Maxaa loo dhisayaa, yaase loo dhisayaa dawladda Soomaaliyeed?

W/Q Maxamad Dalmar

Waxaa hadda hawsheedii lagu guda jiraa dhismaha dawlad Soomaaliyeed ee cusub. Waa tii Shannad markii laga soo bilaabo dawladdii Carte ee 2000ka. Waqti badan iyo juhdi badan ayaa la galiyey sida loo dhisayo dawladdaan. Laakiin, la  isma weeydiin: 1) Maxay tahay ulajeedada aan dawladdaan u dhisanayno? 2) Yaan u dhiseynaa? Maxaa natiijo ah oon ka filaneynaa? 3) Maxay inoo qabanayaan dadka aan ku aaminayno masiirkeenna?

Waa su’aal meesha ku jirta oo aan maqaalkaan aan kaga faaloonayo.

Waa su’aallo meesha ku jirta oo aan maqaalkaan in aan kaga faaloonayo.

Sully French statesman
Sully

Waxaa la yiri  nin la oran jirey “Sully” oo ahaa ra’iisulwasaarihii boqorkii Faransiska Henry IV, qarnigii 16aad ayaa la weeydiiyey yoolka xukuumaddiisu hiigsanayso, markaas ayuu ku jawaabay: “in guri kasta dab ka shidan yahay, dheri kastana digaag ka bisil yahay (a chicken in every pot).  Kolkii hore, waa lagu qoslay hadalka  Ra’iisulwasaaraha. Maxaa isu keenay dawlad iyo digaag baa la yiri?

Dawladdu soo ma ahayn middii  xoogga badnayd, dahabka iyo lacata daabici jirtey, duulllaanka iyo bililiqada weligeed u taagneyd, dadka cadaadin jirtey, tamaashaadka iyo wacdaraha dhigi jirtey?  Waa fikradda laga aaminsanaa dawladda waayahaas. Wxaan u maleynayaa in dad badan oo Soomaali ahna sidaas ka aaminsan yihiin dawladnimada.

Ka gadaal, hadalkii  “Sully” wuxuu bilow  u noqday aragti hor-u-socod ah oo mudnaanta koowaad siisey daryeelka bulshada, una aqoonsatay xilka ugu weeyn ee saaran qof kastoo mas’uul ah.  Waa tan keentay in dalal badani hirgaliyaan barnaamijyada gargaarka bulshada (welfare state), haddana dalalka qaarkood ay ka baaran degayaan siday qof kasta oo muwaadin ah ugu damaanad qaadi laahayeen dakhli ku filan noloshiisa (guaranteed income). Barnaamijyadaas ka hor, sidaan ka baranay taariikhda Islaamka, Cumar Ibn Khidaab, Allaha ka raali noqdee, wuxuu habeenkii ku wareegi jirey xaafadaha si uu ugu kuurgalo xaaladda ay ku sugan yihiin dadka uu mas’uulka ka yahay. Wuxuu dhageeysan jirey, waxna ka qaban jirey cabashadooda.

Aan u soo noqdo su’aasheenni: Maxay tahay ulajeedada dawladda loo dhisayo? Haddaan weedha“Sully” yiri aan ku dabaqno Soomaaliya, waxay ka dhigan tahay iyadoo la yiri: ulajeedada dawladdu waa in qof kasta ama qoys kasta uu helaa ugu yaraan maraq iyo muufo ama canjeelo (laxoox) iyo suqaar. Xikmadda ku jirtaana waa inuusan qofna gaajo ku seexan. Waxaa intaas Soomaaliya u dheer in marka hore la sugo nabadgelyadii lagu cuni lahaa muufada.   Haddii si kale loo dhigo ulajeedadu dawladdu waa difaaca iyo daryeelka bulshada.

Dawladdu ma u taagan tahay fulinta ulajeedadaas kor xusan?  Jawaabtu waa maya! Haddaan tusaale u soo qaadanno dawladihii hore. Ilaa iyo hadda waxaan aragnay dawlado tirabadan (70 wasiir iyo wasiir-ku-xigeen ama 300-400 haddii dawlad gobaleedyada lagu daro) oo inta badan aan tayo lahayn, oo aan taageero dhaqaale haysan, oo sida muuqata loogu talagalay in qabaa’il lagu qanciyo ama magacooda lagu qaraabto ee aan loogu talagelin qaran-dhisid. Taas waxaa marag u ah baaqyada ka soo baxa beelaha mar kasta oo dawlad la dhiso. Annagu haddaan nahay reer Qansax nalama siin qaybtii aan sad ahaan ugu lahayn dawladda, sidaas daraadeedna waan kala noqonay kalsoonidii. Annagu hdadaan nahay reer Qurac waxaa nala siiyey jago aan noo qalmin (waa wasiir-ku-xigeen), cad-quureedna ma qaadanno. Annagu haddaan nahay reer qaroon, waxaa noo asteysnaa wasaaradda Maaliyadda, waana nala dhaafiyey, dagaal banna ka xignaa iwm.

Somalia
Soomaaliya

Waxaa intaas ka sii daran, muranka ka dhex qarxa fadhi-ku-dirirka, bogagga interneetka, iyo raadiyayaasha oo kulli ka dooddaya sida beeluhu u kala qaybsadeen ama u kala bursadeen jagooyinka iyo xafiisyada dawladda. Yaaba dan ka leh sidii dib loogu dhisilahaa qaranka dumay. Haddaba, waa iska caddahay in dawlad noocaas ah oo qabiil lagu soo xulay aayan guuleysanayn.  Waxaanse isqabaneyn in bulshada Soomaaliyeed marna qabiil aaminto, markii dhibaatada qabiilku xanuujisana ay afka qaylo ku dhufato. Waa la ba’ay, dalkii waa la gatay; dad iyo duunyo ma harin; Allow naga soo gaar iwm.

Aan u soo noqdo su’aashii. Sidaan kor ku soo xusay, ulajeedada dawlad kasta waa difaaca iy daryeelka bulshada, ama badbaadinta iyo barwaaqasooranka bulshada. Haddaba, markaan fiiro gaar ah u yeelanno xaaladda soomaaliya, oo aan tixgelinno awod-darrida maalyideed iyo maamuleed ee dawladda haysata, waxaa lagu talin karaa in dawladdu ku mintiddo sugidda amniga oo keliya, isagana xoogga saarto. Markaas, wajibaadka dawladda laga rabo inay gudato, lagulana xisaabtamo, waxaa loo qori karaa sidaan:

  • In dawladdu labada sano ee soo socda sugto aminga dalka ilaa la gaaro heer uu qaf kasta oo muwaadin ah ama marti ah uu dalka Soomaaliya ka gees ka gees nabadgelyo ugu mari karo uguna noolaan karo.

Haddii sidaas loo qeexo ulajeedada dawladda, sidaasna lagu heshiiyo, waxaa lagama maarmaan noqoneysa  in wax badan laga beddelo dabeecadihii iyo dhaqankii hore ee wax lagu maamuli jirey, iyadoo wax kasta loo hurayo difaaca; ha noqoto canshuur dawladeed, deeq dibadeed, tabarucaad dadweeyne, naf iyo maal maal, wixii la hayo iyo wixii la heli karaba.  Anigoo fikraddaas ka duulaya, waxaan soo jeedinayaa in golaha xukuumadda lagu soo koobo laba wasiir oo keliya ah:

  1. Wasiirka aminga oo nabadgelyada suga iyo
  2. wasiirka maaliyadda oo dhaqaalaha soo uruuriya.

Waxaan qabaa inay faa’iido badani ku jirto in sidaas loo soo yareeyo golaha wasiirada. Waa mare, shaqo u baaqan meyso oo haddaba adeegyada bulshada iyo dhaqaalahaba waxaa fuliya qaybta gaarahaeed (private sector), Waa marka labaade, wixii hanti ah oo dhaqaalooba waxaa lagu xoojinayaa ammaanka. Askar dambe  mushahar ma waayeyso.

Haddaan soo gabagabeeyo, waxaan soo jeediyey su’aal ah: Maxaan rabnaa inay dawladdu inoo qabato, ama inoo qabtaan madaxda dawladdu? Waxaan xusay in nabadgelyadu tahay baahida ugu weeyn oon manta qabno, iyadana aan bartilmaameed ka dhiganno. Siday aniga ila tahay, waxaa ina horyaal laba doorasho. Ma isu geeynaa maalkeenna, muruqeenna iyo maskaxdeenna, shicib iyo dawladba, una jiheeynaa xagga difaaca dalka? Mise hantidii yareyd ee aan haysanay waxaan ku bixinnaa hoteelo, safaro iyo jagooyin bug ah; inatay xaarataana xisaab ma leh!

Maxamed Dalmar
Email:mdalmar@sympatico.ca
——————
Maxamed Dalmar waxa uu xilal kala duwan ka soo qabtay Bangiga Dhexe ee Soomaaliya, isaga oo ahaa Agaasimaha Guud ee Bangiga Dhexe, islamarkaana bare ka ahaa kuliyadii Dhaqaalaha ee Jaamacada Ummadda Soomaaliyeed. Dalmar  waxa uuu ka faaloodaa arimaha dhaqaalaha iyo bulshada oo uu ku soo qoro degelkan WardheerNews.

Leave a Reply

Your email address will not be published.