Sunday, October 17, 2021
Wardheer News
  • Maqaallo
  • Slideshow

Maxamed Cabdi “Gandi”: Haldoor kaloo God u hoydey

WQ. Maxamed Daahir frax

  • Geesiga Dhulkiisa
  • Guusha u horseeda
  • Geerida dishaay
  • Geedkaa ha go’o!

Xuseen Aw Faarax (AUN)

Abwaankii waddaniga ahaa, Xuseen Aw Faarax Dubbad, ka mid ahaa aabbayaashii hal-abuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida, markuu ku muusoonayey erayada kor ku qoran, oo dhextaal u ahaa heestii caanka ahayd ee ay qaadi jireen Maxamed Saleebaan iyo Hibo Maxamed, abwaanku wuu garwaaqsanaa ‘geeridu’ in ay xaq tahay. Hayeeshee wuxuu jeclaystay geeridu inay ka warwareegto ‘geesiga’ u guntan ‘guusha’ dalkiisa, micnaha, samataliska u heellan daryeelka danta guud. Dareenkaas Xuseen ka tarjumayey ku la mid ah ayaa igu dhalanayey mar kastoo la iiga war-keeno geerida lama-filaanka ah ee ‘geesi’ ka mid ah haldoorkii ku hawllanaa horseedka samaha. Damqasho gaar ahaaneed waxaa igu dhalisa geerida maskax-maalka horyaalka ah iyo hal-abuurka samataliska ah, kuwaas oo waaydan danbe geeridoodu noqotay sidii tusbax go’ay!

Murti horaa laga hayaa ‘Geeriyi aqoon bay kugu dishaa’. Murtidaas waxan xusuustay kolkii dhawaan la iiga naxsaday “Barfasoor Gaandi ka Samir”! Maxamed Cabdi Xaaji, sidii aan u niqiin casrigii ardaynimadayada, ama Maxamed Cabdi Maxamed, sida rasmi ahaan u diiwaan-gashan, ama Barfasoor Gaandi, sida bulsho-weyntu u taqaan, wuxuu ahaa nin aan aqoon dheer u leeyahay. Wuxuu ahaa saaxiib aan feker-wadaag nahay. Wuxuu ahaa rafiiq/jaalkay/jaalle aan isla soo marnay tub dheer. Murti labaad oo soo-jireen ah ayaa na baraysa: ‘qofkaad doonayso inaad dhab ahaan u barato, jid la mar, ama jabad la deg, ama jidiin la cun’. (Waa cashar dhaxalgal ah).

Barfasoor Gaandi Waxan isla soo marnay jid dheer oo qodxa badan: waxan isku soo gaarney ardaynimo dugsigii Jamaal Cabdinaasir, xilligii ay maamuli jirtey Dowladda Masar; waxan wada asaasnay ururro kala nooc ah, tusaale ahaan Ururka Tubta Nabadda (Peace Line) oo aan ku wada asaasnay Paris (France) asagu fikraddiisa lahaa asagana aan u doorannay Guddoomiye; waxan iska kaashannay wargeysyo uu ugu caansanaa warageys-cilmiyeedka caalamiga ah ee Hal-abuur; waxaan qurbajoog ku wada noqonnay qaaradda Yurub. Waxan halkaas ka wada billownay halgan-maskaxeedkii intii damqanaysey u tafa-xaydatey sidii loo badbaadin lahaa jiritaanka ummadda Soomaaliyeed, kolkii uu dhexda ka jabay tiir-dhexaadkii qaranimadu bilashadii sagaashannada qarnigii tagey. Waxan kala joogney laba dal oo daris ah: Ingiriiska iyo Faransiiska. Taasi waxay noo fududaysay is booqashada iyo talo-wadaagga. Waxan xusuustaa marar badan oo uu saqda dhexe telefoon hurdada igaga salalin jirey umalka iyo tiraanyada ka haysa burburka lagu gubey dalkii aan u dhalannay iyo darxumada ay ku suganyihiin dadkii aan ka dhalannay. Waa xanuun na wada damqayee markaasaa waagu noogu baryi jirey tawaawac iyo talo-wadaag aan ku hadaaqi jirney waxa an ka qaban karno iyo tallaabooyinka nala gudboon.

Annagoon itaal hayn ayaan isu kala diri jirney hawlo tankayaga ka weyn: diyaarin iyo faafin qoraallo kala duwan; isla baadi-goob waxgarad an is kaashan karno; abaabul kulanno iyo shirar kala nooc iyo kala heer ah, iwm. Ka sokow kulannadaas Soomaalida dhexdeeda ah, waxan Gaandi si joogta ah uga wada qaybgali jirney oo ku kulmi jirney shirar caalami ah oo ujeedkoodu ahaa xal-u-raadinta burburka Soomaaliya iyo daminta dagaalkii ka holcayey. Shirarkaasi waxay isugu jireen kulan-cilmiyeedyo aqoonyahanku ku soo bandhigaan diraasado laga soo shaqeeyey iyo shir-weyneyaal siyaasadeed. Dhawr sano waxaan si wadajir ah UNESCO lataliyeyaal caalami ah uga ahayn kulanno iyo barnaamij-dhaqameed lagu magacaabi jirey ‘Towards a Culture of Peace in Somalia (U horseedka dhawan nabadeed oo lagu xasiliyo Soomaaliya)’. Shirarka siyaasadda labadii ugu caansanaa, ahaana labada keliya ee mira dhalay, labadaas oo kala ahaa Shirweynihii Carta iyo kii ku caan-baxay Embgatti, waxay ahaayeen labada aan Barfasoor Gaandi ku wada qaadannay waqtigii ugu dheeraa. Shirweynihii Carta unuggii ugu horreeyey ee saldhigga u noqday, kaas oo ahaa shirkii Latashiga Aqoonyahannada (Intellectual Consultative Symposium) ayaa Gaandi iyo aniga noo noqday fursad aan si qota-dheer isugu sii baranno. Waayo waxaan labadayadu ka wada mid ahayn farsameeyeyaashii falkinayey fikradaha laga ambaqaadayo. Ka dibna dowladdii shirkaas ka dhalatay waxaan ka wada mid noqonnay masuuliintii loo igmaday hawlgalinta iyo hirgalinta dowladdii dib loo yagleelay. Waa halkii uu ka soo billaabmay taxanihii xilalkii kala duwanaa ee Maamed Cabdi “Gaandi” uu ka soo qabtay dowladihii Soomaaliya bubruka ka dib dhismay.

Xogwarrankaas hordhaca ah waxaan uga gol lahaa in la fahmo tilmaamaha an ka bixin doono Maxamed Cabdi “Gaandi” in ay yihiin kuwo ka soo maaxdey aqoon dheer oo aan u lahaa. Waxaan isku dayayey inaan akhristaha taabsiiyo tubtii aan isla soo marnay ee suurtagalisay is-aqoonta qotada dheer. Tilmaamaha an tibaaxay inaan marxuumka ka bixin doono ambaqaadkoodu ma noqon doono kii caadiga ahaa. Kii marka baroor-diiq la qorayo ama qof geeriyooday laga tilmaan-bixinayo la tixi jirey uun dhacdooyinkii taariilk-nololeedkiisa: taariikhdii iyo goobtii dhalashadiisa, xarumihii uu wax ku soo bartay, meelihii uu ka soo shaqeeyey, ubadka uu ka tagey, iwm. Taasi waa ‘War la qabaa xiisa ma leh’. Waxaa ku filan intii hore looga tabiyey warbaahinta kala duwan ee ay ugu af dheeryihiin VOA iyo BBC, siiba xog-warrankii waafiga ahaa ee uu BBCda ka tabiyey Sen. Cabdirisaaq Cusmaan Juriile oo aan waxba dhaafin.

Sidaa awgeed, dhanka aan jeclahay inaan wax ka taabto waa dhinacyo aan hore loo iftiimin. Waa sifooyin u gaar ahaa Bafasoor Gandi; sifooyin ay qiyaastayda aad u yaryihiin dadka ka warhaya ama ku baraarugsan, marka laga reebo dadka (sidayda) aad ugu dhawaa, aadna wax ugu fiirfiirsada. Waa sifooyin Gaandi ku mudanyahay in lagu tilmaamo la-higsade. Waa sifooyin mudan inay higsadaan ama kaga daydaan da’yarta hanka iyo himilada sare leh. Si kale haddaan u dhigo, Gaandi wuxuu ahaa ‘geesi’ ka-taariikhayn iyo kudayasho mudan. Waa sababta qoraalkani uga ambaqaaday erayadii Xuseen Aw Faarax ‘Geesiga dhulkiisa…’.

Geesinimadu ma aha xabbad qori laga rido. Ma aha dagaal la isku maqiiqo. Ma aha macangagnimo lagu indha adaygo. Sida uu na barayo xadiithka Nabigu (C.S.W.S.), ليس الشديد من غلب النلس إنما الشديد من غلب نفسه  (Geesigu /nin-karmeedku ma aha kan dadka ka adkaada, ee waa kan naftiisa ka adkaada). Maxamed Cabdi Gaandi wuxuu ahaa nin naftiisa ka adag, hawlgalinteeda ku adag, xumataliska ka adag, samadoonka ku adag. Wuxuu ahaa nin xaqa ku dhiirrada, xaqdarrada ka dhiidhiya, xumaha ka dhawrsada. Wuxuu ahaa ‘geesi dhulkiisa guul u horseeda’. Samatalis safka hore kaga jira haldoorka ummadda Soomaaliyeed. Marka la soo ururiyo, tilmaamaha ku dayashada mudan ee uu lahaa Maxamed Cabdi Xaaji waxaa lagu soo koobi karaa afartaan ugu waaweyn:

  1. Madaale. Wuxuu ahaa madaale nolol-maalmaaddiisa ku dhammaysta xusul-duub, dadaal mintid ah. Wuxuu ahaa madaale wixii uu u dhaqaaqo aan ka harin ilaa uu ka niib-keeno; ilaa uu ka gaaro yoolka ugu sarreeya. Tusaale ahaan, i) Billowgii noloshiisa wuxuu ku mintiday waxbarasho. Kama daalin ilaa uu gacanta ku dhigay shahaadada ugu sarraysa tacliinta qorshaysan: doktooraat ama PhD cilmiga dhulka (geology). Waliba halkaas kuma nasane wuu sii xusul-duubay, ilaa uu soo hooyey PhD labaad (culuunta taariikhda iyo dhaqannada bulshooyinka). ii) Ka dib wuxuu u dhaqaaqay cilmi-baaris madaxbannaan iyo qoraal-curin. Mintidkaasna maalin kamuu nasan ilaa uu dibadda soo dhigay 12 buug iyo ilaa 50 qoraal-cilmiyeed oo uu ummaddiisa iyo adduun-weynahaba kula wadaagayey aqoontii uu kasbaday. iii) Xusul-duubkiisii saddexaad, qaranjabkii Soomaaliya kolkii uu ku qarracmay wuxuu dhexda u xirtay sidii dib loogu soo celin lahaa dowladnimadii Soomaaliya, sidii aan kor ku soo tilmaamay. Taasna maalin qudha kamuu nasan ilaa uu indhaha saaray calankii Soomaaliya oo dib hawada loogu suray magaalada Carta, Jabuuti 2000. iv) Halkaas ayuu ka billaabay xusul-duub afraad. Markaan wuxuu beegsaday badweynta siyaasadda. Wuxuu go’aansaday inuu ka qayb-qaato hoggaaminta dalka. Waxaa la malayn karaa ujeedkiisa weyn in uu ahaa u adeegga danta guud, sidii uu hore u aamminsanaa. Wuxuu mar ii carrabbaabay in uu is yiri hoggaaminta dalka markaad dad kale u deysey waa tay jar ka tureen, ilaa imminkana hoggaan la mahdiyo la la’yahaye, markaan cidna ha ku hallayn e adigu u tafa-xaydo. Taasna mintidkii uu u galay waa kii jaranjarta xilalka marba kor u sii tafayey: xildhibaan, danjire, Wasiirka Gaadiidka, Wasiirka Gaashaandhigga, kwd.  Ugu danbayntiina, asagoo sii higsanaya fiiqa ugu sarreeya (hoggaamiyaha dalka/ Murashax madaxweyne) waa tan ka joojisay tii Alle. Yaa og, lagaba yaabe in uu noqon lahaa kii ku habboonaa ee sugitaankiisu ummadda ku dheeraaday!

Cilmi-doon. Sifadiisa labaad ee ku-dayashada mudan waxay ahayd u oommanaanta aqoon-kororsi joogta ah. Noloshiisa inteedii badnayd wuxuu ku foognaa aqoon-kororsi iyo aqoon-kordhin: waxbarasho, cilmibaaris, xog-raadin, qoraal-curin, iwm. Gaandi horti maan maqlin qof Soomaali ah oo tacliin-jecli ka gaarey heer intuu PhD qaato haddana mid labaad u guntada.

Kulmiye. Naanaysta saddexaad ee Gaandi lagu tilmaansan karo waa kulmiye! Wuxuu karti u yeeshay in uu kulmiyo dhinacyo ay Soomaalida ku yaryihiin dadka ay ku kulmeen. Qaybihii hore ee noloshiisa wuxuu ku caan-baxay ama lagu bartay in uu yahay aqoonyahan, cilmibaare, xeeldheere, barfasoor jaamacadeed, qoraa, khabiir caalami ah. Intaasi waa is leeyihiin, wayna badan yihiin dadka kulmiyey. Haseyee Gaandi wuxuu ged cusub la soo baxay markuu noqday, ololeeye siyaasadeed (political activist), urur-dhise, hoggaamiye siyaasadeed. Waxaa diiwaangalin mudan in uu intaba ka mira dhaliyey!

Samatalis. Waa kan qodobka Gaandi qayrkiis kaga mudh-baxay. Dhammaan sifooyinkaas uu lahaa hadday Soomaalida maanta badankoodu u adeegsadaan dano gaar ahaaneed, asagu wuxuu ku dadaali jirey in uu uga faai’deeyo danta guud. Waxbarashadii uu ku mintiday, cilmibaaristii uu ku daaley, qoraalladii uu ku dhabar-jabay, siyaasaddii uu isku maqiiqay, xilalkkii uu ka soo xasiliyey, intaba wuxuu ka ilaaliyey in uu dhanka xun u adeegsado, ama dano shakhsi ah ku kobo, sida ay yeelaan Soomaali fara badan oo shahaadooyin waaweyn ku raran. Sida ay ka marag-furi karaan dadkii aqoonta fiican u lahaa, Maaxamed Cabdi “Gaandi”, in kastoo aan qof aadmi ah goldaloolo laga waayi karin, shaki kuma jiro hammigiisa weyn in uu ahaa “waari mayside war ha kaa haro” — inta aad nooshahay, naftaada uun ha u noolaan ee ku dadaal inaad qabato wax dhaxal u noqon kara dalkaaga, dadkaaga iyo dunidaba. Waa sababta uu kula baxay Gaandi. Horaa loo yiri “Magac bilaash kuma baxo”. Bilaash looguma magac-darin halyeygii caalamiga ahaa, Mahatma Gandhi, geesigii Hindiya ka xorreeyey gumeysigii Ingiriiska, ku xorreeyey indheergaradnimadiisa, adkaysigiisa iyo aamminsanaantiisa wanaagga guud, aamminsanaan ka sara martay dan qofeed iyo damac shakhsi ah.    

Aan u ducaynno Barfasoor Gaandi, in uu Eebbe jannadiisa ku abaal-mariyo. Annana an ku ducaysanno inay noo kacaan Gaandiyo badan. Allahumma aamiin!!

W.Q. Maxamed D. Afrax

Email: [email protected]


We welcome the submission of all articles for possible publication on WardheerNews.com. WardheerNews will only consider articles sent exclusively. Please email your article today . Opinions expressed in this article are those of the author and do not necessarily reflect the views of WardheerNews.

WardheerNew’s tolerance platform is engaging with diversity of opinion, political ideology and self-expression. Tolerance is a necessary ingredient for creativity and civility.Tolerance fuels tenacity and audacity.

WardheerNews waxay tixgelin gaara siinaysaa maqaaladaha sida gaarka ah loogu soo diro ee aan lagu daabicin goobo kale. Maqaalkani wuxuu ka turjumayaa aragtida Qoraaga loomana fasiran karo tan WardheerNews.

Copyright © 2021 WardheerNews, All rights reserved

Leave a Reply

You must be logged in to post a comment.