaadayo markuu galayo heshiisyada doorashada. Haa waxaan leeyahay in ay ku qasbaan. Waayo maalmahaas Rooble aad ayuu u jilicsanaa oo wuxuu ahaa nin gabidhaclaynaya oo gol nugeylyo badan leh. 

Maaddama Farmaajo ay kala dhinteen, cid kale oo uu wax u xeerinayana aysan jirin awooddii doorashada, oo awalba isaga culeys uusan qaadi karin oo la saaray u muuqatay, ayuu si fudud ugu wareejiyay MG. Waabaa ku baryay MM qaylo ayayna af labadii dhawaaqeen. Laakiin ma aysan yeelan hal adayg e Deni ayaa ballan qaad iyo baasa-baasayn ku qanciyay iyagoo qoslaya ayuu aan “isu soo laabanno” uga tagay. Wixii ka danbeeyay awoodda doorashada cid aan MG ahayn oo wax laga waydiinayo ma jirin maaddaama fursadihii ugu danbeeyay laga ilduufay. Sidaa awgeed qaylada MM’tu macno ma leh sababtoo ah haddii loogu soo celiyo xataa sidii ayaa mar kale loo marsan.

Maxaa u furan haatan?

Dhowr tallaabo ayay qaadi karaan:

1. Waa in ay mar kale hub aruursi iyo tolbeelay dhahaan. Waxaa taariikhda gashay erayadii MW Xasan Sheekh kula hadlay madaxda ciidamada ee ku beesha ah maalintuu yiri “anigu Xajaar iyo biixi iyo… lahadli maayo. Farxaanoow, Odawaayow wiilashaydiyow…” Hubaashi saacaddaas wax ka keenayba Xasan wuu illowsanaa in wiilasha uu u yeeray ay hayaan xil qaran ee aysan hayn mid qoys. Waxaan qabaa in ay ahaayeen erayo uu ka shallaayay maqalkoodana uusan ku raaxaysan. Si walba oo qabiiladiisu qoryaha ku guran karto inuu sameeyo ayaa ka go’nayd. Haatan tii oo kale meesha lagama saari karo. Hubaashi hadalka afhayeenka MM Daahir Geelle in aysan dagaal jid ahayn una furnayn ayaa ka muuqatay. 

Hasa yeeshee tallaabadaas markaan waa qar-iska-tuurnimo. Waayo waxay u badan tahay in aan markaan loogu dabcin sidii hore. Wax hadda gaar uga maqan ma jirto oo loogu garaabo.

2. Intii marki hore loo sameeyay maxaad ku heshaan ama kusoo dhacsateen ayaa hortaal.

3. Raggii maalinti hore u hiilliyay, markii danbe waxaa lagu gorgortamayay yaanan mushaarka laga jarin iyo darajooyinkoodi ha loo daayo. Askari markii hore mushaarkiisa qataato uu galay inuu ku laabto ma sahlana way se dhici kartaa.

4. Saraakiisha awoodda leh ama sumcad danbe ka raja qabta, waxaa ay arkaan waxa ku dhacay Saaddaq Joon. Isagoo ah ninka Xamar ugu awood badan ayuu inuu iyaga u hiilliyo wax walba u xooray. Maanta iyagiina wax ma helin isna waa dable. 

5. Ciidan walba oo ay keenaan waxa kaliya ee ay samyan karaan waa in xaafado Xamar ka mid ah ay qabsadaan. Weerar kuma qaadi karaan Fillada oo AMISOM ayaa waardiye ka ah, Soomaaliduna iyadaa isu turqo weyne kuma dhacdo ciidammada shisheeye. Mar haddii aysan dagaal ku qaadi karin meelaha doorashadu ka socoto sida Baydhabo, Dhuusomarreeb iyo Garoowe; haddii aysan xabbad ku qabsan karin Fillada, arbushaad iyo qalqalgalin ay ka sameeyaan xaafadaha ay xaasaskoodu daggan yihiin fadeexad iyo magacxumo maxaan ahayn oo ay ka dheefayaan? Gurigaygaan qabsan nin ku hanjabay soo nin han jabay maaha?

Tallaabo kale oo ay qaadi karaan waa in ay hadda ku dhawaaqaan in aysan ka qayb gali doonin doorasho noocaan ku dhammaatay. Middaan in aysan MG’yadu u joojin ayay u badan tahay. Laakiin wuxuu noqon karaa baaq Soomaalidu u dabacdo, sidoo kalana Beesha Caalamku ku toosto. Ugu yaraan waxay keeni kartaa in si dhab loo qaato cabashadooda. Tallaabadaan ayaa ka sharaf badan midda hore igalana rajo badan in wax lagu helo. 

Maxay dantooda iyo midda dalku ku jirtaa?

Sidaan soo sheegay meesha doorasho kama socoto. In halkaan ku dhammaan doonto dad aan anigu ku jiro waa ay u muuqatay ilaa waa hore. Waxyar ka dib doorashadii Hirshabeelle ayaan bartayda Faysbuugga soo dhigay saadaalin aan ku muujiyay in waxa Jowhar ka dhacay ay noqon doonto midda guud ee dalka. Waxaan tilmaamay in mucaaradku is dhiibay sabab la’aan. Doorashadi madaxweynaha KG waa rafteen. Middii Galmudug waa ordeen laakiin sidii KG uma aysan xarbin maaddaama ay quus joogeen. Markii la gaaray middii HS waaba is dhiibeen oo wax tartan ah iskuma aysan dayin. Taasi waxay keentay in doorashadi HS si dhib yar oo wax qarash ah aysan ku bixin wixii la doono looga samayto. Kaaga darane, mucaaradku ma aysan diidin natiijadi ee iyagoo mid walba is leeyahay waji ka samayso madaxweynaha la doortay ayay hambalyo la kala ordeen. Maalintaas ayay doorashada maanta laga cabanayo jidkaan cagta saartay. Waxaa ay ku sifoobeen niman dhinacna tabar iyo kasbasho yar dhinacna adkaysi yar oo hal meel aan ku dhagi karin. 

Haddaba si aysan middii Hirshabeelle oo kale aysan ugu dhicin waxaa la gudboon in aysan quusan. Siyaasiyiinta Soomaalidu dhuunta ayay wax ka maqlaan. hebel ninkii soo saaray u joojin uu mahayo hadduu helo mid ka jeeb weyn ama ku rajo galiyo xil iyo darajo danbe. Laga yaabo in mid iyaga ka mid ahba uu soo baxee, meel cidla ah yaysan ka jabin ayaan dhihi lahaa. 

Haddii cabsidu ku weyn tahay rajo beelna ay joogaan oo aysan sinnaba ugu muuqan in ay wax heli karaan, xalku maaha xabbad iyo xabaalo qodid. Ragannimadu waa aqbalidda in lagaa helay sidaad u soo koorsayn lahaydna aad ku dadaasho. Caawa haddii ay Xamar olosho, doorashada la baajiyo xalkuna uu noqdo Farmaajo oo iscasila, waxaa hubaal ah qofka loo dhiibayo doorasho gaarsiinta inuusan marnaba noqon doonin mid ka mid ah MM. Markaa maxaad naftaada iyo ummaada aabaraysan danbi uga gali meel aad mar walba ku qadi doontid. 

Intaas waxaa dheer, MM ayaa Farmaajo u suuragaliyay inuu shaatigiisu ka nadiif ahaado boobka socda. Caawa ma jirto cid ku eedayn karto isagaa hagaya iyo isagaa doorashda loo dhiibay. Ceeb iyo wanaag key leedahayba qofkii ay ku qanacsanaayeen ayaa loogu dhiibay. Ficil walba oo amni darro keeno oo ay qaadaan, wuxuu kor u qaadayaa sumcadda Farmaajo, wuxuuna dilayaa wajiga iyo karaamada MM. isku soo xooriyoo, samir, xariiftan, galaangal ma ogiye jid kale dan uguma jirto dalka iyo dadka. Qaylada iyo cabashadu ceeb maaha, in la wadaana waa sax. Laakiin xoog wax ku raadin danta MM iyo midda dalka toona kuma jirto.

W.Q. Ibrahim Aden Shire

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.