(WDN) – Musharaxa madaxtinimada Puntland, horeyna u ahaa ra’iisal wasaarhii dawladii Sheekh Shariif ee KMG Soomaaliya, Md. Cabdiwali Cali Gaas, ayaa isaga oo ku guda jira socdaal wada tashi iyo xog’ogaalnima ah oo uu ku tagay degaano ka tirsan Putland ka hadlay mawqifkiisa ku aadan gudiga doorashooyinka ee Putland.
Md. Cabdiwali oo ka halday gudigaas oo uu maanta soo magacaabay madaxweyne Faroole ayaa yidhi “Faroole haddi uusan kala tashan musharaxiinta, Isimada iyo dadka ay khusayso waxaan qadaynaa talaabo kale, kama hadleyno dadka la magacaabay shaqsiyadooda laakiin waxaan ka hadlaynaa nidaamka la mariyay guddigan uu magacaabay waa mid aan loo marin nidaamki saxda ahaa.”
Md. Cabdiwali ayaa la filayaa in uu soo afjaro socdaalkiisa maalinta berri ah, oo la filayo in uu so gaadho magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, sida lagu sheegay warsaxafadeed uu soo saaray xafiiskiisu oo soo gaadhay WardheerNews.
Madweyanaha Puntland Md. Cabdiraxmaan Faroole, ayaa soo saaray warsaxafeeded maanta oo ku beegan bishan Diisember 3, 2013, kaasi oo uu ku magacaabayo gudiga doorashooyinka Puntland oo tiradoodu tahay 8 xubnood, oo dhamaantood ka kooban rag, ama aynan ku jiran xubno haween ahi, kuwaasi oo uu sheegay Md. Cabdiraxmaan in hawshoodu si dhaksi ah u gudageli doonaan.
Doorashada madaxtimanda ee Putland ayaa lagu wadaa in ay dhacdo bisha inagu soo aadan ee Janaayo 8, 2014, hadii Eabe idmo. Waxa ilaa iyo hadda doorashadaasi sheegay in ay u tartamayaan musharaxiin cadadkoodu gaarayo ilaa 12, Inkasta oo ilaa hadda aysan jirin musharaxiin iyagu soo bandhigay barnaamijkooda ama qorshe halwleedkooda wax qabad iyo dooddo markaasi dhex marta musharaxiintaasi iyada oo wakhtiga ka hadhay doorashdaasi fooda inagu soo haysa uu yaryahay.
WardheerNews
Leave a Reply