Thursday, April 18, 2024
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxay ka dhigantahay in Qatar ay u soo dirsatay Soomaaliya Safiir Sare (Ambassador Extraordinary)?

W/Q Wasiir Cabdifitaax Nuur (Ashkir)

Amiirka dalka Qatar Tamiim Bin Xamad, ayaa dhawaan u soo magacaabay Soomaaliya Safiir Sare oo magaciisa la yiraahdo
Xasan Xamse Asad Haashim. Waana siyaasi aysan Soomaalidu horay u aqoon. Ka hor inta aynaan u galin fallanqeynta waxa arinkani ka dhiganyahay,aan aqristayaasha la wadaaggo marka hore, waa maxay Ergay Sare ” Ambassador Extraordinary?

Ergay Sare waa safiir leh awood dheeraad ah, marka loo fiiriyo safiirada caadiga ah ee diblumaasiyadda. Wuxuuna qaadan karaa go’aanno qarankiisa dan u ah, isaga oo markaasi kala talinaya madaxda dalkiisa danaha dalka loo diray. Wuxuuna leeyahay xasaanad buuxda.

Sannadkii 1815 ayaa shir ka dhacay dalka Austria gaar ahaan caasimadiisa Vienna, lagu kala saaray darajooyinka diblumaasiyadeed, loo a go’aamiyana in la sameeyo Safiir Sare oo ka mug weyn kan caadiga ah ee la yaqaano.

Haddaba,tilaabadani maxay ka dhigantahay?

Waxaan oran karaa dalka Qatar in uu Soomaaliya u arkay in uu yahay dal muhiim ah, loona baahanyahay in siyaasaddiisa si dhow loo darso, hardanka iminka jirana kaalin buuxda laga galo. Intaas ka sakow, Soomaaliya in ay tahay dhul dihin, misana meel istiraatiiji ah. Waa goobta 7-da baddood ee dunida laga xukumo sida uu yiri “Alfred Thayer Mahan” oo ahaa khabiir Maraykan ah oo ku xeel-dheeraa Istiraatiijiyadda,dhintayna 1914-kii. Wuxuuna yiri “qofkii bad weynta India hanta, dhammaan baddaha dunida inteeda kale  isaga ayaa ka arimiya”. Tartanka qaawan ee  iminka socda ee u dhaxeeya dunida, si dekedo iyo marin baddeedyo loo helo waxay daba socotaa istiraatijiyadaas fog.

Qatar waxay si fiican ugu kuur-gashay in Soomaaliya aysan ahayn dal sabool ah, dadkiisu ku hardamayo siyaasad aan meel fog sii jirin, balse ay tahay: dhuuntii qaaradda Afrika, ubucdii saamayn lahayd siyaasadda Geeska Afrika oo dhan, loona baahanyahay in cududda Soomaaliya laga faa’iidaysto xilligaan muhiimka ah.

Maxaa xilligan ku soo beegay?

Sida aynu wada ogsoonahayba maalmahaan dambe waxaa jiray khilaaf xooggan oo golayaasha dowladda federalka ah ka dhex-aloosnaa, gaar ahaan guddoomiyaha golaha shacabka iyo raysul wasaaraha, waxaana laysku qabtay arimaha heshiisyada qalaad oo ay ka mid yihiin dekedaha,iyo khilaafyo kaloo soo jiitamayay.

Magacaabidda Safiirkaan Sarena waxay ka dhigantahay in labada dhinac ee is-haya la rabo midkood in si dhaqsa ah loo tuuro, waxayna ku xirantahay awoodaha la isticmaalo. Waxay sidoo kale ka dhigantahay in Qatar wixii hadda ka dambeeya ay faraha kula jiri doonto siyaasadda Soomaaliya, si weliba bareer ah; maadaama istiraatijiyadeedu dhinaca Amniga Soomaaliya ku xirantahay.

Madaxda dalka maxaa la gudboon?

Mar hadday noo muuqatay muhiimadda dalkeenu leeyahay, waxaa loo baahanyahay in aan qaadano siyaasadda loo yaqaan”dhex dhexaadnimada waxtarka leh” waa tan inta badan Saldanada Cumaan ku dhaqanto,Turkigana uu Wasiirkeedii hore ee Arimaha Dibadda ” Ahmed Daa’uud Oqlow” uu ka dhigay mid ka mida tiirarka afarta ah ee lagu hago siyaasadooda arimaha dibadda. Waxa loo yaqaan cadow yaraynta ama dhimista ” Hatred of hostilities”

Siyaasaddaasi oo ysa ka dambeysa sababbaha Qatar ay Suudaan  u dhistay Dekedda Buurta Suudaan, Imaaraatkuna isbuucii la soo dhaafay ku shubay Bank-ga dhexe ee Suudaan lacag dhan $1.4 bilyann oo deyn ah si loo kabo dhaqaalaha dalka  Suudaan, si sarifka lacagta qalaadna loo xakameeyo.

Madaxweyne Cumar Al-Bashiir,oo booqasho ku tagay magaalad Qaahira, ee Masar, waa siyaasadda “Aldaabka furan”. Haddaba maxaa Soomaaliya rakhiis ka dhigay? maynu dhammaan gacmaha u furno,inagoo ilaashanayna danaheena guud, Maxaa golayaashii dowladda ula kala safanyihiin dalal dharag la daala-dhacaya meesha shilimaad yar nalagu bixinayo si aan astaamihii qaranka u burburino.

,Allow yaa Villa Soomaaliya taladaas iga gaarsiiya!

Gunnaanadkii, waxaa lagama maarmaan ah in aynu ogaano in diblumaasiyadda dunidu ku dhisantahay sinnaan,dhinacyaduna si isku mid ah u dirsadaan ergooyinkooda matalaya.

Wasaaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya waxaa looga baahanyahay in Safiir Sidaas oo kale ah kula taliso in madaxweynuhu u ergeeyo dalka Qatar,isla mar ahaantaana Qatar ay ka qayb qaadataa dhisidda kaabayaasha dhaqaale ee Soomaaliya, labada shacabna is dhex-maraan. W

axaa xusid mudan in Safaaradda Turkiga ay shacabka Soomaaliyeed siiso dal-ku-gal, meesha safaaradda Imaaraatku iyo tan Qatarba ayan dal-ku-gal siin Soomaalida, waana arin baal-marsan sinnaanta matalaadda diblumaasiyadeed. Goormaynu garan doonnaa micnaha uu dalkeenu ku fadhiyo.

Wasiir Cabdifitaax Nuur (Ashkir)
Garoowe, Puntland, Soomaaliya
EMail:[email protected]

—————-

Halkan ka akhri maqaallo kale oo uu qoray Ashkir

-“SOOMAALIYADA CUSUB” MA TAHAY ERAYBIXIN LAGA FIIRSADAY?!


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2024 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.