
Muqdisho, Xildhibaanada Dawladda F. Soomaaliya ayaa maanta ugu doortay Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Dawladda F. Soomaaliya kulan ay ku yeesheen xaruntooda magaalada Muqdisho.
Doorashada oo ay isu soo taageen musharrixiin ay tiradoodu gaadhayso 10, ayaa ugu dambeystii ay isugu soo hadheen Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan iyo Ibraahim Isaaq Yarow.
Haddaba Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan ayaa helay codad gaadhaya 147, halka musharax Ibraahim Isaaq Yarow uu ka helay 118 cod.
Guddoomiyaha cusub ee Golaha Shacabka Md. Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan oo hore u ahaa wasiirka gaashaandhigga xukuumadda federaalka Soomaaliya ayaa xilkaas dhawaan iska casilay si uu ugu tartamo jagada guddoomiyaha Golaha Shacabka oo uu banneeyay Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ka dib markii uu khilaaf ba’ani soo kala dhex galay isaga iyo Villa Soomaaliya oo ay taageerayeen xildhibaano ka tirsan Golaha Shacabku.
WardheerNews. Muqdisho