Muqdisho, Maxkamadda Ciiddanka Qalabka, Sida ayaa lagu soo warramayaa in ay maanta xukun dil ah ku ridday eedaysanayaal loo haystay in ay magaalada Muqdisho ku dileen gabadh Soomaaliyeed oo lagu magacaabi jiray Nafiso Cismaan.
Maxkamadda ayaa fadhi ay maanta ka yeelatay dacwadda saddex eedaysane oo lagu kala magacaabo Xasan Salmaan, Shaafici C/casiis iyo haweenay iyana lagu magacaabo Deeqo Diraac ku ridday xukun iyadoo xeer ilaalinta qaranku ay maxkamadda u gudbisay eedaha loo haystay saddexdaas ruux.
Haddaba guddoomiyaha maxkamadda darajada koowaad ee ciiddamada qalabka sida ee Soomaaliya Liibaan Cali Yarrow, ayaa ku dhawaaqay xukunka ay Maxkamadda ku ridday saddexdaasi qof, iyadoo Shaafici Cabdicasiis iyo Xasan Salmaan lagu xakumay dil toogasho ah, halka Deeqo Diraac lagu xakumay 10 sano oo xabsi ciiddan ah.
Xasan Salmaan iyo Shaafici C/casiis, ayaa la sheegay in ay 6dii bishii Abril ee aan ka soo gudubnay ay magaalada Muqdisho si fool ugu dileen marxuumad Nafiso Cismaan iyadoo Deeqo Diraac iyana la sheegay in ay u fududaysay sidii ay dilka u fulin lahaayeen labdan nin ee kor ku xusan.
Magaalada Muqdisho, ayaa ah meel ay had iyo jeer ka dhacaan dilal iyo falal kale oo lagu waxyeeleeyo dad aan waxba galabsan iyado inta badanna aanay jirin cid loo qabqabto dilalkaas.
Maxkamadda ciiddanka Qalabka Sida ee qaadday dacwaddan, ayaa ay dhawaan hay’daha xuquuqda aadanah u doodaa ku eedeeyeen in xukunkoodu aanu u dhicin si caddaalad ah iyadoo islamarkaan ku qaadda dacwado dad rayidka ah.
Dawladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaanka u hayo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa u muuqata mid ku guul darraysatay dib u soo celinta hannaan garsoor oo ku dhisan caddaalad iyo sarraynta sharciga.
WardheerNews
Leave a Reply